Raganimadu Da’ Kuma Xirna
Xalay waxa aan xilli dambe ka raacay bajaaj maqaaxi aan joogay horteeda. Markaan bajaajtii fuulay ayaan arkay in uu ilmo aad u yar yahay. “İntee in le’eg ayaad bajaajta waday” ayaan waydiiyay. Sannad ayuu iigu jawaabay. Aniga oo aan hadlin ayuu ii sii raacshay in uusan joogto u wadin oo uu subixii iskuul dhigto. Fasalka sideedaad in uu yahay 15 sanana jiro ayuu ii sheegay.
Wax yar haddii aan sii soconnay, waxa aan ku naxnay in wadadii xiran tahay. Xamarwayne ayaan u socday. Waxa uu iga wareejiyay dhanka Xamar jajab halkii marka aan tagnay haddana wadadii dhankaasna waa ka xiran tahay. İntuu isoo eegay ayuu yiri “Halkaan in aad ku dagtid ma ahane meel kale oo la maro ma leh.” Xoogaa ayaan istaagnay goobtii. Taleefan ayaan qof asxaabtayda ah oo wadada kala yaqaannay ku wacay. Wuxuu ii sheegay in aan gadaal u laabanno, howl wadaag dhanka bakaaraha ka baxno kadibna aan geeskaas ka soo galno ma ahane in uusan xal kale jirin. Sidii ayaan yeelnay isaga oo aan wax diidmo ah ka muujin.
İntii aan sii soconnay ayaa waxa aan ka sheekaysannay waxyaabo badan iyo waxa uu jeclaan lahaa in uu noqdo marka uu waynaado. Da’diisa aad buu uga caqli badnaa. Markii aan ka dagi rabay ee uu Xamarwayne i keenay ayuu i waydiiyay in meesha aan u socday ii dhowdahay. Waxaan u sheegay in aysan waxba ii jirin. Hadal aan la cajabay oo dhacdo taas ka horraysay i xasuusiyay ayuu igu yiri, “Waxa aan ka baqayay in markii aad xamar jajab ku dagtid oo tuugo ama ciyaalo fowdo ah ku helaan.”
Waxa aan la yaabay sida ilmahaas yar ugu baraarugsan yahay ugana walwalayo badqabka rakaabkiisa.
Dhacdo taas lamid ah ayaa igu dhacday dhawr bilood kahor. Oday wayn oo aan soo raacay ayaa sidaas oo kale inta wadadu u xirmatay waxa uu igu khasbay in aan uga dago meel aan amni ahayn, oo ciyaal suuq iyo tuugo dhooban tahay sidoo kale na qaad la gu iibinayo.
Raganimada iyo in qofku garto masuuliyadda ka saaran cidda uu markaas wado waa wax aan da’ ku xirnayn ee la socota garaadka qofku u dhasho.
Comments
Post a Comment