BASKİİ DHİMASHADA


Qeylo ayaa isqabtay, halmar ayaan kasoo salalay hurdo aan sidaas usii dheerayn oo aan daqiiqado yar kahor galay. Waxaa dhagahayga kusoo dhacayay dadkii baska oo qofba wax ku qeylinayo. İslaantii ugu horraysay ee aan codkeeda maqlay waxa ay ku qeylinaysay "Çocuklarım....Çocuklarım..." " Nin dhinaceeda fadhiyay ayaa isaguna afka qeylo ku shubtay oo ku dhawaaqayay "Karım... Karım..." Qofba wixii afkiisu soo qabto ayuu miciin ka dhiganayay gaarigu waxa uu isku rog-rogayay sidii kubad ilmo ciyaal ahi hadba gidaar kasoo goynayo. 

Aniga jidhkaygu dhaawac ma leh, badi dadka oo dhanna waa ila mid, waxaa noo wada xirnaa suunka oo madama uusan weli gaarigu istaagin dhanna u dhicin lama qeexi karin sida wax u dhaceen. Daqiiqadba daqiiqadda ka dambaysa waxa aynu u sii dhawaanaynay dhimashada, dadka qaar qeyladii waa ay joojiyeen, malaha waa ay dhinteen mise waxa ay arkeen in aysan badbaado u ahayn ku dhawaaqidda magacyada kuwa ay jecel yihiin. 

Anigu weli waxa aan ka fakarayaa magaca ciddii aan ku dhawaaqi lahaaa mar waxaa maskaxda iga soo gashay quruxdii iyo qiimihii uu lahaa kulankii aan hadda kasoo kacay ee gabdhihii asxaabtayda ahaa, waxa aan iswaydiiyay alla miyay ogaan doonaan in gaarigii aan raacay uusan nabad tagin. İn aan eersaday kulankii aan ayaga ugu imid. 

Markale waxaa maskaxdayda soo galay sugitaanka uu i sugayay saaxiibkay. Waan hubaa oo waxa uu taagan yahay halka aan baska kaga dagi lahaa, waxa aan is iri miyuu ogaan doonaa dhimashadaada mise muddo kadib ayuu ka warheli doonaa. Markale waxaa maskaxdayda hormartay noloshaydii carruurnimo farxaddii iyo qosolkii, oohintii iyo murugtii wax walba oo ku hareeraysnaa gurigii aan ku koray. 

Haddana waxaa isoo hor istaagay Aabbahay waxa uu ilahaa waad gaaraysaa wax walba oo aad jeceshahay, waxaan dib u xasuustay is arageenii u dambeeyay sidii aan u qorshaynay waxa aan samayn doonno mustaqbalka. Sidii uu ugu rajo waynaa in aan cimri nagu filan haysanno. Weli gaarigii ma istaagin oo waa uu sharqamayaa hadba dhinac ayuu ku istaagayaa. 

Hadda dhanka midig ee muraayadda igu beegan ayaan sidaa u eegay mise waxa aan ku aadannahay gaari xamuul ah haddii aan ku dhacno waan hubaa oo qofkeenna ma badbaadi doono dhimasho xanuun badanna waan dhadhaminaynaaa, markaan waan dareemay in waxa ii haray ay sakamo oo keli ah yihiin, in xataa aanan helayn jaanis aan uga sii fakaro cidda aan ka naxayo iyo cidda dhimashadaydu wax yeelayso aniga oo sidii u eegaya layrka gaariga sugayana inta aan dhexda u galayno dushana  uu naga marayo, hilibkeenuna isaga oo shiidmay laamiga daadsamayo ayaan indhaha kala qaaday.

 Waxa aan maraynaa meel waxyar u jirta halkii aan gaariga kaga degi lahaa dadku way aamusan yihiin, qaar taleefanno ayay ku mashquulsan yihiin, islaan waayeel ah oo dhinacayga fadhidayna waa ay gama'day. İnta aan yaabay garanna waayay sida ay macquul ku ahayd in aan ku dhex noolaado riyo noocaas ah daqiiqado gudahood ayaan aamusnaan dheer galay. Maskaxdaydii waxa ay dib u bilowday ka fakarka waxa dhici lahaa haddii ay rumoobi lahayd riyadaasi. Waxa aan sawirtay sida ay noqon lahaayeen kuwa aan jeclahay. Waxa uu baskii soo istaagay boosteejadii aan uga degi lahaa aniga oo aan xal u helin jawaabtii ahayd Miyay i illoobi doonaan?!.

18. Nov. 2021
Bursa/Turkey

Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara