Aragtida Afrikaanka
AFRİKAAN AWOOWGİİS LA GUMAYSTAY AYAAD TAHAY EE YAAN CAQLİGAAGA LA GUMAYSAN
Dadka Afrikaanka ah badankoodu wax ma bartaan intooda wax barataana waxa ay noqdaan qof madow oo sida qof caddaan ah u fakaraya. dadkii aa taqaannay bil kahor baa inta xoogaa buug akhriya waxa ay isu baddalayaan Karl Marx iyo Nietzsche oo mad-madow kuulana doodaya sidoodii. Haddii aad tiraahdo qofkaas waxa uu xalka u arkayay adigu in aad sideeda u dabaqdo miyaysan khalad ahayn sababta oo ah isku duruuf iyo isku dan midna ma tihidin dhibaatooyinkiinuna isku si kuma dhalan kumana dhismin ee miyaan laga fiicnayn in aad xagal kale wax ka eegto waa uu kugu xanaaqayaa oo uu kugu tilmaamayaa qof si gabow ah u fakaraya.
Kuwooda diinta dhinaca keli ah ka bartana halka ay wax ku qiimeyn lahaayeen duruufta iyo dhibta waddanka ka jirta, sida soomaalidu u noolayd ab iyo isir, ayaa waxa uu kugula doodayaa in dumarka sucuudiga aan loo ogolayn in ay dibadda u baxaan sababta oo ah diinta ayay si sax ah ugu dhaqmayaan. Haddii aad tiraahdo dadkaasi waa dad lacag haysta ugu yaraan awooda wax ay dumarka guryaha kula xiraane adigu sidee baad hooyo ayadu carruurteeda u dhaq-dhaqaada guri ugu xiraysaa? Ma hayaan jawaab waafi ah oo ay ku siiyaan.
Nin madax ah oo Afrikan ah haddase aanan magiciisa xasuusan ayaa waxa uu yiri "Dhibaatooyinka Afrika waxaa xallin kara keliya xal Afrika ah." oo uu uga jeeday dadka dibadda uga imaanaya qaaradda xal uma keeni karaan.
Waxa aad arkaysaa kuwa ku doodaya in carruurta la yareeyo. Marka aad waydiisid sababta Somalidu ayaga oo aan 20 malyan dhamayn dhulka inta la arkay haysta, dhaqaale ku filanna aan lahayn una baahan shacab shaqaale noqda ay carruurtooda u yaraynayaan?! way kula murmayaan ayaga oo tusaale kuugu soo qaadanaya in wadamada hormaray hal qof iyo labo uun la dhalo.
Waxaa taas la mid ah qof kuu tusaalaynaya sida ay Ameerika horumarka dhaqaale ku gaartay marka aad tiraahdid Afrikaan baa tahay adigu ee maku eegtay xagal Afrikaanimo, mase ku qiimaysay waxa aad adigu qaniga ku tahay in aad meel ku gaarto inta aad soo minguurin lahayd sida Ameerikaanku adduunka ku qabsadeen jawaab ku filan kuuma hayaan.
Dumarka soomaalida dhibaatooyinka haysta, xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee waddankeenna ka jira keliya waxaa lagu xallin karaa tillaabooyin lagu dabaqay ayeeyo Cambaro iyo Hooyo Cawrala nolosheeda ee maaha sida ay xalka u arkaysay Simone iyo Merry.
Kumbuyuutarku waxa uu ku shaqeeyaa sistem isaga loogu talo galay, taleefan android ah haddii aad tiraahdo waxa aan rabaa in uu ku shaqeeyo sistem ios ah in aysan hirgalayn way iska caddahay ee haddii aad rabto in aad xal iyo isbeddel keento u fakar xalkana u raadi si waafaqaysa duruuftaada ee haku salayn İslaan ama nin cad oo dunida dacalka aad joogtid maahee dacalkeeda kale joogay.
Gunaanadka haddii aan u imaado wax bulsho İslaam ah horumar u horseeday ayaan u shaqayn kari waayaya dad majuusiyiin ah, wax dad kirishtaan ah u hagaagay ayaa sidaa cagseeda ku noqon kara bulsho İslaam ah.
Qof walba xor ayuu u yahay aragtida uu qaadanayo iyo sida uu noloshiisa u noolaanayo, haddii uu aaminayo waxa dadkiisu rumaysan yihiin iyo haddii uu ka duwanaanayo. Waxa aan anigu ka hadlayo se waa dadka isku dayaya in ay bulsho dhan ku dabaqaan wax aan bulshada halkaas deggan ka suuroobi karin.
Comments
Post a Comment