6/20


6/20

ARAGTİDİİ KOOWAAD UGUNA DAMBAYSAY


İndhihiisa dambasiga ah aniga oo ku dhex dhumay ayaan soo baraarugay, waxa aan dabaalanayay duni aan riyo iyo soo jeed midna lagu sawiran karin. Kursiga ugu horreeya ayaan ka fadhiyay baska isaguna hortayda ayuu taagnaa halka darawalka u dhow. Gaariga oo buuxa ayuu soo galay taas ayaa sababtay in uu halka laga soo galo taagnaa. 

Suuqa ayaan ka imid. waxa aan la socday gabadh soomaali ah oo aan caawimaad ahaan u raacay. Xaaladayda nafsiyeed aad ayay u xumayd. Dhinac walba oo noloshayda ku saabsan waxa uu lahaa darafyo madow. Waqtigaas ma ahayn waqti ay indhahaygu qaban kareen ina rag Hubsiimo iyo hubsiimo la'aan ba. Qalbigaygu waxa uu u ekaa mid ka anagagay dhanka jacaylka ragga waxa aan dareemayay in nafsadayda uusan boos uga bannaanayn nin dambe oo qalbigayga jabiya.

Taas waxaa dheerayd waxa aan aaminsanaa in aniga jacaylkayga iyo cidda aan ka helitaanka u qaadayaa ay madowga ku jaan go'an tahay. Rabitaankayga shakhsiyadeed dareen uma qaado wiilasha kuwooda midabka furan ee ila jinsiyadda ah. Arrintaasi waxa ay wax aan waxba ka jirin kasoo qaadaysay in aan nin cad jeclaan karo amaba ka heli karo. Naftaydu marka ay aragto wiil madow oo jidh iyo dherer isku miisaaman leh waxa aan dareemi jiray in uu kaygii yahay qaaradda waddanka uu rabo ha ka soo jeedee.

Waxa uu lahaa waji aad u qurxoon, tintu qaabka ay ugu jarnayd maahayn qaab aan xiisayn jiray, sidoo kale garkiisu maahayn mid isoo jiita noociyaddiisu marka uu ragga qayrkiis ah ku yaallo. İsaga oo hab samaysankiisu yahay mid aan i cajabin ayaan haddana is arkay aniga oo indhihiisa dambasiga ah  ku dhex dhumay. Waxa aan dabaalanayay duni aan riyo iyo soo jeed midna lagu sawiran karin. Hareerahayga waxa ka dhacaya ma dareemayn ee waxa ay ila ahayd sida in xidigaha indhahayga hortooda la keenay halkaas aan ka dhawrnayo ayada oo aan cidina iga dhabqinayn.

Ma xasuusto qiyaastii intii aan ku maqnaa waxa aanse soo baraarugay isaga oo markaas iga weecday. İndhihiisu hoos eegayaan oo aad dareemaysid in uu aniga i eegayay. Waan shakiyay nafta baan ku iri "Fadumo, si wayn baad u riyoonaysaa in uu adiga ku eegayay macquul xataa uma dhawa." Si'aan ku talo gal ahayn ayaan dhawr jeer oo is xiga marna eegay marna ka jeensaday, sidii in kaamirad qarsooni nagu socoto ayaan si is dhaaf ah midkeen ba kan kale eegayay sidii in uu wax dambi ah samaynayo oo uu la dhuumanayo.

Basku waxa uu kusoo dhawaanayaa halkii aan kaga degi lahaa. Waxa aan dareemayay in aan duni yar oo iftiimaysay ka dhex baxayo. Waan isla hadlayay aniga oo isleh "Maxaa ku helay gabareey? İllaa iyo goormee ayay ku cajabin jireen nimanka cad-cadi khaas ahaan se soo adigii dhihi jiray turki weligay hunguryayn mayo?."

Naftayda ayaan hoosta ka leeyahay "İga aamus fadlan ma doonayo dardaaran, maxaa kaa galay waxa aan jeclahay soo anigu xor ma ihi?." Gabadhii ila socotay oo ahayd gabadh aanan si wanaagsan isku garanayn oo aan soomaalinimo suuqa ugu raacay ayaan ka xishoonayay in ay i aragto aniga oo baska dhexdiisa nin ku daawanaya. Nasiib wanaag islaan waayeel ah ayaa baska soo raacday, gabadhii  ila socotay kursigii bay islaantii uga kacday ayaduna meel dhinac kale ah oo aysan aniga wajigayga arkayn ayay istaagtay.

"Maxaan la baqayaa soo ma ihi Fadumadii hadalka caddayd. Maxaa kaa galay hadday ku aragto adiga oo wiil baranaya soo wax iska caadi ah maaha" "Naa wax iska caadi ah maaha, ma waxa aad rabtaa in ay fikrad khaldan kaa qaadato? tan kale habeenkii dhawayd ee aad jikada wada joogteen soo adigii kula doodayay in aad nimanka afrikaanka jeceshahay markii ay turkida kuu ammaantay? hadda soo beena-waasad kuu qaadan mayso?." 

Aniga iyo maskaxdaydii oo dagaalamayna ayuu baskii soo gaaray meel gurigii aan deganayn wax yar u jirta. Baskii markii aan ka dagay albaabkii dhanka gadaale xigay ayaan arkay isaga oo isna ka dagaya kan hore. Waan soo dhaqaaqnay gabadhii iyo anigu. Waan aamusnaa ayaduna hadba wax bay i waydiinaysay. Mar ayaan iskula hadlay ma istaagtaa oo ma la hadashaa? Haddana waxa aan dareemay in gabadhi la socoto. Masayr aanan aqoon baa i galay war hooy illeen balo miyaa loo masayraa nin aad hadda aragtay?. Gabadhii isaga la socotay waxa ay ku leexatay dukaan alaabaha guryaha lagu gado oo meesha ku yaallay isagiina waa uu nasoo dabo galay. Dhawr jeer ayaan gadaal hadba aniga oo qooraansanaya iskana jiraya in gabadha ila socotaa i dareento gadaal u fiiriyay. Gacanta ayuu iiga ishaarayay Kaalay, ama istaag wax u dhigma. 

Ma istaagin oo ma aqaan waxa iga khaldamay mana sugine socodkii ayaan sii dheereeyay sidii in aan ka baqanayo. Dhawr jiiro ayaan kasoo baxnay intiina hadba marka aan gadaal fiiriyo waxa aan arkayay isaga oo isoo daba socda. Dhismihii aan deganaa ayaan soo gaaray isaga oo meel dhawr tillaabo ii jirta soo socda. Halhaleel ayaan qolkaygii oo dabakha sare ahaa kusoo fuulay bal in aan arko in uu meesha joogo. Markii aan kor soo fuulay ee aan balkoonkayga istaagay ayaan arkay isaga oo sii dhaqaaqaya. Niyad xumo waynaa. Miyaan hadda hoos u dagaa oo aan ka daba tagaa? Maxaa iga khaldamay oo aan sidaa oo dhan doqonta ula noqday. Miyaa marwalba la helaa ka helid isku mar ah? Maxaan jaanis kaas u dayacay?.

Sariirtayda ayaan inta beer beer u jiifsaday wacay saaxiibtay oo aan u sheegay waxa igu dhacay aniga oo ciil iyo qosol isku jira iga buuxo. Waxa ay igu canaanatay in aan doqon noqday oo aan jaanis fiican iska khasaariyay.
 
Muddo ayaan sugayay markale in aan baskii ku dhex arko. Ma arag ee ma laga yaabaa isaguna in uu muddo iga sii fakaray. İn uu ii cudurdaaray oo uu maskaxda iska yiri waxaa macquul ah in aysan luuqadaada aqoon.

WELİ MA LA KULANTAY QOF NOOCAAS OO KALE KUGU SOO MARA KAAGANA LUMA?!

Comments

  1. Haaa , amintaa kamaan faaiideysan ;laakiin hada ayaad irid ii furtay waana ka faaiideysanaa mid baan eeg eeg gabayaaga.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara