JACAYLKU QOFKA MA KARAAMADA AYUU KA QAADAA?


JACAYLKU QOFKA MA KARAAMADA AYUU KA QAADAA?

Waxa aan aad ula yaabay dhaqan dhalinyaradeenna dhexdooda ku baahay, heer uu u ekaaday wax xaqiiqo ah oo ku qotoma arrimo la xaqiijiyay.

Wiilasha soomaalida badi waxa ay u haystaan haddii gabadhu ku jeceshahay in aysan weligeed kaa tagayn kaana maarmi karin. Sidaa si lamid ah gabdhaha soomaalidu waxa ay ka qabaan jacaylka sas oo waa ay is adkeeyaan illaa xad mana soo bandhigaan dareenka ay dhigood laabta ugu hayaan ayaga oo ka cabsi qaba in lagu ceebeeyo. 

Haddii ay dhacdo in ay is adkayntii dhamaato oo ay caddayso waxa laabteeda ku jira badi waxa ay noqdaan kuwa maxkuum u ah dareen kaas oo aan ka dhiidhin karin xumaatooyinka uga imaanaya qofka ay jecel yihiin. Waxa ay halhays ka dhigtaan in qofka wax jeceli uusan waxba diidi karin. Yaa beentaas dadka ka dhaadhiciyay? Sidee ayaa uusan qofku xumaanta uga gadoodi karin waxa haya ma jacayl baa mise waa xanuun dhanka fikirka qofka ka naafeeyay.

Culimada cilmi nafsigu waxa ay caddeeyeen in qofku waxa uu aamino ay xaqiiqo u noqoto. Halkaan waxa aan dhihi karnaa in ay dhalinyaradu sidaa u fakaraan ayagu khalad kuma laha ee waa arrimo maankooda ka daadagay ayaga oo aan u fiirsan sidaasna ay ku aamineen oo xaqiiqadooda qeyb ka noqday. 

Wiilal badan oo asxaabtayda kamid ah ayaan ka maqlay kelmadda ah "Naagtu haddii ay ku jeclaato waa sida ay kuu jeclaatay?" Waxaas yaa yiri naagtu miyaysan ahayn shakhsi nool oo damiir wax diidi kara u saaxiib ah. Wiilasha kuma koobna arrintaani oo gabdhuhuna waa lamid wiilka jacaylka iyo wanaaga usoo bandhiga waxa ay u qaataan lahayste aan maya aqoon oo sidii la doono laga yeelo.

Sidoo kale waxaa ayaguna buuxa gabdho iyo wiilal eersaday fikirkaas xun oo qofkii ay jeclaayeen sidaa ku waayay ayaga oo niyaystay in uusan halkiisaa ka dhaq-dhaqaaqayn khalad iyo sax wixii lagula dhaqmaba. Waxa ay ku baraarugaan goor ay waayeen qofkii ay jeclaayeen oo uu ka tashaday ayaguna kobtii ayay caro iyo ciil la fariistaan ayaga oo eedaynaya ciddii hindistay in jacaylku qofka hayin aan jeenso aqoon ka dhigo.

Aniga ayaa la kulmay in la igu yiri "İma aad jeclayn oo haddii aad i jeclayd horay uma aadan socoteen" Sidee ayaana horay ugu socdeen maxaa i taagay meesha naftayda lagu bahdilayo miyaana damiir diira lahayn.

Waxaa kale oo ayaduna jirta dood ah Nimanka jacayl lama tuso haddii kale waa ay ku nacayaan. Hooyooyinka ayaa gabdhahooda kula taliya in aysan ninka tusin jacaylka ay u qabto oo dhan. 
Tanina waxa ay ku sal xiran tahay tii hore ee ahayd aaminitaanka in jacaylku qofka karaamada ka qaado kana dhigayo wax aan quursi iyo liidid midna kala garanayn. Nimanka laftooda arrintani waa ay saamaysay oo waxa ay xiiso badan u qaadaan naagta iska waynaysa oo aan tusin in ay u baahan tahay.

Ugu dambayn jecloow cidda aad doonto u sheeg oo ka bad-badi jacaylka aad u qabto. maalinka ay kugu khaldamaanna dibadda ka istaaji qalbigaaga oo ka xiro maankaaga. Adiguna haddii aad tahay qofka sida xad dhaafka ah loo jecel yahay ha moodin in qofka ku jeceli uusan abid kaa ag dhaqaaqayn ee ilaasho oo xafido inta aad jaaniska haysato.

Comments

  1. Jaceylku waa qofka, haddii uu qofku jaceylka iska dhigana wuu ka qaadayaa karaamada haddii uu qofnimadiisa xagga hore mariyo jaceylkana gadaal mariyo qof wax laga beddeli karo ma'aha

    ReplyDelete
  2. Jacaylow kumaa Tahay?

    Waa xaqiiqda jirta maanta OO wiilal badan iyo gabdho ay ku kala lunsa yahiin wax ay jeclaanaaa.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara