WAXA AAN RABAA İN AAN İSDİLO!
Waxa aan rabaa in aan isdilo!. Maskaxdaydu waxa ay i leedahay kac oo is dil. Marka aan soo kor istaago miiska jikada oo aan mindida kala soo baxo caaga weelka ee aan saaro qoortayda marka aan dareemo qabowga birta sida ay u afaysan tahay iyo sida ay sakamo gudahood nafta ii dhaafin karto ayaan inta indhaha isku qabto dib u eegaaa noloshayda waxa aan isku dayaa in aan halmar jiriirico dareemo. İn aan xasuusto xaalad qurux badan oo awoodi karta in ay jirkayga iyo dareemahayga gilgisho kadibna nolosha xiiso ii galiso, mararka qaar ilbiriqsiyo ayaan ku baraarugaa oo aan helaa xasuus yar oo kicisa dareenkayga sii dhimanaya. Mararka qaar wajigiisa ayaan xasuustaa dib ayaan u gocdaa markii koowaad oo uu gacantiisa gacantayda saaray, markii koowaad oo jirkayga iyo kiisu istaabtay. İnta aan dhoola-caddeeyo ayaan mindida iskaga ridaa halkii aan kasoo saaray ee maxaa dhici kara maalinka aan waayo xasuus aan dareenkayga xiisaha nolosha dib ugu soo ceshado? Macquul ma tahay in qiimaha ...