MASKAX GUURKA 7/20

7/20

MASKAX GUUR (Human capital flight)

Ma rabo in aan waxa maskax guurku yahay halkaan ku sharxo oo aan falanqeeyo taasi wax wayn soo kordhin mayso oo badi waan wada naqaannaa ee sidee ayaan uga bixi karnaa ayaa igala macquulsan in aan wax ka qorno.

Qeexid; Maskax guurku waa in dadka wax bartay, kuwa caqliga leh oo bulshada wax kusoo kordhin karaa ay dalkooda iskaga tagaan ayaga oo raadinaya nolol ka qurxoon tan ay dalkooda ka heli karaan.

Dhibaatadaasi wadamada soo koraya oo dhan ayay haysataa. Xal in ay u helaan dawladaha dalkaas ka jiraa iskuma hawlaan oo haddii ay ka fakarayaan xallinta arrintaas waxa ay samayn lahaayeen dawlad shacabkeeda ku qancin karta in ay dhulkooda ku noolaadaan oo wax soo saar u samaysa dhalinyarada si'ay u helaan nolosha ay u qalmaan. Nasiib xumo arrintaas madaxda afrikaanku iskuma mashquuliyaan umana arkaan arrin xal raadin uga baahan.

Annaga Soomaali ahaan waxaa noo dheer in shacabkeennu dhamaantood rabaan in ay dalka ka tagaan, (Bulsho guur) halka maskax guurku yahay in dadka horumarka samayn kara oo keli ahi tagaan annagase bulshada oo dhan ayaa hayaan ah. Halkee ayay hayaan u yihiin? Miyuuna jirin hal qof oo kor inta fiiriya ka fakari kara mustaqbalka.

Dalkeenna dawlad la'aanta waxaa u dheer dawlad dhisan oo xubnihii dawlad looga baahnaa oo dhami u dhamaystiran yihiin haddana aan wax farqi ah oo ka soocaya meesha aan dawladi ka jirin uusan jirin. 

Haddaba weligaa ma is waydiisay sidee ayada oo dalka dadka ku nool 70% dhalinyaro lagu sheego aysan uga xumaanayn arrintaas. Sidee ayaga oo qarax iyo gaajo ku koray aysan ugu hamminayn in ay wax baddalaan oo noloshaan silicsan si'uun xal ugu keenaan. Haa oo waad ila yaabban tahay ka dhalinyaro ahaan waxa aad aaminsan tahay in aysan jirin wax aad qaban karto. Wax waad qaban kartaa ee goorma ayaad qaban. Ma adiga oo Guul wade u ah siyaasi aan wax dan ah kaa lahayn?.

Daqiiqad yar qaado oo wixii bannaanbax iyo soo dhawayn musharax ama madaxwayne aad ka qayb gashay soo xasuuso. Maxay dan ah oo ay kuu hayeen markaad farxadda la dabaal dagaysay? Markii aad xaqiiqadooda aragtayse waa adiga raba in aad haddana ku bannaan baxdide maxay kaa bi'iyeen illeen horay ba adiga ayaa u guul wadaynayay sabab la'aane?.

Qof kasta oo waxbarasho dalka dibadiisa u aada riyadiisa ugu wayni maaha in uu wax barto oo dalkiisa iyo dadkiisa wax taro ee waa in uusan dib usoo laaban waxa uu raadinayaa sidii uu waddo ka leexisa ku noqoshada dhulkii foosha xumaa uu u heli lahaa.

 Waxa aad arkaysaa kuwo dalka wax ku bartay oo sheeganaya in ay masters yihiin haddana u kala ordaya sidii ay musqul yurub ama ameerika ku taalla u dhaqi lahaayeen.  Maxaad wax ka baranaysaan haddii hankiinnu uusan awoodin in aad cirka inta kor u fiirisaan tiraahdaan waxa aan bartay maxaan ku baddali karaa haba yaraadeen haddii ay doonaane.

Maxaa kuwiinna wax bartay ay ugu sacab tumayaan madax iyo siyaasiyiin faashil ah, maxaad hadba u kala dooranaysaan midba kan uu ka xun yahay?. 

Anigu hadaladaan qof walba oo aan ku iraahdo waxa uu iigu jawaabaa "Ama waad waalantahay oo caqli aad wax ku fahantid ma lihid" Ama "Da'yari baa ku haysa oo waaqaca dalka ka jira ayaadan arag." Anigu waa macquul in aanan lahayn garaad ku filan in aan arko xaqiiqada, xaqiiqadee ayaanse arki waayayaa ma tan reer hebel iyo reer hebel u dhaxaysa? Ma tan shalay ninkii aan caayayay oo aan lahaa hebel baa ku dhaama igu celinaysa in aan isagii u sacab tumo illeen hebelkii shalay aan dabo orday mabda' kuma raacine waan iska gurdan raacaye?.

Dhalinyaro ku riyoodka waddan kale in aad ka noqotid insaan darajada labaad ah waxaa kuu dhaanta adiga oo inta istaaga iska diida dulliga iyo caqli yarida dalka ka socota, Una istaaga in aad adigu isbaddal dhaliso. Haddii dhalinyaradu ka badan tahay odayaasha inta qurbaha nolosha kaga dhacay dalkeenna xilalka usoo doontay waan awoodnaa in aan carruurteenna mustaqbal ifaya u samayno.

Anigu ka shakhsi ahaan dalkayga in aan amni darro ugu dhinto illeen anaa sababaye ayaan ka door-bidi lahaa in aan carruurtayda ugu sheekeeyo amni darro ayaan dalkaygii uga soo cararay.

Dalkaan ama aan ka faa'iidaysanno khayraadkiisa ama aan ugu deeqno dadka u baahan. Cadaalad maaha in dad 20 malyan aan dhammayn oo reer reer isku haysta ay iska ag taallo xeebta afrika ugu dheer dal 120 malyan ahna uu xeeb la'aan ahaado oo uu la'yahay si uu quud iyo raashin ku gaarsiiyo 120 kaas. 

Ha yaabin berri marka dhulkaan dad ka faa'iidaysanaya khayraadkiisa uu gacanta u galo illeen adigaa baday'e.

Haddii aad akhriska dhammaysay qof noocee ah ayaad iigu yeeraysaa ma qof iska riyoonaysa, mise mid garaad yari hayso?.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara