Xirfado Anfacaya Dhalinyarada 20-30 ka ku jira
Xirfado Anfacaya Dhalinyarada 20-30 ka ku jirta.
1. Baro sida dareemahaaga loo xakameeyo, iyo sida dadka kale dareenkooda loo fahmo. Haddii aad waqti ku bixisid in aad baratid xirfadda (Emotional Intelligence) wax badan ayaa iska baddalaya noloshaada shaqo, tan xiriir iyo tan la tacaamulka dadka ku gu xeeran.
Tusaale Video YouTube ah jaamacadda Yale oo hal saac soconaya wax badanna kuu faa’iidaynaya;
Emotional Inteligence Yale University Lecture
2. Baro sida loo qoro, loona soo gudbiyo aragtiyaahaaga oo cad. Sidoo kale waqti gali in uu fagaare ka hadalkaagu (Public Speaking) wanaagsanaado. Khasab maaha inaa dhammays ku ahaatid balse waa in aad aragtiyaahaga iyo waxa aad rabtid in ay dadka gaaraan u soo gudbin kartid sida aad rabtid.
Tusaale Video YouTube ah;
3. Communication Skills kaaga hagaaji. Haddii xirfaddaani kuu hagaagto waxaa fudud in aad dadka si fudud isu fahantaan, in aragtiyaha aad qabtid si fudud kuugu hirgalaan sidoo kalana aad ku kasban doontid dad badan oo aad si wacan isu fahantaan. Dadka badankoodu waxa ay isku khaldaan Communication Skills iyo hadal badnida. Qof walba oo hadal badan macnaheedu maaha in si wacan loo fahmi karo.
Tusaale Video YouTube ah jaamacadda Stanford;
Stanford University Communication Techniques
4. Saaxiibbo wanaagsan samayso. İn saaxiibo la samaysto xirfad ma aha ayay dadka qaar is oran karaan balse waa midda ugu adag. Haddii aad qof dhalinyaro ah tahay oo magaalo X ku nool waa in aad ugu yaraan leedahay hal qof oo magaalo walba kuu jooga kuuna samayn kara waxyaabaha aad magaalo x uga baahan kartid. Wax la beerto dad baa ugu qiimo badan ee waqtiga ugu badan gali sidii aad dad saxan isugu xeeri lahayd.
Tusaale Video YouTube ah;
Comments
Post a Comment