Posts

Showing posts with the label XASUUS AAN TİRMAYN

XASUUS AAN TİRMAYN Q:3AAD

 Asbuuc kale ayaa kasoo wareegay imaatinkii burburiyaha farxadayda. weli lama aanan kulmin wajigiisana ma aanan arag. Waxa aan ka cabsi qabaa hadii aan hortiisaba istaago in aan ku tufo waxa xumaan aan maskaxda ku hayo oo dhan. Bal muu dareemo oo garto in dumarku ka badanyihiin gabadhan yar ee murugadu haraysay, farxadeedii iyo nolosheediina uu qeyb qeybta u burburiyay. Marmar waxa aan niyadda iska iraahdaa maadba u sheegtid in aadan doonayn, nin kalana jeceshahay nololna aadan la samaysan karin. laga yaabaa in uusan ku madax adaygin guurkaaga e. Haddana haddii aan sidaas sameeyo waxaa meel igu sugaya Aabbahay khaliif jaamac oo hadii aan dunida geeskeeda kale tago xataa aanan ka badbaadi doonin.  Culaysyada dunida midba mid ayuu ka culusyahay, anigase kuwa hadda i haysta waa kuwa aanan sinaba u maarayn karin. ****** Waa salaadii makhrib kadib. Waxa aan fadhiyay kaabadda qolkayga. Waxa aan  iska rog rogayay bogaga facebook aniga oo isku mashquulinayay waqtigana isku dhaafi...

XASUUS AAN TİRMAYN Q:2AAD

Ruux garasho dheer ayuu ahaaye wuu fahmay farriintayda anna kalmad ma oran waayo waa uu kacsanaa hadii aan hadal dhaho waan ogaa in uu sii xanaaqi doono aysanna ku habboonayn halkaani inaan u wada hadalno qaabkaas. Qaxwihii ayaa na loo keenay anigu kaygii durbaba wan cabbay, balse isagu waxa uu fiirinayay koobka isaga o ku dul fakaraya lama hadlin ee waa aan ka aamusay isaga oo xaaladdiisii ku jira.  Waxa aan isku mashquuliyay talefankaygii. cabbaar kadib ayuu istaagay oo yiri "Soo kac waan kacaynaaye!" "lakin qaxwahagi ma aad cabbin" ayan iri. igama hayso ayuu si kooban u yiri wuuna dhaqaaqay. Waan kasoo daba dhaqaaqay aniga oo shandadaydii garabka sii suranaya. Marka aan kasoo baxnay meeshii ayaan iri "Wax walba waxa ay ku wanaagsanyihiin marka wada hadal iyo isfahan lagu xalliyo lakin haddii qof walbaa buuqo isna xanaajiyo way adagtahay in xal la gaaro."  "Hadalkaagu wuu qurux badanyahay, lakin marka ay xaqiiqada joogto waxa aad tahay cagsiga waxa ...

XASUUS AAN TİRMAYN Q:1AAD

Saaka waxa aan soo toosay aniga oo leh, tolow maanta halkeed jaan iyo cidhib dhigi doontaa! xaggeed u dhaqaaqdaa oo aad kaga dhuumataa noloshan gurracan. Waxa aan dhex fadhiyaa qolkaygii oo aad mooddo in geel ku gal gashay, hortayda waxaa daadsan buugaag marka ishaadu qabataba aad ku fakaraysid, qof miyir qabaa ma akhriyin sidaas oo dhanna iskuguma dhex yaacin. Dhinaca kale waxaa daadsan maryo  markaad eegto aad ku shakiyaysid in meeshaan qof nooli degan yahay iyo in ay tahay xarun lagu hayo qof dhanka dhimirka ka jirran.  Waxa saas u galay qolkayga wax kale maaha ee waa aniga oo daqiiqado kahor raadinayay sawir aan isla galnay wiil noloshayda cutub wayn ku lahaa, balse maanta aanan meelna ku sheegin. waayitaankiisii waxaa iigu darsamay, waayitaanka xasuustii kali ahayd ee aan ka haystay taas oo ahayd sawirkaas aan maanta la'ahay.  Waxa ay ahayd 3 sano kahor markii koowaad ee aan kulannay. Waxa aan si kadis ah iskugu aragnay carwo aan alaab uga iibinayay caruur aan habary...