1/20








HAL HABEEN MİYAA WAX WALBA BEDDALAY ?



Waan ogahay farriintaydaan waxa aad u masaxi doontaa sidii kuwii ka horreeyay adiga oo aan akhrin haddii aad akhriso se waxa aan ku leeyahay;

Ma dareentay sababta aanan asbuuc dhan kuugu soo dirin farriin tanina ay tahay tii ugu horraysay oo aan muddo asbuuc ah kuu soo diro. Habeenkii ugu dambeeyay ee aan kuu soo diray farriintii boqolaad aniga oo isku dhex qasan, dhex fadhiya musqusha, biyaha qubaysku korka igaga socdaan, aan garanayn waxa noloshayda xaaladdaan foosha xun dhex galiyay ayaa hal ilbiriqsi gudihiis waxa aan dareemay neecaw qabow, waxa aan dareemay in wax qalbigayga xan-xantaynayaan. Gacanta ayaan inta laabta ku qabtay sidii aan qalbigayga oo dibadda usoo baxaya gudaha kula celinayo gacmahaygaas qabow, aniga oo luudaya ayaa waxa aan usoo dhaqaaqay dhanka qolkayga hurdada. 

Sariirta ayaan jeego jeego u jiifsaday waxaa ogaal iigu dambaysay aniga oo daawanaya saqafka guriga. Ma ogi inta aan hurday ma saacad baa mise waa daqiiqad waxa ay tahayba waxa aan dhex tagay wax walba oo aad iga qarinaysay, waxa aan daawaday sababta aad isku baddashay waxa aan ogaaday in hal habeen oo keli ahi uu baddalay wixii saddexda sano na dhex yaallay.


Maxaad u baqaysaa oo aad u gariiraysaa? ma waxa aad ku khal-khashay in aan ogahay wax walba? ma waxa aad isleedahay miyay faashataa mise sixirka ayay taqaannaa sidee ayay ku arki kartaa wax walba oo aad ka qarisay? sidee ayay ku ogaan kartaa sababta aad uga tagtay, soo adigii ka dhaadhiciyay in ay ayada khaladkeeda tahay isku dhiciinnu? İs deji waxaa laga yaabaa in aanan wax u ogayn sida aad wax u fashaye.

Aniga waxa ay ila ahayd markii aan sariirta seexday in aan gam'ay oo aan hurdo dheer galay balse hurdo dheer ma galin ee waxa aan dib ugu noqday noloshii naga dhaxaysay bishii ugu dambaysay guurkeenna. 

Waxa aan dhex tagay habeenkii aan cashada ka nimid, waxa aan dib ugu noqday daqiiqaddii aan guriga ka baxaynay ee aan wajigaaga eegay adiga oo wajigaaga aysan farxadi ka muuqan, adiga oo aysan u muuqan in aad xaaskaagii aad jeclayd casho ula baxaysid weliba casho ay ayadu qorshaysay. 

Waxa aan eegay sidii aad miiska cashada u fadhiday uguna muuqatay in aadan ku qanacsanayn la joogayga, taleefankaaga ayaad ku dheganayd sidii in lagaa xoogayo, sidii in cid kale ku shaqaysanayso maskaxdaada halkaanna khasab aan kugu keenay. 

İsla habeenkaas saacado kadib marka aan guriga kusoo laabannay annaga oo ah sidii labo maxbuus oo isku dambi u xiran midkood uu dambiilaha yahay kan kale xorriyaddiisuna ku xiran tahay kan dambiga lihi in uu qirto waxa uu falay. 

Aniga oo ciil iyo caro qaba ayaan albaabka guriga kasoo galay habeenkaas laga bilaabo waxa aan bilaabay in aan iswaydiiyo waxa marxaladdaan na keenay, waxa aan joojiyay u jajabnaantaadii oo waxa aan bilaabay in aan kuula dhaqmo sida aad iila dhaqanto  in aan taleefankayga daawado inta aan doono, in aan casho kariyo ama aanan karin in aan dibadda aado oo aan kusoo daaho iyo in aan seexdo xilli hore adiga oo aan weli xaafadda imaan. Waxaas oo dhami waxa ay u ekaadeen xumaan markii aan anigu sameeyay balse adigu marka aad caadaysanaysay maahayn wax wax ka qabasho mudan ama xataa istaahila in laga wada hadlo.

Bil ayaan marxaladaas ku jirnay markii ay dhamaatayna waa adigii adiga oo qaylinaya duhur shaqada ka yimid, waa adigii adiga oo aan salka dhulka dhigin oo aan xataa nasan waa adigii miiska inta gacanta ku garaacay ku qayliyay Maariyo kuma jiri karno noloshaan. Oo waayo? markii aan ku irina la soo booday waad isbaddashay ma tihid xaaskii aan 2 sano kahor guursaday? Muran isku buuq iyo indhaha oo faraha la iska galiyo kadib waa adigii yiri Waalidkaa ayaan u tagayaa guurkeeniina waa uu dhammaaday.

Markii ay afkaaga kasoo baxday guurkeennii wuu dhammaaday waxaa ii bilaabatay nolol mugdi ah, nolol liidan, nolol lacnadan oo aan adiga addoon kuu ahay, nolol aan adiga nolosha kaa tuugayo sida addoon xornimadiisu ku xirantahay aqbalaadda mulkiilihiisa. Ma aqaan wax helay dhiirranaantii, ad-adaygii iyo kalsoonidii aan kugula xifaaltamayay miyaanan kaba fakarin wada joogeenna iyo kala tageenuba in uu yahay awood gacantaada ku jirta oo aan go'aan ku lahayn?!.

Bil waa ay ka badan tahay soo maaha inta aynu kala maqannahay, mise adiga kuuma xisaabsana?!.

Aniga bishaas waxa aan galay nolol halligan, nolol yaq-yaqsi ah nolol aan hiif iyo haaraan ku waday cid walba oo fududaysay in aad sidaas aanan go'aanka ku lahayn iiga fogaatid. Waxa aan illoobay in aad adigu dooratay in aad i dayacdo, in aad i bahdisho, in aad taleefankaaga ka doorato wada joogeenna yaa og waxa taleefanka aad ku haysato miyaad heshay qof iga qurxoon, naxariis badan kuuna jecel si ka badan sidii aan kuugu waalnaa?!. Haddii aad hesho xataa hadda aniga waxba igama baddalayso oo hadda daqiiqaddaan aan farriinta qorayo waad dhimatay, waa lagu aasay, waa laguu tacsiyeeyay, qabrigaagii ubaxyo ayaa la dhigay, waana laga dhaqaaqay.

Waxa aan ogaaday maaha sababta aad iiga tagtay, maaha naagta aad baratay intii aad guurkeenna ku jirtay sababtana u noqotay in aad aniga i xaqirto ugu dambaynna dambiga kala dhaqaaqeenna aniga i saarto inta cimrigayga ka dhimanna aan ku qaato aniga oo caddaynaya in aanan anigu khalad lahayn. Maxaan u caddaynayaa? yaan u caddaynayaa?.

Waxa aan ogaaday in aan khaldanaa markii aan ku dhihi jiray "Marka dhul-gariirku dhacayo ma naxo mana baqo balse marka aan isku buuqaynno annaga oo isku xanaaqsan, markaas ayaan cabsadaa." Hadalkaan gef ayuu ahaa sababta oo ah dhul-gariirka ayaa mudan cabsi waayo waxa uu qaadan karaa ruuxdayda cuddoon.

Soo qaado waraaq oo ku diiwaan geli taariikhda iyo saacadda sababta oo ah maanta waad dhimatay, waa lagu aasay, qabrigaaga ubaxyo ayaa la dhigay, waana lagaa dhaqaaqay.

Nabadgalyo.








Comments

Popular posts from this blog

Xijaab Soo Xiro

Eating Disorder: Fahamka, Calaamadaha, iyo Sida Looga Gudbo

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.