WAXA AAN RABAA İN AAN İSDİLO!

Waxa aan rabaa in aan isdilo!.





Maskaxdaydu waxa ay i leedahay kac oo is dil. Marka aan soo kor istaago miiska jikada oo aan mindida kala soo baxo caaga weelka ee aan saaro qoortayda marka aan dareemo qabowga birta sida ay u afaysan tahay iyo sida ay sakamo gudahood nafta ii dhaafin karto ayaan inta indhaha isku qabto dib u eegaaa noloshayda waxa aan isku dayaa in aan halmar jiriirico dareemo. İn aan xasuusto xaalad qurux badan oo awoodi karta in ay jirkayga iyo dareemahayga gilgisho kadibna nolosha xiiso ii galiso, mararka qaar ilbiriqsiyo ayaan ku baraarugaa oo aan helaa xasuus yar oo kicisa dareenkayga sii dhimanaya. Mararka qaar wajigiisa ayaan xasuustaa dib ayaan u gocdaa markii koowaad oo uu gacantiisa gacantayda saaray, markii koowaad oo jirkayga iyo kiisu istaabtay. İnta aan dhoola-caddeeyo ayaan mindida iskaga ridaa halkii aan kasoo saaray ee maxaa dhici kara maalinka aan waayo xasuus aan dareenkayga xiisaha nolosha dib ugu soo ceshado? Macquul ma tahay in qiimaha iyo sharafta aad ii haysaa hoos u dhaco marka aad maqasho in aan anigu naftayda qaatay?! Ma laga yaabaa in aadan iiga nixin iiguna barooran sidii aad iigu barooran lahayd haddaan sabab kale ku dhiman lahaa?!.

Maskaxdaydu waxa ay i leedahay kac oo isdil. Marka aan soo istaago balkoonka guriga ee aan dhulka hoos u eego. Marka aan arko sida barafku u cad yahay sida uu ugu wasakhoobi lahaa haddii aan jsdilo dhammaantiisna gaduud u noqon lahaa ayaan qarqaryo dareemaa. İnta aan gacmahayga saaro cirifka lugahana u diyaariyo in ay boodaan ayaan indhaha isku qabtaa waxa aan sawirtaa waxa dhici kara haddii aan jajabo balse aana dhiman. Waxa aan sawirtaa aniga oo dadka hadda i jeceli i naceen. Ayada oo cid walbaa i leedahay in ay habeenkaas dhimato baa fiicnayd hadda mana noola mana dhiman. Waxa aan sawirtaa aniga oo maskaxda jug wayni iga gaartay oo caqliga waayay. Waxa aan sawirtaa aniga oo fikradahaygii cidlo ku daateen, aniga oo nool haddana aan awoodin in aan u riyoodo sidii hore. Markaas ayaan inta soo cararo qubays dheer galaa naftana uga mahadceliyaa in aysan iga rajo dhigin welina iimaan ay ku qabto in aan maalmo kale lasii noolaan karo. Adiguse haddii aan jajabo oo aanan dhiman, haddii aan caqliga waayo oo aan curyaan noqdo macquul ma tahay in aadan sidii hore ii jeclaan oo aan eber ka dhigo wax walba oo aad iga filaysay? 

Maskaxdaydu waxa ay i leedahay kac oo isdil. Waxa aan u baxaa wadada waxa aan si taxadar la'aan ah u gooyaa laamiga marka aan maqlo hoonka gaariga oo si dheer u qaylinaya iyo gaariga oo si xoog ah bareeg u qabtay ninka gaariga watay oo cod sare igu leh "Dhillo nolosha nacday haddaad tahay orod meelahaa ku dhimo aniga taayarkayga hasoo hoos galine." ayaan cararaa oo aan dhanka wadada ka bayraa markaa ma helo jaanis aan ku fakaro, jaanis aan ku xasuusto wax hore ama jaanis aan uga fakaro mustaqbalka waxa dhici kara. Nolosha caadiga ah waa sidaas ma haysatid jaanis kugu filan oo aad ama berri uga walwashid ama shalay uga shallaydid. Fadlan waan ku baryayaaye inta aysan maskaxdaadu ku gaarsiin heer aad nolosha nacdo samayso waxa aad u noolaato, wax sabab u noqda markasta oo aad gaariga ka dhacdo  in aad dib ugu soo laabatid. 

Anigu waxa aan u noolahay waynanka riyooyinka aan dhigtay awgood ma aqaan maalinta aan riyooyinkaas rumeeyo waxa aan samayn doono inta ka horraysase waxa aan rajo wayn ka qabaa in aanan ka rajo dhigayn nolosha.

FG: Haddii ay kugu soo dhacaan fikrado la xiriira isdil iyo wax isyeelid keli ma tihid oo kumanaan ayaa kula mid ah cidse si furan ugama hadasho ee caawimaad u raadso sida ugu dhakhsaha badan, haddii aadan dhakhtar heli karin xataa arrintaada la wadaag qof aad ku kalsoontahay in uusan ku xukminayn kuna caawinaya.
NABAD AHOW❤️

Comments

Popular posts from this blog

Xijaab Soo Xiro

Eating Disorder: Fahamka, Calaamadaha, iyo Sida Looga Gudbo

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.