2/20

2/20


YAA U BAAHAN JACAYL MARKA UU LACAG HAYSTO?!.



Foolxumaa jacaylku marka labada qof isku dhacaan. Haddana qurux badanaa marka xiisaha, carafta iyo saxansaxada rabitaanku dul wareegayso labo dareemaya in ay ayagu yihiin kuwa dunidaan u yimid in uu midkood ba kan kale hantiyo. 

 taleefankiisa ayay farriin gaaban balse macno wayn ku fadhida, farriin gacanta ay ka timid aan u lahayn macne ka sarreeya dareensii in aad heshay qof ka mudan isaga, balse qalbiga ay ku dhici doonto labo qeyb u kala dhanbali doonta, Farriin wiil jacaylka aaminsan weli, dareen xad dhaaf ah u haya tii koowaad ee uu indhaha ku furtay ka dhigi doonta in uu noqdo shabeel naagood dumarka sida shaarka iska ga beddala. Wiil qalbi nadiif ah leh ayay u rogi doontaa farriintaan yari mujrim aan wax aaminaad ah u hayn dunida waxa caqiidooyin yaalla.

"Yaa u baahan jacayl marka uu lacag haysto?!." İn uu khalad akhriyay ayuu dhawr jeer ku shakiyay waase uu xaqiijiyay in su'aashu sidaas u dhigan tahay. Fajaciso kuma ay noqon oo Maryamo waa uu ka faliyay hadalkaas iyo mid ka xun ba, horay ayuu u dhadhamiyay xaqiritaan in ka badan intii uu u qalmay. tani se waa su'aal jawaab uga baahan. 

Dhabtii insaanku jacayl uma baahna miyaa haddii uu lacag helo ayuu iswaydiiyay tiro tobaneeyo jeer ah. wax uu ku qanco waa uu ka heli waayay maskaxdii ku mashquulsanayd habeenadii la dhaafay oo dhan xal u helidda sidii uu ku badbaadin lahaa jacaylkaan sii dhimanaya, jacaylkaan ka dhacaya qarka buurta haddii uu taraaraxana aan heli doonin fursad kale oo lagu bad-baadiyo.

Saaxiibkiis Cali ayaa kumanaan jeer kula taliyay. "Yaxye duunyo kaa cararaysa ayaa la ceshtaa ee dad kaa cararaya lama ceshto." Maskaxdiisa ugama bannaana boos wax aan ahayn Maryamo guursan mayso ee adiga ayaa ay ku sugaysaa inta aad jaamacadda dhammaynayso. 

*****

Jidh qurux badan oo lagu raaco ma leh, baruur ayaa xirtay meel walba oo muunad lahaan lahayd, sii jeedkeeda la ma kala saari karo ayada iyo islaan 10 carruur ah oo mataano u badan ku dhashay sannado yar gudahood. İn ay is caatayso ay jimicsato oo ay caafimaadkeeda bad-baadiso lagu kari waa' saas oo ay tahay kibirka, is qaad-qaadka iyo sida ay cagta dhulka u dhigayso waxaa mooddaa dhulka oo dhan in uu amarkeeda ku goglan yahay, haddii ay waxyar jamatana ay sida ay doonto u laabi karto. 

Kalsoonidaan xad dhaafka ah xaggee ayaa ay ka keentay ayuu iswaydiinayaa qof walba oo muuqaalkeeda iyo hab dhaqankeeda isku arka isaga oo aan aqoon kale u lahayn. Waxa aad is waydiinaysaa sida uu qofi jacaylka ugu qaadi karo qofka noocaas uga arradan dad la noolaanshaha. Soo horay uma aad maqal dunida dadka jooga waa la isu sameeyay, Yaxye iyo Maryam sidaas ayay ahaayeen isu samayntaanina maaha tii isku habboonaanta ee waa tii kala duwanaanta. Ardada iskuulkii ay ka dhameeyeen dugsiga sare la dhigan jiray badankoodu waxa ay ku xaman jireen in uu yahay qof Waalidki habaareen ninka naagtaas kibirka, dabeecad xumada, iyo naxariis darrada isku darsatay nafta ka dayay. Kuwa kale waxa ay oran jireen in ay is guursadaan miyaysan ku fakarayn sidee ayaa uu ........ Qosol ayay qaarkood la daadan jireen marka ay isku arkaan ayaga oo isla socda, kuwa kalana waxa ay aaminsanaayeen in uu lacagta Aabbeheed darteed ula socdo.

Subixii marka iskuulka la imaanayo iyo marka ay ka baxay sa ba waxaa lagu qaadi jiray gaariga ugu qaalisan kuwa magaaladooda dadka deggani wataan, darawal u jajaban iyo waardiye albaabka guriga ku sugaya si'uu u hubiyo in ay nabad timid ayaa ay khaas u lahayd. Waxaa la is dhihi karaa waa halkaas halka dhaqanku kaga lumay. LACAGTU QOF WALBA WAXA AY KA DHİGTAA BOQOR.

Yaxye aragti ka duwan tan dadka kale ka haystaan ayuu ka haystay, agtiisa waxa ay ka ahayd gabadh qosol qurxoon, naxariis miiran ah kana duwan dhammaan gabdhaha iskuulka Xaaji Nuur dhigan jiray. Aragtida uu jacaylka ka haystayna waa ay ka duwanayd tan wiilasha la da'da ahi aaminsanaayeen. Weligiis lama arag isaga oo Gabadh naaskeed iyo barideed falanqaynaya. İntii uu jacaylka maryan helayna waxa ay ku xaman jireen sababta uusan gabdhaha jidhkooda usoo hadal qaadin in ay tahay in saaxiibtiis sii jeed iyo soo jeed isku egtahay. İsaga waxa ay ula muuqatay in naag ayada ka qurxooni uusan abid indho saarin, waxa uu saacad iyo habeen is waydiin jiray sababta aysan ugu jeedin ayagu quruxdeeda oo uu isaga oo keli ahi u arko, dabadeedna waxa uu isku qanciyay in jacaylka dhabta ahi ba noocaas yahay.

Murti dunida oo dhan laga adeegsado ayaa ahayd maalmaha qurxooni dhakhso ayay ku dhaafaan ee Yaxye 4sano oo xiriir ah ayaa kaga dhammaatay ilbiriqsiyo. Xiisihii uu u hayay weli waa sidiisii balse Maryamo waxa ay bilowday in ay isaga qof caadi ah u aragto in ay kas ugu xanaaqdo isaga oo aan waxba galabsan keliya si'uu u raalli-geliyo. Riyooyinkaaga maxaa kamid ah marka ay tiraahdo waxa uu ugu jawaabi jiray "İn aan adiga kula noolaado inta cimrigayga ka dhimman." Markaas bay inta kicid isku dhibto ayada oo aysan u fududayn in ay si fudud ku kacdo illaa ay dhawr jeer ruqaansato maahane waxa ay ayada oo qeylinaysa ku tiraahdaa "Adigana han xumada ayaan kugu nacay." Qalbiga ayuu iska yiraahdaa illaa iyo goormee buu in qofka aa jeceshahay hammisid la noolaanshihiisa ay han xumo noqotay.

İs jiid jiid iyo dagaal hal dhinac ka socda markii uu bilo socday ayay soo dambaysiisay, "Aniga haddii aad i rabto hadda i guurso haddii kale iska kay fasax waqtiga ha iga dhumine." Wax uu isku dayo in uu hadba dhinac wax ka tuso waa ay u suuroobi wayday. Ugu dambaynna waxa ay si kooban ugu sheegtay in ay guursanayso nin u qalma lana heer ah, nin aan ku khasbanayn in uu cimrigiisa inta ugu muhiimsan oo dhan qalin iyo buug ku qaato si'uu hadhow inta cimrigiisa ka dhimanna ugu shaqaysto wixii uu bartay una qaato mushahar u eg shimbir qafis lagu dhex quudinayo, nin aan weligiis faqri ku jirayn, nin aabihiis u shaqeeyay  ee sida aabbahaa oo kale uusan faqrinimo badin.  Shaki ayay ka galisay wax walba illaa uu waalidkiis ku eedeeyay sababta ay horay wax ugu qabsan waayeen.

YAA U BAAHAN JACAYL MARKA UU LACAG HAYSTO? Ayuu dhawr jeer kusoo celiyay isaga oo taleefankiisii eegaya kadib waxa uu yaqiinsaday in uusan su'aashaan ka jawaabi karin isaga oo aan lacag helin marka uu lacagta dhinac walba iska dhigana uu su'aashaan usoo jeensado. Waxa uu naftiisa wacad kula galay in uusan nasan doonin illaa uu su'aashaas jawaabteeda indhaha ka saaro jeertii uu u yeelay qiimaha ka culus culayska miisaankeeda.

*****


5 sano ayaa uusan qof uu yaqaanno la kulmin, Saaxiibkiis Cali oo uu dadka ugu jeclaa iyo Hooyadiisba warkiisa ma ay maqal mudadii uu maqnaa. Xilli galab ah ayuu soo istaagay albaabka gurigii uu kusoo barbaaray, hooyadiis ayaa inta naxday halmar kusoo boodday si'ay u dhunkato oo ay iskugu duubto inta uu iska fujiyay ayuu yiri "10 daqiiqo ayaad haysataa ee gurigaan kasoo qaado wixii muhiim kuu ah." Durba ma ay fahmin markii ay aragtay in uusan hadal kale soo wadin ee uu eegmo oo kali ah ugu jawaabayo ayay horay inta u gashay gurigii dhawr shay kasoo qaadatay. 

Hooyadiis wajigeeda amakaag iyo jaah wareer isku jira ayaa laga dheehanayay. si kasta oo ay iskugu dayday in ay fahamto halka uu ku wado, iyo halka uu ka yimid  waa ay fahmi wayday illaa uu gaarigii kusoo hor baakimay guri dabakh ah oo wajahadiisu aad u qurux badan tahay. Alaabteedii ayuu gudaha u galiyay welina waa ay rumaysan wayday sida wax yihiin. Waxa ay ku waalatay hooyo gurigaan yaa leh markii uu ugu jawaabay adiga ayaa iska lehna waa ay suuxday farxad darteed. Farxad lama ay suuxine waxa ay ka naxday halka wiilkeedu soo dhacay ee uu lacagtaan ka keenay.

Dibadda ayuu inta u soo baxay waxa uu gar-garaacay albaabka guri dhawaan la dhisay balse aad u gaaban labo qol oo aan barando iyo meel lagu nasto midna lahayn ka kooban oo dhinaca ku haya dabakha uu hooyadiis uga soo tagay. 

Maryama oo sidii u buuran balse duruufi ka muuqato oo wajigeedu basaas leeyahay ilmo yarna sinta ku haysa ayuu indhaha indhaha u saaray, ayadu way ku naxday oo ma ay filayn isaguse 5tii sano ee uu maqnaa wixii uu wax walba u sameeyay waxa ay ahayd in uu daqiiqadaan la kulmo. İn uu daawado wajigeeda naxdinta, baqdinta, filan waagu isku marka ku kulmay. İn uu arko sida ay noqon doonto marka uu ku dhex arko guri saas u duruufaysan. Kasoo bilow in uu Aabbeheed xisaabiye u noqday illaa heer uu gaarsiiyay in uu galiyo dayn uusan gudi karin inta cimrigiisa ka dhimman illaa iyo daqiiqadaan ay amakaagga ku eegayso.

İsaga oo indhaheeda eegaya ayuu waydiiyay. "Yaa u baahan jacaylka gabadha marka uu hantida Aabbeheed heli karo." Jawaab kama uu sugin ee ayada oo albaabkii taagan ayuu u dhaqaaqay dhankii gurigeedii hore. Way ka soo daba dhaqaaqday ayada oo ku qaylinaysa " Wacalyohow wax walba adiga ayaa ka dambeeyay soo maaha?."

İnta uu si quursi leh usoo eegay ayuu ugu jawaabay. "Wanaag dhankayga ka yimid ayay ahayd in aan sadaqo ahaan kuugu dhiso halka aad hadda ku hoyato, haddii aadse dood ka qabtid waad is kaga guuri kartaa. xaggee ayaadse aadasaa ma tuulada Aabbahaa lagu hayo ee uu ku sakaraadayo mise wiilkii Aabbihiis u shaqeeyay ayaad miciin bidaysaa?". Marxalad la jawaabi karo kuma ay jirin ee inta uu garkeeda sidaas u qabtay wajigeedana kor u dallacay ayuu yiri "Anigu hadda dhadhanka dumarka oo dhan waan helay, kuwa caato ah, kuwa jir dhisan, iyo kuwo adiga oo kale ahba waanse waayay wax u dhigma marka aad naag keli ah si dhab ah u jeclaatid ee haddii aad ku qanacsan tahay waan ku guursanayaa markale ayaadna ku noolaanaysaa gurigaagii."

İllin ayaa indhaheeda kasoo dareertay markaas bay cod naxuus ah ugu tiri "Horay ayaan u khaldamay ee mar labaad ma khaldami karo. Waxa aad se ogaataa aniga iyo adiga wax farqi ah oo noo dhaxeeya ma jiro, anigu horay baan u xumaa adiguna hadda ayaad xuntahay."  İsaga oo eegaya ayay ka dhaqaaqday markaas ayuu isaguna niyadda iska yiri isaga oo ka xun "Weli kibirkeedii ma jabin xataa haddii ay faqiirad noqotay, iska sug ayada ayaa soo jilcaysa marka ay runta aragtee." 

Subixii ayay furihii guriga u dhigtay albaabkii gurigiisa ayaduna ayada oo murugaysan niyaddana ay kaga soo noq-noqonayso su'aashii ay sida macno darrada ah farriin ahaanta u dirtay sida ay nolosheedii iyo nolosha Aabbeheed ba u galaafatay, sida wax walba oo qurux lahaa gef yar oo aan laga fakarin uu habaas uga dhigay.

 Gaari Taksi ah ayay raacday ayada oo ilmaheedii dhabta ku haysata niyaddana iska leh YAA U BAAHAN JACAYL MARKA UU LACAG HAYSTO?!.









Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara