XASUUS AAN TİRMAYN Q:3AAD
Asbuuc kale ayaa kasoo wareegay imaatinkii burburiyaha farxadayda. weli lama aanan kulmin wajigiisana ma aanan arag. Waxa aan ka cabsi qabaa hadii aan hortiisaba istaago in aan ku tufo waxa xumaan aan maskaxda ku hayo oo dhan. Bal muu dareemo oo garto in dumarku ka badanyihiin gabadhan yar ee murugadu haraysay, farxadeedii iyo nolosheediina uu qeyb qeybta u burburiyay. Marmar waxa aan niyadda iska iraahdaa maadba u sheegtid in aadan doonayn, nin kalana jeceshahay nololna aadan la samaysan karin. laga yaabaa in uusan ku madax adaygin guurkaaga e. Haddana haddii aan sidaas sameeyo waxaa meel igu sugaya Aabbahay khaliif jaamac oo hadii aan dunida geeskeeda kale tago xataa aanan ka badbaadi doonin.
Culaysyada dunida midba mid ayuu ka culusyahay, anigase kuwa hadda i haysta waa kuwa aanan sinaba u maarayn karin.
******
Waa salaadii makhrib kadib. Waxa aan fadhiyay kaabadda qolkayga. Waxa aan iska rog rogayay bogaga facebook aniga oo isku mashquulinayay waqtigana isku dhaafinayay, balse indhahaygu ma aysan arkaynin qoraalka facebook aan ka akhrinayo iyo videoyada aan daawanayo ee maskaxdaydu waxa ay ku mashquulsanayd Zeki iyo arrintiisa sidii aan ka yeeli lahaa.
Mar waxa aan iska dhaadhicinayay in uu murug meel la jiifo oo uu taaha iyo caloolyowga ila qabo. Marmarna nafta shaydaanbaa la xiriira waa tan la yiriye waxa ay iigu sheekaynaysay in uusan i kala jeclayn, danaynaynna arrintayda ee haddii ay dhab ka tahay jacaylka uu sheeganayay in uu ii hayo 2asbuuc igama uu maqnaadeen isaga oo aan wax akhbaar ah iga haysane waxa uu isku dayi lahaa in uu wax uun xal ah ila raadiyo.
İntii ay maskaxdaydu qaabkaas iskugu mashquulsanayd ayaa waxaa soo gariiray taleefankayga waa number aanan aqoonin waxa aam ka shakiyy inuu kii yahay qofka i wacayaa waad garanaysaaa kiiga aan ka hadlayo balse ma uu noqon ee waxa uu ahaa C/samiic. Anigu C/samiic aqoon dheer uma sii lahayn balse waan garanayay korkana waan iska bar aqoonsannay in uu Zeki saaxiibkiis yahay.
Waxa uu hadal iiga bilaabay "Qofka ila hadlayaa soo Asma maaha." haa ayaan ugu jawaabay. waxa uu i yiri "Waxa aan kaala soo hadlayaa isbitaalka wayn, Zekeriye ayaa dhaawac ah anna waxan is iri wac oo bal u sheeg xaq ayay u leedahay inay ogaatee?"
Wadnaha ayaa labo qaybood la ii kala dillaaciyay. Hadal waan soo celin kari waayay. Waxa aan dareemay halmar in biyo qabow lugaha la iga soo galiyay oo jirkayga oo dhan ay sidaas ugu faaftay qarqaryadu. Aniga oo ilintu iga tifqayso suuraysan karinna halka dhaawacu kaga yaal ayaan cod hoose ku iri " Maxad i tiri ma Zeki baa dhaawac noqday? mise dhagahaygaa wax khaldan maqlay?" "Maya abbaayo wax khaldan ma aadan maqline, Zeki ayaa dhaawac ah waxa uu wax ka qabaa lugta bidix iyo dhabarka gaari ayaa dardaray isaga oo carwada kasoo baxaya. Haddana dad kale ayaan la hadlayaaye, İsbitaalka marka aad timaado isoo wac aniga ayaa ku tusaya qolka uu jiifo e." Sidii ayuuba khadka uga baxay isaga oo aan jawaaba iga dhowrin.
İsma oran maalinkii hooyaday dhimatay kadib ayaan dareemi doonaa naxdin intaas le'eg. Waxaan wacad ku maray in aanan cid dambe ka nixi doonin una beer jilci doonin. lakin hadda waxaa ay u muuqatay i ballantaydaasi been noqotay ee aanba kala garan waayay in aan riyoonayo iyo in aan soo jeedo. Aniga oo liic liicaya ayaan u galay gabadhii yarayd ee walaashay ahayd waxa aan u sheegay in arrin deg deg ahi igu soo baxday aana banaanka u baxayo ee ay Aabbe cashada u diyaariso aysanna u sheegin maqnaanshahayga. Haye ayay tiri sidii ayaan guriga uga soo baxay aniga oo qaba diricii iyo dharkii aan guriga ku joogay. ma naash naash baan ka gaari karay naag beerkeedii la dhaawacay baan ahaaye.
Waxaan soo ordaba waxa aan soo istaagay albaabkii isbitaalka mise waa kan oo maxaa dhalinyaro banaanka joogta. Zeki waxa uu ahaa qof bulshaawi ah oo dhalinta oo dhami saaxiib la wada tahay layaabna iguma aysan noqon in aan arkay waxas oo dad ah oo isaga inay soo booqdaan meesha u tuban. Markii aan gudihii soo galay ayaan c/samiic wacay durbaba igama uusan qaban balse tiro dhowr jeer kadib ayuu iga qabtay iina yimid.
Waxa uu i kor geeyay Zeki oo sidaas jeego jeego sariirta u jiifa waxaa ku xirnaa faleembayaal,dhinaca kale lugta illaa sinta waxaa uga xirnaa faashado iyo kabay ma aanan eegi karin wajigiisa oo waxan la yaxyaxsanaa xishood. Labo asbuuc codkiisa anoon maqlin ayuu shilkaan galay haddii inta uu indhaha kala qaado i yiraahdo maxaad tahay maxaad iga soo doontay khaa'imad yahay? Maxaan ugu jawaabi lahaa. Nasiib wanaag mise Nasiib xumo miday tahay ma aqaane, waxaa ku durnayd irbad suuxiso ah oo waxa uu dareemayay kaar aad u tiro badan, dhakhtaraduna waxa ay sheegeen in uu soo miyirsanayo saacado kadib.
Aniga oo aan waxba saas ah la joogin ayaa waxaa albaabka kasoo gashay islaan wayn oo aan u maleeyay hooyadiis waxa ay hadal iiga bilowday yaad noo ahayd adna habaryar maxaa sariirta wiilkayga ku ag dhigay? İllin baa indhaha isoo buuxisay waana garan waayay wax aan ugu jawaabo. Mar waxa aan ka yaabay ixtiraam darrada islaanta marna waxa aan islahaa waa ay saxantahay oo waa İslaan wiilkeeda dhaawacan yahay. C/samiic baa yiri " Habaryar waa asxaabta gabadhaani aad ayay iskugu dhawaayeen." "isku dhawaanna ma aqaane Eedooy haddaad islaam tahay orodoo banaanka iga aad buuq iyo wareer uma rabo wiilkaygee isagaaba tiisa u yaabbane. hadda ayaanba waxa aan ka yaaabanaa kuwa bannaanka tuban ee raba inay usoo galaane. Orod duco qabtooy i dhaaf." bay hadalkii kusoo gabo gabaysay. Si quus ah baan u eegay, marka aan arkay in aysan jixinjixayn ayaan iska soo luuday oo aan kasoo tagay. İllaa albaabka ayuu isoo kaxeeyay Wiilkii saaxiibkiis ahaa. Waxa aan u sheegay in uu ila soo hadlo marka uu soo naaxo berrina uu si uun islaanta iiga farsameeyo si'aan galinka hore anigu isbitaalka ugu hayo waqtina aan ula qaato xilligaan uu ii baahanyahay. Aniga ayaad igu ogtahay ayuu yiro sidii baana kusoo kala tagnay.
Waxaan imid gurigeennii oo daaradda kursi wayni uu yaallo Aabbahay. Waan yaabay oo xilligaan oo kale waxa aan ogaan jiray in uu qolkiisa ku dhagaysanayo gabayo iyo arrimo taariikhda soomaliya ka hadlayee muxuu bannaanka ka hayaa ayay niyadaydu i tiri. "kaalay halkaan imow." ayuu cod xoogaa xanaaq ka yara muuqdo igu yiri.
Agtiisa markii aan soo istaagay ayuu yiri
" İ dhagayso gabadheey, Anigu waan necbahay gabadh habeenkii baxda marwalbana waan kaa xishoon jiray oo waxa aan islahaa hooyadeed yay tabine haku ad-adkaan laakiin hadda waxa aad u muuqataa in aadan dareemayn waxa aan ka hadlayo aadna ku socotid si ka fog sidii aan kuusoo barbaariyay. Bil gudaheed waa lagu guursanayaa waadna ogtahay waxa lagaa rabo in aad samaysid iyo qaabka aad ugu diyaar garoobaysid ee aniga magacayga iyo magaca Aabbahay toonna dhibaato ha u soo jiidin ee fadlan dariiqaas cad ee aan kuu jeexay la islana wada ogyahay ku soco aysan ahayn soo maaha waxad igu khasbaysaa in aan ficillo kale sameeyo siyaabo kalana wax kuu tuso." Buuq iyo dood ma aanan gali karine İga raalli noqo Aabbe ayaan cod hoose ku iri waan samaynayaa wax walba oo aad jeceshahay inaan sameeyo.
Qolkayga ayaan galay oo aan iska ooyay waxa aan garan waayay in habeenkii la i dhalayay uu habeen habaaran ahaa iyo inkale. Maxaa isku soo aadiyay dhaawaca Zekariye iyo arrintaan nahaysata bal muu bilo dib u dhigto ayaan ku baroortay haddana waan istaqfurulaystay oo aan gartay in aan dambi ku jiro. Wax aan ooyaba waxaa igu soo dhacday talo taas oo ah in aan Ahmed u tago runtana u caddeeyo haddii uu intaas kadib ku adkaysto in uu i guursado oo uu xishood iyo kuma rabo walaaloow uu iga aqbali waayo markaas aan si cad Aabbahay ugu sheego in aanan guurkaan diyaar u ahayn sidaas baan naftayda ballan kula dhigtay waana iska seexday madama ay subaxdii i sugaysay in aan isbitaalka aado xili horana tooso.
9:00subaxnimo ayuu isoo wacay C/samiic isaga oo ileh "Hooyo waaa ay daashay waxa aana ku qanciyay in ay illaa caawa soo seexato oo aysan imaan Aniga iyo wiilal asxaabta ahna haynayno. Zekariyana waa uu igu raacay oo hooyo waxbuu ka qanciyay mana uu oga in aad u imaanayside miyaan u sheegaa mise wad imaanaysaa adoon ogaysiin?" maya waxba ha ogaysiin ayaan iri aniga ayaa kadis ugu imaanayee sidii baan isku waafaqnay.
Albaabka marka aan qolkii uu isbitaalka ka jiifay aan kasoo galay ayaan oohin is celin waayay isaguna sida in uu sugayay in albaabka cidi kasoo gali doonto oo kale ayuu dhanka albaabka usoo eegayay, xoogaana sidii inuu fadhiyo oo kale ayuu u tiirsanaa oo barkimo ayaa dhabarka loogu tiiriyay markan dhowr tilaabo dhanka sariirta usoo qaaday ayaan yara hakaday oo waxa aan shaki galiyay waxa aan dhihi doono iyo sida aan ku qaabili doono. Gacmaha ayuu ii furay isaga oo aan hadal i oran lakin sidaas ayuuba kulahaa laabtayda soo gal. Waan kusoo booday oo isku duubay waan isku oynay waliba aniga ayaa xad dhaaf u ilmaynayay. Xoogaa waxaan ka dareemayay intuu laabta igu hayay in uu taahayo oo uu xanuun badan dareemayo waan is xasuustay oo aan ka kacay. İnta aan labada daan ka shumiyay ayaan iri " Fadlan iga raali noqo anigu ma doonayn in aan kaa xanaajiyo, waxa aan islahaa sug illaa iyo inta uu soo dagayo sugitaankaygiina waxaa iigu xigtay Zeki isbitaalka ugu kaalay." Markale ayaan ilmeeyay dhib male xabibti ayuu si dabacsan ii yiri. Aniguba wan isku qajilayaa marka aan soo xasuusto waxa aan sameeyay ma doonayn in aan intaas oo dhan kaa maqnaado lakin waxa aan ka cabsanayay waxa aad igu oran doonto aniga oo sidii waji gabaxa lahayd kaaga tagay maalinkii, aniga oo aan dhagaysan dhibkaaga boogahaagana kula dhayin, maxaan jacaylkaaga ku ahay hadii aanan dhaawacaaga dhayi karin." ayuu isku canaantay. Markale ayaan laabta is galinnay hadda wan yaqiinsaday in jacaylkeennu dhab yahay waxbana aysan na kala kaxayn karin.
Cunto aaan usoo kariyay ayaan afka u gal galiyay. İnkasta oo uu xanuunsanaa haddana waqtigii ugu quruxda badnaa ee aan wada qaadannay ayay ahayd maalintaasi. Cabaar kadib ayaan waydiiyay "İntee ayay qaadanaysaa in aad ka bogsatid dhaawacaan ayuu dhakhtarku yiri? 4bilood ilaa 3bilood meelahaas bay qaadanaysaa buu iigu jawaabay markaas buu yiri, "Alla waxbaa igu soo dhacaye waxa aan ku waydiiyay Arrintii guurka maxad ka tiri ina adeerkaa mee? " intuu qoslay ayuu hadana yiri "Marka aan caafimaado ayay kusoo aaddantahay imaatinkiisu markaasna nin iyo nin baynu u dagaalamiye waxba haka baqan gacaladaydaay cidna igaga guulaysan mayso jacaylkaaga e." İntaan u dhoola cadeeyay ayaan iri waa sida aad u sheegtay haddad ninkaas meel iska saari waydo nin kuma aqoonsani. waan wada qosolnay oo arrinta oo dhan wax kaftan ah kasoo qaadnay.
Waxa aan kasoo baxay isbitaalka aniga oo ka murugaysan waxa aan Ahmed ku wajihi doono iyo inuu i aqbali doono. Waxaa kale oo aan naftayda ugu hambalyaynayay qarinta aan ka qariyay joogitaanka Ahmed waayo ma aanan doonayn in aan isaga oo xanuunsan fakar iyo murugna kugu daro dhaawaca haysta.
Galabta waxa aan la ballansanahay Ahmed aniga ayaa wacay waliba oo waxa aan u sheegay in aan doonayo in aan si khaas ah u wada hadalno meel guriga ka baxsanna aan isku aragno. Aad ayuu usoo dhaweeyay arrintaas isaga oo laga yaabo in uu dhanka kale u fahmay.
Aniga ayaa ka hor imid goobtii ballantu ahayd xoogaa markii aan fadhiyay ayuu yimid albaabka aniga oo eegaya ayaa waxaa kasoo galay nin dheer oo joog iyo jamaalba ilaahay siiyay qurux iyo labbis wacnaanina ka muuqato. Ma filaynin inuu sidaas oo dhan u muuqaal wanaagsanaan doono waxa uu hadal iiga bilaabay " Waxaa iigu kaa dambaysay adiga oo baby ah lakin hadda waxa aad noqotay midda ugu quruxda iyo qaayaha wacan gabdhaha reerka. Waan u dhoola-cadeeyay oo kaliya jawaab kale ma aanan siinin. Xoogaa markii uu iiga sheekaynayay arrimaha waddanka uu ku noolaa iyo qaabka noloshu tahay ayaan iri "Walaal, waxa aan iskugu nimid ina aan ka hadalno arrin ay waajib tahay inaan ka hadalno yaanan hadalka kuu laalaabine arrintaasi waxa ay tahay in aanan doonayn in labadeennu is guursano illaa maalinkii aan maqlay arintaas illaa maantana qalbigayga murug iyo xasilooni darro ayuu ku jiray."
İntuu si caro leh iisoo fiiriyay ayuu i su'aalay oo WAAYO?!.
La soco Qeybta 4aad.
Qaybtii 4 ma arko wll
ReplyDeletePart 4 walo Kuma jirto miya blogs
ReplyDeletePart 4 aaway wll
ReplyDelete