XASUUS AAN TİRMAYN Q:1AAD
Saaka waxa aan soo toosay aniga oo leh, tolow maanta halkeed jaan iyo cidhib dhigi doontaa! xaggeed u dhaqaaqdaa oo aad kaga dhuumataa noloshan gurracan. Waxa aan dhex fadhiyaa qolkaygii oo aad mooddo in geel ku gal gashay, hortayda waxaa daadsan buugaag marka ishaadu qabataba aad ku fakaraysid, qof miyir qabaa ma akhriyin sidaas oo dhanna iskuguma dhex yaacin. Dhinaca kale waxaa daadsan maryo markaad eegto aad ku shakiyaysid in meeshaan qof nooli degan yahay iyo in ay tahay xarun lagu hayo qof dhanka dhimirka ka jirran.
Waxa saas u galay qolkayga wax kale maaha ee waa aniga oo daqiiqado kahor raadinayay sawir aan isla galnay wiil noloshayda cutub wayn ku lahaa, balse maanta aanan meelna ku sheegin. waayitaankiisii waxaa iigu darsamay, waayitaanka xasuustii kali ahayd ee aan ka haystay taas oo ahayd sawirkaas aan maanta la'ahay.
Waxa ay ahayd 3 sano kahor markii koowaad ee aan kulannay. Waxa aan si kadis ah iskugu aragnay carwo aan alaab uga iibinayay caruur aan habaryar u ahay, dabci wanaagiisa iyo habka uu macaamiisha ula dhaqmayay waxay ahayd waxa koowaad ee ku tusinayay inuu yahay shakhsi dadnimo iyo dun wanaag u saaxiib ah. Si wanaagsan ayuu iiga iibiyay dharkii aan caruurta u gadayay. Markii mid walba dharkisii iyo kabihiisaba bac loogu riday ayuu si hoose ii yiri " walaal, numberkaas lacagta ku dir." Waan diray lacagtii dabadeed ayuu yiri " walaal, Magacaygu waa Zekariye halkan ayaan ka shaqeeyaa. Waxa aan jeclaan lahaa in aan kuu barto si shaksiyan ah oo ka baxsan ahaanshaha macmiilkayga." waxa aan ugu jawaabay hawraarsan, waxa aana u sheegay in magacaygu yahay Asma. Sidii baan kusoo kala tagnay. Saacado markii aan gurigayga joogay wax wicitaan ahna aanan ka helin dhankiisa ayaan iswaydiiyay waxa helay ee uu iisoo garaaci waayay, haddana waxaan isku qanciyay inta madaxa iska dharbaaxay in aan khaldanahay, ninkasta oo lambarka iga qortana macnihiisu uusan ahayn in uu isoo waco.
Labo habeen kadib ayuu isoo wacay isaga oo i leh " Ma waxa aan la hadlayaa xawralcayntii habeen hore igu soo booqatay halka aan kaga sugnaa dunidan yar ee kooban, Ma waxa aan la hadlayaa malaa'igtii aniga oo mugdiga dhex jooga misbaaxa ii iftiimaysay?". İnta aan qoslay ayaan si kaftan ah u iri "xuuralcayntu ma wareegto meel aan jannada dhexdeeda ahayn ee igadaa shukaansiga caruurta." inta uu qoslay qosol is daadraacin ah ayuu i yiri markale "Waxa aad u muuqataa in aad difaac ku jirto, balse waxa aan ku gaarsiin doonaaa heer aad aaminto in aad xuuralcayn dhaba tahay." Niyadda ayaan iska iri MA SHAXAARİ GABDHAHA OO DHAN SİDAAN KU DHAHA AYAAN GACANTA U GALAY. Sidii ayaan hadalkii iskula qaadnay in muddo ahna taleefanka ka wada hadlaynay, dabci wanaagga iyo asluubta ka muuqatay hadalkiisa qof walba wuu jeclaanayay inuu mudo intaas ka badan la hadlo, Nasiib wanaag waqti dheer maba qaadan in aan si wanaagsan isku barano ee durbaba wan is fahannay.
Maalmo asbuucyo iyo bilo ayaa ku gudbay si sibiq ah. İsaga la hadalkiisu waxa uu ii ahaa nafis. Aniga oo aan muddo sidaas u badan aqoon ayuu agtayda ka noqday saaxiib aan wax lala simaa jirin. Mararka aan wada hadlayno waxa aan ku fakari jiray in filimaantii hindida ee aan daawan jiray, qiso jacayl oo lamid ah aan helay. Markii ay 7bilood kasoo wareegtay isbarashadeenii ayaan go'aansaday in aan u sheego aniguna dareenka qalbigayga ku jira ee aan mudada qarinayay. Walow isagu uu bil kahor ii sheegay inuu i caashaqay, waxa uu qalbiga iigu hayaana ka wayn yihiin haasaawe wiil iyo gabar dhex mara kaliya ee uu habeen iyo maalin ku hamminayo inaan reer noqonno oo aan arrinteenna ka dhigno mid qoyseed. balse anigu arrintaas waan ka biyo diiday oo ma doonayn qoys in aan waqtigan noqdo, runta haddii aan sheego waan doonayay in aan qoys noqdo sidee ayaanse ku noqon karnay qoys haddii aan qarinayay qiso aan marnaba macquul ahayn. balse waan ka aqbalay arrinta ah inuu caashaq ii hayo, waana soo dhaweeyay.
Diyaar garow badan kadib iyo habkii aan ugu sheegi lahaa arrintayda, Waxa aan ku ballannay cafeteria ku taala carwada uu ka shaqaynayay horteeda. Xiligii ballantu ahayd ayuu isa soo taagay goobtii. Waan wada dhaqaaqnay annaga oo fariisannay miis yaalay dhinac xoogaa ka yara durugsan dadka buuqooda hawaduna u furantahay. Ma garanayn wax aan hadalka ku bilaabo oo waxa ay ahayd markaygii koowaad ee aan rabo in aan wiil u sheego in aan jacayl baaxad leh u hayo. Wax aan afeeftaba ugu dambayn furka wan ka tuuray arrintii aan mudaba qarinayay, indhihiisa waxaa ka muuqday khushuuc faro badan iyo in uu muddaba dhowrayay inuu hadalkan iga maqlo.
Waxa u hadal ku bilaabay wax badan baan sugayay in aan arrintaan kaa maqlo runtii caawa ma garanayo wax aan farxaddayda ku qiyaaso. waxa aan doonayaa in aan sida ugu dhakhsaha badan isku guursanno si aan u rumayno riyadeenna oo aan farxaddaan aan hadda wadaagayno u wadaagno annaga oo xalaal isku ah.
Waxaa ballan igu ah in inta aan noolahay agtayda aadan murug iyo ciil midna ku dareemin ee fadlan ogolow in aan is guursanno!.
İntaas marka uu i yiri ayaan af labadii yeeray, İllin baa iga soo burqatay, ka dareertay dhabanayda illaa ay makeup kaygii hallaysay. waxa aan galay xaalad murugsan wuu i aamusiyay oo i sasabay. İsaga waxa ay la ahayd sida aan filayo in aan hadalladiisii ku qiirooday, lakin waxaa iga qiiraysiinayay arrin ka wayn waxaan oo dhan oo aan qalbigayga ku qarinayay.
Xoogaa kadib qaxwe ayaan cabnay, jawigeenana caadi ayuu kusoo noqday. habeenka intiisii kale waxa ay nagu dhaaftay farxad iyo rayn rayn. ugu dambayn waan isa soo macasalamaynat annagoo og midkeenba inuu kan kale jecelyahay xad ay adagtahay in la qiyaaso.
Qolkaygii ayaan soo galay aniga oo faraxsan haddana murugsan. Aniga oo aaminsan in aan helay nin dunida iigu jecel, haddana rumaysan in aan isla ninkaan waayi doono haddii aan u sheego arrinta aan ka qarinayo. Barkinta ayaan madaxa saaray aniga oo sugaya in arrimuhu iskood u xallismaan, wax walbana noqdaan kuwa jacaylkayga iyo qanaacadiisa u xadraynaya.
Waxaa laga joogaa 5 bilood maalinkii aan u sheegay in aan aniguna la wadaago dareenka jacayl ee qalbiga uu iigu hayo kalina uusan ku ahayn maxabada laabtiisa iyo maankiisaba haraysay.
Maanta waxa aan ku ballansannayn in aan soo dukaamaysto, isaguna uu i raaco. maalinka galinkiisii hore ayaan soo adeegtay wixii aan u baahnaa oo dhan markii ay galabtii ahaydna waxa aan tagnay cafeteria si'aan bal uga sheekaysanno arrimaha xiriirkeena. Anigu macallimad baan ku ahay in aan qariyo dareenkayga, sidoo kalana waan xakamayn karaa waxa iga dhex guuxaya isagase maanta maxaa haleelay?.
Intii aan isla soconnay oo dhan waa uu aamusnaa oo maanta dabcigiisa isbadal fara badan ayaa ka muuqday. Ma uusan ahayn Zakeriyihi aan aqaannay su'aal haddii aan waydiiyo jawaab fudud oo kooban buu iga siinayay. Markii aan dalbannay qaxwihii ayaan inta gacantiisa oo miiska korsaarnayd tayda dulsaaray Ku iri "Zekariye, maanta maxaa kugu dhacay ma wax dhib ah baa jira aad ayuu u baddalanyahay dabcigaaguye?!."
inta uu indho aa moodid in uu i leeyahay dhibka i haysta oo dhami waa adiga igu soo eegay ayuu i yidhi "Wax dhibaato ah ma jirto."
Hadalkii ayaan ku celiyay "Waayahay hadaysan wax dhibaata ah jirin waa maxay wajigaan aad igu eegaysaa? si kulul oo xoogaa qaylo ahina ku jirto ayuu halmar u yidhi " Dhibta i haysa oo dhami waa adiga waa ku jeclahay ayaad i leedahay imana tusaysid, oo marwalba aan arrimo guur ka hadalno waad ka warwareegaysaa ama waqtigeedii lama joogo ayaad i leedahay maxaa kaa khaldan xiriirkeenna xagee ayuu ku socdaa?". waxa ay u muuqatay in dadka geesahayaga fadhiyay ay dareemeen arrinteenna. Gacantiisa ayaan xoog u qabtay aniga oo dareensiinaya inuu khaldanyahay, mamnuucna ay tahay inuu qaabkaas iila hadlo waliba meel dadka dhexdooda ah.
Qeybta 2aad way ku xigtaa.
Mashalah walal qaybya labaad soo dadaji.
ReplyDelete