Finding Ola: Baadigoobkii Cula

 Finding Ola: Baadigoobkii Cula




Waa musalsal masri ah oo ka kooban 12 xalqadood Netflix na ku jira. 

Waa sheeko dhammaystiran oo macnayaal badan leh. Marka la ga tago macnaha guud oo madadaalo ah waxa uu cashar indho furasho ah u yahay hooyo kasta oo nolosheeda guurka iyo guriga ku koobta. Waxa ay ugu magac dareen “Finding Ola” ama “Baadigoobkii Cula” magaca asalka ahna waa "البحث عن علا" inkastoo aan dib ka ogaaday in sheekada musalsalkani ay daba socoto mid kale oo la dhaho “I wanna Marry” kaas ayaa horreeya oo waxa uu ku saabsan yahay sida Cula ay noloshaan ku gashay. 

Cula waxa ay ku nooshahay nolosha gabdho badan oo soomaali ah ku nool yihiin. Ninkeeda ayaa ka joojiyay shaqada guurka kadib, laba carruur ah ayaa u joogta oo iskuulka dhigta waxa ay isku dhex wadaa dhex cararka noloshaas buuq iyo qaylo, degenaan la’aan joogto ah. Dhawrka daqiiqo ee musalsalka u horreeya waxa aad ku baraarugaysaa sida ay buuq ugu nooshahay. Badanaa haddaa u fiirsatid hooyooyinka gudaha wax ka tabanaya balse isku dayaya in ay ku qariyaan noloshooda iskana dhiga in ay ku faraxsan yihiin buuq iyo muran kama baxaan. 

Cula waxaa la gu tusayaa sida ay waqti u galinaysay in ay soddohdeed kasbato iyo sida soddohdeed aysan u jeclayn. Ninkeeda ayaa ka kala daadinaya gurigii farxadda iyo quruxda badnaa ee qalbigeeda ka dhisnaa.

Ma faraxsani ayuu ku oranayaa marka uu u sheego sababta uu guurka uga baxayo. Jawaabteeda ayaa layaab leh haddii loo fiirsado, “Yaa faraxsan, ma qof faraxsan ayaa adduunkaan jooga?!” Ayay oranaysaa. 

Musalsalku waxa uu ku saabsan yahay safarkeeda is helitaan. Xiriirka ayada iyo hooyadeed ka dhaxeeya sida ay carruurteeda ula macaamilaydo. 

Waxa uu tusaale qurux badan u yahay kala duwanaanta ragga iyo dumarka marka dhaqanka bulshooyinka bariga la joogo. Wax walba oo naagta ka xaaraan ah ama ceeb ah waxa uu ninka u yahay wax caadi ah oo cidi kula yaabi mayso. Cula safarkeeda is helitaan inta ay ku jirto waxa ay baranaysaa niman kala duwan ayada oo rabta in ay ka dhuumato diidmada wayn ee ay ninkeeda kala kulantay ayada oo aan aqoon xataa sababta loo furay, waxa ay wax badan isku dayaysaa in ay hesho un bal sababta uu uga tagay. 

Saaxiibteed oo sidoo kale ninkeedu kula taliyay in ay iskaga harto madama uu ka baqayay in ay fitnayso madama ay ahayd naag aan la qabin ayay dib ugu laabanaysaa. Waxa ay taasna kuu caddaynaysaa sida ay saaxiibadaha fiican oo naftaada horay kuula wadi karta ay muhiim ugu tahay jiritaanka noloshaada. 

Waxyaabaha iga qosliyay oo dhaqanka bulshadeenna soomaaliyeedna ku jira waxaa kamid ah. Cula marka uu ninkeedu furo waxaa bannaanka usoo baxaysa in uu xiriir la leeyahay gabar yar oo gabadha uu dhalay kaliya 8 sano ka wayn. Marka ay Cula arrintaas ogaati way la muraalo dillaacaysaa. Wax yar kadib Cula waxa ay baranaysaa wiil dhalinyaro ah balse aan u yarayn sida ninkeedu gabadha uu bartay. Xaflad ayay soo wada aadayaan isla xafladdii ayay ku kulmayaan ninkeedii hore iyo gabadhii cusbayd. Ninkeedii hore marka uu ogaado in ay wiil dhalinyaro ah la sheekaysanayso waa uu ka xanaaqayaa isaga oo oranaya eray “Is ceebso u dhigma.” 



Gabdhaha waa kula talinayaaa siiba kuwa xaasaska ah.

Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara