Eating Disorder: Fahamka, Calaamadaha, iyo Sida Looga Gudbo

 Eating Disorder: Fahamka, Calaamadaha, iyo Sida Looga Gudbo


Eating disorder ku waa xaalad caafimaad oo saameyn weyn ku leh jirka iyo maskaxda qofka. Waa dhibaato dad badan la kulmaan, balse badanaa la qariyo sababo la xiriira cabsi, ceeb, ama faham la’aan. 


Anigu waxaan soo maray xaaladdan, waana garanayaa sida ay u adagtahay in la aqbalo, la fahmo, lagana gudbo. Laakiin waxaan rabaa in aan si cad u sheego: Eating disorder ku maaha ceeb. Waa xaalad caafimaad oo mudan in si dhab ah loo qaato, loona helo caawimaad.


Waxa aan la kulmay gabar dhalinyaro ah, oo ay haysato xaaladdan balse aan ku baraarugsanayn. Si kadis ah ayaan uga sheekaysannay mawduuc la xiriira jirka iyo dharka labbiska nooca ay jeceshahay. Waan dareemay sida ay uga welwelsanayd jirkeeda iyo sida ay uga baqaysay qaabka ay u egtahay. Wadahadalkii wuxuu iga dhigay mid xasuusata wixii aan soo maray, wuxuuna ii muujiyey sida ay dad badan u la tacaalayaan dhibaatooyin isku mid ah iyagoo aan helin caawimaad. In aan ka hadlo, ama qoraal ka sameeyo ayaa weli igu adag.


Dad badan oo qaba eating disorder waxay la daalaa-dhacaan kalsooni-darro aad u weyn. Waxa ay rumaysan yihiin in jirka ay ku jiraan uusan ahayn mid “sax ah,” taas oo ku kallifta in ay cunto xad-dhaaf ah cunaan ama iska ilaaliyaan cunista. Waa arrin qoto dheer oo la xiriirta sida qofku u arko naftiisa, loona baahan yahay in laga hadlo si xalka loo gaaro.


Bulshadeenna soomaalida marka la dhex joogana aad ayay u adag tahay in qof xaaladaaa hayso ku dhex noolaado, waxa ayba sahlayaan in dad badan kalsooni darro ka qaadaan muuqaalkooda. Qofka soomaaliga ah waxaa u fudud in uu faallo ka dhiibto muuqaalka qofka kale. Adiga oo iska jooga ayaa waxaa la gu oranayaa “Maalmahaan waa caatowday” ama “Maalmahaan maxaa la cayishay?” Hadaladaas dadka xaaladdaan la tacaalaya mindi wadnaha la ga suray waa uga daran yihiin. 


Noocyada Eating Disorder iyo Calaamadahooda


1. Binge Eating Disorder (BED)


Tani waa marka qofku cuno cunto badan waqti gaaban gudaheed isagoo aan joojin karin, ka dibna dareemo murugo, eedayn, ama xishood. Dad badan waxa ay cuntada ku caburiyaan dareenno kala duwan oo haysta. Qaar ayaa marka ay xanaaqaan ama stress dareemaan cuna cunto aad u faro badan waana mid kamid ah calaamada Nooca loo yaqaan Binge Eating ka.


Calaamadaha Binge Eating Disorder:

  • Cunista cunto aad u badan xilli yar gudaheed.
  • Dareen la’aan ah marka la cunayo, oo qofku uusan xakameyn karin naftiisa.
  • Cunista cunto xad dhaaf ah  xitaa marka uu qofku dareemayo dhereg.
  • In qofku kaligiis wax cuno, ama la dhuunto cuntada  sababtoo ah qofka waxa uu ka xishoonayaa xaddiga cuntada uu cunayo.
  • Dareemidsa murugo iyo niyad-jab faro badan cunto cunista ka dib.


2. Anorexia Nervosa


Anorexia waa marka qofku si xad dhaaf ah u yareeyo cuntadiisa, cabsina weynna uu ka qabo miisaankiisa. Dadka qaba anorexia waxay isku arkaan kuwo cayilan xitaa marka ay aad u caato yihiin.


Calaamadaha Anorexia Nervosa:

  • Cunista cunto aad u yar ama iska ilaalinta cuntooyinka gaar ah.
  • Cabsi joogto ah oo la xiriirta cayil, xitaa marka qofku aad u dhuuban yahay.
  • Iska ilaalinta cuntada in dad la cunay.
  • Jimicsi xad-dhaaf ah oo qofku doonayo in uu gubo kalooriyada cuntadii uu cunay.
  • Isbeddel ku dhaca jirka sida timo lumis, caadada dumarka oo istaagta, iyo daal joogto ah.


Sidee Looga Gudbi Karaa Eating Disorder?


Ka gudbidda eating disorder ku maaha wax sahlan, balse waa suurtogal. Waa safar u baahan dulqaad, faham, iyo taageero. Qof kasta oo xaaladdan la tacaalaya wuu ka bogsan karaa haddii uu helo caawimaad sax ah.


1. Oggolow Xaaladdaada


Tallaabada ugu horreysa waa in aad garato oo aqbasho in aad la daalaa-dhacayso eating disorder. Waxaa muhiim ah in aad naftaada u naxariisato, iskana daysid dareenka eedda iyo ceebta. Marwalba oo qofku aqbalo xaaladdiisa dareemana in aysan ahayn wax ceeb ah waxaa fudud in la ga dawoobo.


2. Raadso Taageero


Caawimaad weydiiso qof aad ku kalsoon tahay—waxay noqon kartaa saaxiib, xubin qoyskaaga ah, ama dhakhtar nafsi ah. La hadalka qof aad ku kalsoon tahay waxay kaa caawinaysaa in aadan dareemin kelinimo, in aad ka sheekaysid xaaladda oo aad faallaysid dareenkaaga waxa ay qeyb wayn ka tahay in aad dareentid in aadan keli ahayn. 


3. Baro Sida Loo Maareeyo Dareenkaaga


Mararka badan eating disorder ku wuxuu la xiriiraa dareenka qofka. Marka qofku niyad-jabsan yahay, walwal hayo, ama cadaadis dareemayo, wuxuu u badan yahay in uu si khaldan cunto u isticmaalo. Waa muhiim in aad barato habab kale oo aad iskaga yareyn karto walwalka sida:

Jimicsi fudud (oo aan xad-dhaaf ahayn) sida socodka iyo yoga.

Qorista dareenkaaga (journaling).

Ka qaybgalidda waxyaabo aad jeceshahay sida farshaxanka, muusiga, iyo akhriska.


4. Dib U Baro Sida Loo Cuno Cuntada


Dadka qaba eating disorder waxay badanaa yeeshaan xiriir khaldan oo ay la leeyihiin cuntada. Waxaa muhiim ah in aad dib u barato in cuntadu tahay lagama maarmaan, una baahantahay in si caafimaad leh loo cuno. Waa in aad iska ilaaliso:

- Cunista cunto xad-dhaaf ah (binge eating).

- In aad aad u yareyso cuntada (starvation).

- In aad isku eedeyso marka aad wax cunto.


5. Ka Fikir Caawimaad Caafimaad


Haddii ay kugu adkaato in aad xakamayso eating disorder-kaaga, caawimaad raadso. Dhakhaatiirta nafsiga ah, nafaqeeyayaal (nutritionists), ayaa kaa caawin kara bogsashadaada. Somalia marka la joogo ma fududa in qofku caawimaad helo, balse raacidsa tallaabooyinka aan kor ku xusay waxa ay baddali karaan wax wayn.



Filimaan iyo Buugaag La Xiriira Eating Disorders

 Filimaantaan iyo buugtaan aan hoos kugula wadaagayo waa qeyb kamid ah kuwo aan daawaday, anigana aad ii caawiyay sababna u ahaa in aan si qoto dheer u fahmo xaaladayda. 


Filimaan

1. To the Bone (2017) – To the Bone waa filim drama ah oo uu qoray uuna sameeyay Marti Noxon, Waxaa jilaysa  Lily Collins. Filimku wuxuu raacayaa safarka Ellen, gabadh 20 jir ah oo la tacaalaysa anorexia nervosa. Ellen waxay si isdaba joog ah ugu guuldareysatay daaweyn kala duwan, taasoo keentay in qoyskeedu geeyaan xarun daryeel gaar ah, halkaasoo ay kula kulmayso dhakhtar aan caadi ahayn, Dr. Beckham (Keanu Reeves). 





Inta ay xarunta ku jirto, Ellen waxay la kulmaysaa dad kale oo la tacaalaya dhibaatooyin cunto la xiriira. Filimku wuxuu si qoto dheer u muujinayaa dagaalka ay la gashay cudurka, saameynta ay ku yeeshay nafteeda iyo qoyskeeda, iyo safarka ay u marayso si ay u fahanto in ay mudan tahay caafimaad iyo farxad.


Filimkan wuxuu si dhab ah u muujinayaa dhibaatooyinka dhabta ah ee la xiriira anorexia, isagoo sidoo kale dhiirrigelinaya in bogsiimadu ay suurtagal tahay.


2. Feed (2017) – Feed (2017) – Synopsis


Feed waa filim drama ah oo ay qortay isla markaana ay jilayso Troian Bellisario. Filimku wuxuu ku saleysan yahay waayo-aragnimada Bellisario ee la xiriirta anorexia nervosa.


Sheekadu waxay raacaysaa Olivia (Liv), ardayad dugsiga sare dhigata, nolosheeduna ay u muuqato mid qumman. Laakiin markii walaalkeed geeriyoodo, Liv waxay la kulmaysaa murugo aad u daran, taasoo ku riixaysa anorexia. Maskaxdeeda waxaa qabsanaya cod aan muuqan (oo loo ekaysiiyay walaalkeed) kaas oo cadaadis ku saaraya in ay iska ilaaliso cuntada si ay u xakamayso nolosheeda.


Filimku wuxuu si qoto dheer u eegayaa dagaalka gudaha ah ee ay Liv la galayso maskaxdeeda, cadaadiska bulshadu saarto, iyo sida anorexia ugu xoog badan tahay maskax ahaan intii ay jidh ahaan ahaan lahayd. Ugu dambayn, waxay qaadanaysaa safar ay isku dayayso in ay dib u hesho xorriyaddeeda iyo caafimaadkeeda.



Buugaag


1. “Life Without Ed” – Jenni Schaefer – Buug dhiirrigelin leh oo ku saabsan sida looga baxo eating disorder.


2. “Wasted: A Memoir of Anorexia and Bulimia” – Marya Hornbacher – Xusuus qor qiiro leh oo ka hadlaya qof ka bogsaday eating disorder.


3. “Goodbye Ed, Hello Me” – Jenni Schaefer – Sida qofku naftiisa dib ugu dhisi karo kadib eating disorder. Waa buug aad u ballaaran, talooyin wax ku ool ahna bixinaya.


4. “Intuitive Eating” – Evelyn Tribole & Elyse Resch – Barasho ku saabsan sida loo dhiso xiriir caafimaad leh oo lala yeesho cuntada. Buuggaan waxa aad ka baranaysaa in aad cuntada la yeelatid xiriir, baratidna waxa aad cunaysid ay muhiim u tahay ka bogsashada xaalado badan.



Ugu dambayn Eating disorder ku waa dhibaato dhab ah, laakiin bogsiimadu waa suurtagal. Waa inaa ku dadaashid wax walba oo caafimaadkaaga wanaajinaya, sidoo kale na aad aqbashid haddii aad la tacaalaysid marxaladdaan.


Fiiro Gaar Ah: Anigu dhakhtar ma ihi, balse waxaan idinla wadaagayaa inta aan ka ogahay iyo waaya-aragnimadayda. Haddii aad dareento in xaaladdaadu u baahan tahay caawimaad dheeraad ah, fadlan la xiriir xirfadle caafimaad.

Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara