MAXAAD KA OGTAHAY FEMİNİSM KA?






İsii inyar oo waqtigaaga kamid ah oo ila akhriso qormadaan.

 Muxuu yahay xiriirka ka dhaxeeya in aad sinnaanta aadmiga jeclaato iyo in aad feminist noqoto?. 

Beryahaan dambe dhalinyarada soomaalida waxaa ka dhex dhacay isbeddel aqooneed iyo mid waayo aragnimo. Waxaa isbeddel ku dhacay waxyaabo horay muqadas u ahaa oo macnihii beelay. Sidaa si lamid ah waxyaabo aan qiimo loo hayn ayaa beryahaan dambe soo if baxay. 

İsbeddeladaas ku dhacay dhalinyarada, waxaa hormuud u ah tirada dadka wax akhriya oo aad u korortay sannadba sannadka ka dambeeya. taasi waxa ay u gogol xaartay in ay soo kordhaan fikrado badan oo kala duwan lana helo mawduucyo badan oo laga doodo.

Mawduucyadaas soo kordhay waxaa kamid ah kan ay qormadani ku saabsan tahay ee Feminism ka. Su'aal aan ku waydiiyee ma taqaan adigu waxa ay tahay aragtida Feminism ku mise waxa aad kamid tahay dadka qaatay/diiday ayaga oo aan fahamsanayn macnaheeda saxda ah?.

Feminism ku waa aragti lamid ah waxa aragti dunida jira, waxa ay leedahay habraacyo asal iyo farac ah kuwaas oo udub dhexaad u ah jiritaanka iyo cuskashada aragtidaan dunida ku faaftay. Macnihiihisa guuud haddii aan u gudbo, waa Sinnaanta ragga iyo dumarka nolosha qeybaheeda kala duwan. Ayada oo ay taasi jirto hab bilowgii feminismkuna ahaa urur xaq u dirir ah waxaa soo baxay, oo halgankii ka dhigay hal bacaad lagu lisay isbeddeladda badan ee ku dhacay. 
Soomaalida dhexdeeda oo keli ah maaha halka feminism ku magaca xun ka dhaxlay ee waa dunida oo idil markii la marin habaabiyay ujeedkii iyo aragtidii ay u aas-aaseen islaamihii madaxda u ahaa. Aniga qoraalkaygu kuma saabsanna sharraxa waxa feminism ku yahay iyo halka aragtidu ka khaldantay ee waxa uu ku saabsan yahay sida soomaalidu u haysato kuwa ku dhaqma iyo kuwa diidaba inyar mooyee. 

Feminismku waxa uu qabaa;

- Sinnaanta aadmiga, in ninku uusan waxba dheerayn gabadha. Sidoo kale gabadhuna aysan waxba kaga duwanayn ninka.

- İn dumarku helaan xorriyad aqooneed, mid nololeed, mid siyaasadeed.

- İn aan gabadha lagu dulmin karin laguna faquuqi karin go'aanadeeda.

- İn ay gabadhu hesho isku filnaansho dhaqaale oo aysan cidna uga baahan isku filnaanshaha nolosheeda.

- İn aad xor u tahay jidhkaaga sida aad doontana ka yeeli kartid. Haddii aad doonto carruur dhal, haddii aad doontana ha dhalin.

- İn aad la seexan kartid cidda aad doonto nin iyo naag adiga oo aan kala soocayn.

Qodobadaan aan kor ku sharraxay waa inta ugu waawayn waxaase jira kuwa badan oo aan ka tagay muhiim badanse aan lahayn. Sidoo kale waxa uu u qaybsamaa qeybo badan waxaana kamid ah;

- Liberal Feminism
- Radical Feminism
- Marxist and socialist Feminism
- Cultural Feminism
- Eco Feminism
- Lesbian Feminism
- İ-Feminism (Waa kuwa aaminsan dumarku in ay ayagu jirkooda leeyihiin sida ay doonaanna ka yeelayaan.)

Si'aad u fahamto qeybahaan iyo waxa ay kala yihiin waxa aad u baahan tahay in aad baaritaan ku samayso aragtiyaha kala ah Liberal, Radical, Marxist iyo Socialist. Sida aad arkaysidba Feminist gu waa uu ka wayn yahay kana macno duwan yahay nin baa gabadh xumeeyay iyo feminist baan ahay. Haddii aad habraacdid aragtiyahaas kadibna aad si buuxda ugu qanacdid waa aad noqon kartaa feminist oo qofku isaga ayaa xor u ah aragtida uu qaadanayo iyo waxa uu aaminayo.

Haddii aan usoo laabto soomaalida, waxaa jirta arrin baahsan oo qof walba maskaxdiisa iskaga soo dhacaysa gabadhi haddii ay tiraahdo anigu sinnaan ayaan rabaa iyo dumarku wax ha qabsadaan waxaa lagu shaabadaynayaa magac Feminist la yiraahdo. Taas oo sababta in gabdho badan oo aan feminist ahayni ay ka baqaan in ay sheegaan waxa ay rabaan in ay dumarka u qabtaan, ayaga oo ka cararaya in lagu shaabadeeyo magacaas foosha xun ee wasakhaysan, İslaamnimadoodama shak la galiyo.

Qaar kale oo aan waxbaba kala socon Feminist ga iyo waxa macnihiisu yahay ayaguna waxa ay isku shaabadeeyeen in ay Feminist yihiin haddii aad waydiiso waxa ay ka qabaan dhaq-dhaqaaqyadaaa kor ku xusan ma sheegi karaan farqiga Liberal iyo Marxist u dhaxeeya. Taas waxa ay dhibaato wayn ku tahay jiilka soo koraya. waxa uu dagaal aan la aqoon cidda maal-galinaysa ka dhex qarxay wiilal aaminsan in gabdhahaan gaalo soo dirsatay magaca soomaalidana ay xumaynayaan iyo gabdho ayaguna u qaba macnaha feminist gu in uu yahay gabadha yaan la liidin.

Waxaa kale oo ayaduna jirta niman fahansan ayagu waxa uu feminist gu yahay balse qoraallo kasoo sameeya ayaga oo inta xun keli ah soo qabta. Dabcan aragti haddii ay dhalato xumaan iyo samaan ba waa ay leedahay oo wax walba haddii dhinacooda xun la qaato waa ay macno doorsoomaan taasina waa tan haysata aragtida feminism ka oo dunida oo dhan magac xun bay ka qaateen.

Midda kale oo aan rabo in aan gabdho badan oo ku wareeray Feminist iyo waxa uu yahay u caddeeyo in aysan isku meel galin İslaam baan ahay iyo Feminist baan ahay ee mid ku dheg kan kalana ka tanaasul sababta oo ah xaqiiqadu sidaa uma shaqayso. Sida aysan macquul ahayn in aad islaamka qeyb qaadato qeybna ka tagto aaminideeda ayaysan macquul u ahayn in aad aragti magaceed qaadatid adiga oo sheeganaya in aad tahay shakhsi aragtidaas aaminsan.

Waxaa kale oo ayaduna aan rabaa in aan ka hadlo in ay igu badatay waydiinta ah ma Feminist baa tahy iyo maxaad ka aaminsantahay?. Anigu feminist ma ihi oo waxaa jira waxyaabo badan oo aanan ku qancin sidaa darteedna qofna iskuma tilmaamo wax uusan ku wada qancin jawaabtuna waxa ay noqonaysaa in aanan anigu Feminist ahayn balse aan si adag u ayidsanahay sinnaanta aadmiga iyo wada noolaanshahooda haddii aad adigu taas feminist u taqaanno waa meesheeda.

W/Q: Fadumo M. Alimaad

Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara