XASUUS AAN TİRMAYN Q:2AAD
Ruux garasho dheer ayuu ahaaye wuu fahmay farriintayda anna kalmad ma oran waayo waa uu kacsanaa hadii aan hadal dhaho waan ogaa in uu sii xanaaqi doono aysanna ku habboonayn halkaani inaan u wada hadalno qaabkaas. Qaxwihii ayaa na loo keenay anigu kaygii durbaba wan cabbay, balse isagu waxa uu fiirinayay koobka isaga o ku dul fakaraya lama hadlin ee waa aan ka aamusay isaga oo xaaladdiisii ku jira.
Waxa aan isku mashquuliyay talefankaygii. cabbaar kadib ayuu istaagay oo yiri "Soo kac waan kacaynaaye!" "lakin qaxwahagi ma aad cabbin" ayan iri. igama hayso ayuu si kooban u yiri wuuna dhaqaaqay. Waan kasoo daba dhaqaaqay aniga oo shandadaydii garabka sii suranaya. Marka aan kasoo baxnay meeshii ayaan iri "Wax walba waxa ay ku wanaagsanyihiin marka wada hadal iyo isfahan lagu xalliyo lakin haddii qof walbaa buuqo isna xanaajiyo way adagtahay in xal la gaaro." "Hadalkaagu wuu qurux badanyahay, lakin marka ay xaqiiqada joogto waxa aad tahay cagsiga waxa aad aniga hadda igu waaninayso haddase ma doonayo in aan mawduucaas ka hadalno inaan si deggan xaafadaydii ku tago ayaan rabaa" ayuu yirii waayahay ban iri waana soo kala tagnay. İntii aan guriga usoo socday, waxa aan iswaydiinayay waxa sidaas uga xanaajiyay, mar waxaan is iri ma wixii aad qarinaysay buu soo maqlay. Haddana waxa aan isku qanciyay arrintaas in uu maqlo inaysan suurtogal ahayn waayo cid ogiba way yarayd.
Aniga waxaa ii bilowday welwel iyo walbahaar cusub waxa ay u muuqataa xaqiiqadii aan mudada qarinayay inay soo ifbixi doonto. Ma garanayo wax aan sameeyo iyo cid aan ciirsi bido toonna. way soo dhamaadeen maalmihii is moogaysiintu macquulna maahan intaan ka badan in aan meermeeriyo. Anigu si daacad ah ayaan isaga u jeclaaday ma doonayn in aan heerkaan soo gaarno gacantayda kuma aysan jirin jacaylka dhexdeenna ka abuurmay ma aanan baajin karin waxa dhexdeena ka dhashay, lakin hadda waxaa la iiga fadhiyaa xal aanan aqoon qaabkii aan ku keeni lahaa.
Waan fakaray hadba dhinac fariistay. Sidee ayaan isaga ugu sheegaa wax walba! sidee ayaanse iskugu dayaa in aan waalidkay qanciyo! Aabbahay waa shaqsi aanan ku riyoon karin xataa in aan hortiisa istaago oo aan jabiyo amarkiisa. Waxaa hadda walwalka iyo murugta iigu wacan ma ahayn talo dhankayga ka timid iyo wax la igala tashaday toonna! ee waxa ay ahayd go'aan Aabbahay gaaray isaga oo aan ruuxna talo waydiisan.
3 bil kadib waxaa imaanaya Ahmed waa ina adeerkay uu dhalay Aabbahay curadkoodu. Aabbe waxa uu u qiimeeyaa si uusan u qiimayn kuwa uu dhalay. Sannad kahor markii aan jaamacadda dhameeyay ayaan ku waabariistay subax subxaha kamida warkaas naxdinta leh iyo in la isiiyay ina Adeerkay Ahmed marka uu wadanka yimaadana uu guurkayagu dhacayo.
Waan naxay oo amakaagay sida aan nolol ula wadaagi doono nin iga wayn 15 sano kuna sii darsoo noloshaydii aan halmar oo kaliya wajigiisa arkay aniga oo 10 jir ah. Subixii warkaas la ii sheegay galabtiisa ayay ahayd marka carruurta aan habaryarta u ahay ee ay dhashay gabadh aannu qaraabo nahay usoo adeegayay carwadana aan kusoo bartay Zekariye.
Dhibta ugu wayn ee i haysata waa malihi cid aan la tashto hooyaday waxa ay dhimatay 5 sano kahor aniga oo 17jir ah markii aan saa usoo garaadsaday ee aan u baahnaa inan dunidaan baaxadda leh wax ka ogaado haystana hooyo wax iiga sheegta nolosha dheer oo hortayda taagan.
Reerkeenna anaa curad u ah dhanka gabdhaha oo ilama dhalan gabdho aan sirtayda u sheegto bal si uun ha ii caawiyeene. Waxaa dad iigu dhow walaashayda noogu yar taas oo da'deedu maanta tahay 12sano.
Waan jaahwareersanahay oo Aabbahay waa shaqsi qallafsanaan iyo madax adayg isku darsaday ma aaminsana in ra'yi ama talo aan ka dhiiban karo arrimaha noloshayda. Labada wiil oo ila dhashayna ayaguna waxa ay ka tababar qaateen Aabbe oo ay ka raaceen madax adayga iyo ku tagrifalka dumarka. Hooyo allaha u naxariistee maanta hadii ay garabkayga joogi lahayd wax uun bay igu taageeri lahayd kol ay talo i anfacda i siisana.
Waxa aan go'aan cad ku gaaray wixii ka dhacayaaba haka dheceene in aan u sheego Zekariye waxa aan qarinayo oo aan xaqiiqada farta ka saaro tusana inan ahay anigu dhariga labada dhinac ka gubanaya dhinacna Aabeheed wajihi la' dhinaca kalana aan jacaylkeeda ka maarmin kana tanaasuli karin. Waxa kaliya ee aan walwalka ka qabaa waa in uu u maleeyo in aan dareenkiisa ku ciyaaray oo aniga oo og in aan nin u doonanahay isagana qalbigiisa jacayl ku abuuray xaqiiqadusa waxa ay tahay inan labada arrimood ba mar qudha la wada kulmay.
Waxa aan iskugu nimid cafeteria dii aan badanaaba ku kulmi jirnay. Labadeenuba waan aamusannahay oo midkeenna firfircooni dheeri ah kuma jirto. lakin kulankeennu waxa uu ku salaysanyahay in aan xaqiiqada jirta u sheego. Markii qaxwihii la ii keenay ayaan aniga oo markas kabaday dhulkana sii dhigaya koobka waxa aan iri "Zekariye, mudaba waad doonaysay in aad ogaato xaqiiqada jirta iyo sababta aan guurkaaga uga meer meerayo ma jacayl yari baa mise waa arrimo kale! hadaba aniga ayaa xaqiiqada kuu sheegaya.
wuu i eegayay waxa uuna sii kabanayay qaxwaha waxa aan iri " Waxaa iga hortaagan in aan xiriirkeenna horay u wado oo arrimo guur aan gaarno waa INA ADEERKAY AYAAN U DOONANAHAY, WAXA UUNA IMAANAYAA 3 BILOOD KADIB, WAQTIGAAS OO LA QORSHEEYAY GUURKEENNA" inta aanan hadalkayga dhamayn waxa uu ku saxday qaxwihii isaga oo isoo eegaya ayuu yiri " Maxaad ka hadlaysaa miyaad igu ciyaaraysaa? sidee ayay macquul ku tahay arrintaasi? ha igu ciyaarin fadlan waxyaabaha qaar kuma wanaagsana ciyaartee." Inta aan hoos eegay ayaan cod hoose ugu iri "Waan jeclaan lahaa in aan ciyaarayo lakin xaqiiqadu waxa ay tahay in aanan ciyaarayn, runta hadii aan ka hadlo ma garanayo wax aan sameeyo anigu ma doonayo nin aan adiga ahayn in aan guursado mana xamili karo nolosha in aan la qaato qof aan adiga ahayn." Gacantayda ayuu si dabacsan u qabtay oo i yiri "Maxaad arrintani markay kula soo gudboonaatay iigu sheegi wayday, xal baan heli lahayne oo aad u qarsatay kaligaa dhibka iyo murugada." Waxa aan ugu warceliyay " Marka aan ku bartayba way i haysatay". intuu gacantiisii igala booday ayuu yiri "Oo haddaba adoo nin u doonnan ayaad aniga xiriir ila bilowday?!" Waxa ay noqotay sidii aan filayay oo waxa uu u qaatay wixii aan ka baqayay. Waxa aan isku dayay in aan dajiyo oo aan ka dhaadhiciyo in ay arrintu isku maalin ahayd isagana aan lama filaan ku bartay, xiriirkeennu markii uu wanaagsanaadayna aan ka cabsaday in aan waayo oo aan la joogiisa aad u doonayay.
Waan ku guuldarraystay qancintiisa oo waxa aan kala tagnay isaga oo sidii u caraysan. Aniguna anoo cagaha dhulka ku jiidaya ayaan gurigeennii soo galay. waxaa daarada fadhiyay Aabbe marka aan albaabka kasoo galay ayuu ii yeeray isagoo leh " Naa maandha, bal kaalay". Waan u imid anoo is leh muu markale kuu yeero. Sida aan iskugu buuqsanahay waxa aan ka baqayaa in aan hortiisa ku qarxo oo aan hayn waayo waxa maskaxdayda ka guuxaya. hiifka iyo haaraanka aan naftayda ku hayo.
Wuxa uu hadal iiga bilaabay "Maalmahaan waad baaba'day waadna isbadashaye maxaa kugu dhacay? miyaad xanuunsanaysaa?".
Hoos ayaan u iri "way wanaagsanaan lahayd in aan xanuunsanayo xanuun la iigu garaabi karo". "Maya Aabbe ee maxaad aragtay?" ayaan ugu jawabay " Si baad u dacdaraysantahaye is wanaaji oo wax fiican cun" ayuu i yiri wuuna kacay.
Niyada ayaan ka iri "Aabbahay, waxa uu u haystaa dawadaydu inay cunto tahay marka isagu yahay ruuxa mustaqbalkayga wiiqaya oo diifta korkayga sababta u ah". sidii ayaan ku seexday anoo murugo iyo ciil qalbigayga buuxiyeen.
Asbuuc ayaana maqlin Zekariye codkiisa isaguna uusan ila soo hadlin aniguna aan ku dhiirran waayay in aan waco. Farriimo badan oo aan u dirayna iigama uusan soo jawaabin. Taleefankayga ayaa soo dhacay aniga oo timaha u xirxiraya gabadha iga yar ee walaashay ah aniga oo isleh waxaa laga yaabaa inuu Zeki yahay ayaan furay taleefanka mise waa lambar aan ii xaraysnayn oo dalka ah waan qabtay mise waa cod aanan aqoonin! wuu i salaamay i xaal waraystay kadib ban iri yaa weeye waxa uu yiri "Waa Ahmed" Ahmed kee ayaan idhi waa Ahmed Ismail ayuu i yiri.
Waxaa i kala wareegtay caloosha indhahayguna waxa ay u ekaadeen sidii in aanan waxba ka arkayn shanladii aan gacanta ku hayay dhulka ayay iiga dhacday "Ma i maqlaysaa ayuu igu celiyay codkaaga waan maqli waayaye?" Haa ayaan iri aniga oo gariiraya markaas ayuu waxa uu i yiri "Galabta ayaan imid uma sheegin Adeer oo waxa aan rabay in aan soo dhawayn iyo waxba la ii samayn ee aan caadi u imaado, waxa aana uga soo hormaray xiligii ballantu ahayd arrimo aanan filayn baa dhanka shaqada ka dhacay waxa aana helay fasax hormaris ah markaas ayaan is iri tanba kaga faaiidayso ee caawa ayaan xaafada imaanayaa, Aabana waxba hala socodsiin".
haye ayaan ku iri cod sii dhimanaya. İllin baa indhahayga soo buuxisay sida aanan xalka u haysan iyo sida wax walbaa iigu xumaanayaan lidkaygana u noqonayaan. Gabadhii yarayd ee aan timaha u hagaajinayay ayaa i tidhi maxaa kugu dhacay abaayo oo aad u ilmaynaysaa waxa aan ku iri "Ma xasuusataa hooyo sida ay xiligaan oo kale galab walba daarada noola joogi jirtay 5sano kahor?" haa ayay tidhi inta isku kay duubtay ayada ayaan soo xasuustay ayaan ugu jawaabay. Haddii ay noolaan lahayd hadda laabteeda ayaan ku jiri lahayn labadeenuba ayada oo noo sheekaynaysa runtii waan u xiisay." Gabadhii yarayd ayaa iyaduna oyday oo isku kay duubtay waxa aan helay jaanis aan ku nafiso oo aan ku ooyo ayada oo aan cidna iga shakinayn inkastoo ay saaid iiga yarayd hadana waan dareemayay damqashadeeda cabbaar markaan laabta ku haystay ayaan u dhameeyay timihii, oo aan u diyaar garoobay hagaajinta guriga. Geedaha oo qashin daadiyay ayaan xaaqay Aabbana shaah ayaan u diyaariyay uu casariye ahaan u cabo.
Waxaa la gaaray xilligii uu imaan lahaa burburiyaha farxadaydu, wuu yimid balse anigu markii uu albaabka kasoo galayay ayaan ka baxay albaab gadaale oo xaafaddu lahayd. Ogaal ayaana uga baxay iyo si aanan ula kulmin markii ay kasoo wareegtay 3saac maqnaanshahaygii ayaan soo wacay Aabbe oo u sheegay in aan gabadh saaxiibtay ah oo aan isbitaalka ku booqday aan la joogo oo caawa aan ku dhaxayo, waa hagaag ayuu yiri lakin waxaa noo yimid caawa Ahmed oo inaad is aragtaan aan rabay balse dhib maleh markale ayuu imaan doonaa haye iyo hawraarsan ayan ku kala tagnay Aabbe.
Waan ogahay oo hadii uu sii ogaan lahaa imaanshihiisa caawa waa uu igu qaras bixi lahaa lakin hada waxa uu isku celiyay in aanan anigu waxba kala socon imaatinkiisa ayuu u haystaaa labo kala bariday kala war la'.
La soco Qeybta 3aad.
Faaladaadana comment iigu reeb.
Labada qeybba hadda ayaan aqriyay Faadumooy. Waa farshaxan cajiiba ah iyo sheeko xiiso lahoo dareen taabad ah. Mahadsanid.
ReplyDeleteAbsolutely amazing. Soo dedeji qeybta xigta byo
ReplyDeleteQeybta xigta hala soo raagin gacalooy
ReplyDelete