Posts

WAXA UU YIRI

Waxa uu yiri hubka dhig, oo adiga oo aan difaac igaga jirin soo dhawoow. Soo dhawoow oo jacaylkayga diirrimaadkiisa dareen.  Waxa ay ahayd go'aan khatar leh. Waxa ay ahayd khatar aan ku heli karo, jacaylkii ugu dhadhanka wacnaa, ama kii ugu saamaynta xumaa. Labada ka ay noqotaba aniga waxa ay ila ahayd baqdin. Haddii aan jacaylkiisa ku dhaco oo uu i guursado, waxa aan noqonayaa naag guursatay nin ay si waalli ah u jeceshahay taasna lama ammaanayn, oo qisooyinka dumarka dhibaatooday badi halkaas ayay ka bilaabmaan. Haddii aan jacaylkiisa waayo oo aan guuldarraystana waxa uu qalbigayga ku yeelan saamayn sababi karta in ay i dhaafiso la kulanka ninka carruurtayda u noqon lahaa Aabbaha ugu wanaagsan. Waan fakaray oo aan kumanaan jeer is waydiiyay sida noloshaydu noqon karto haddii aan qalbigayga adeegsado.  Waxa uu markale i yiri Kontoroolka noloshaada hal daqiiqo oo kaliya aniga igu wareeji. Dareen dhadhanka ay leedahay marka cid kale adiga kuu fakarayso, ay ku xanaa...

Carfoon

Caawa waxa aan galay bohol aan beri hore awday. Waxbaa i damqay oo igu yiri bal dib u eeg kaydka xasuusihiisa. Waran baa wadnaha layga suray dabadeed laygu ligligay oo si jajuub ah dib laygu dhex geeyay god aan beri hore awday. Waxaa aniga oo ilmaynaya lay dhex dhigay qolkii aan ku kulannay kawdii isbarashadeenna. Waan diiday oo aan is turaanturreeyay, diyaar uma ahayn in aan dib u booqdo halkii aan ka haajiray sannado badan kahor. Waxa aan ugu tagay qolka dhexdiisa naftaydii yarayd, Naftii 17jirka ahayd ee sida ubaxa u carfaysay. İndho rajo ka muuqato ayay igu eegtay. Waxay tiri "Miyaan kala tagnay jacaylkeennii?" İndho quusi ka muuqato ayaan ku eegay dabadeedna ku iri "İsagu jacaylkeenna maahayn, qalbiga ayuu naga jabiyay wuu na khiyaamay oo uu meel cidlo ah nooga dhaqaaqay." "Sidee ayay u dhici kartaa, soo isagii noo ballan qaaday in aan isguursanayno wada noolaanayno dabadeedna nolosha farxadeeda halkaa ku qaadanayno?" Ayay i waydiisay.  Gacmaha ayaan ...

ANIGA IYO QABYAALADDA

Muhiimadda qabiilku waxa ay ahayd waxa ugu yar ee aan aqaanno. Sababo badan oo isbiirsaday awgood iima suurtagalin in naftaydu ku baraarugto heerka qabyaaladdu ka gaarsiisan tahay bulshada dhexdeeda. Su'aasha ugu yar ee aan waligay qof waydiiyay waxa ay ahayd qabiilkee tahay? Uma arkayn muhiim in aan ogaado qofka qabiilkiisa, waxaa wax walba igala muhiimsanaa aniga iyo qofkaan maxaan isku fahmi karnaa. Markii aan yaraa ee aan dugsiga dhiganayay waxa aan saaxiib la ahaa, cid walba ee fasalka aan is sheeko fahanno. Markii aan soo waynaaday ee aan shukaansi bilaabay, waxa aan la sheekaysan jiray ciddii aan u arko in aan isku waddo u soconno. Caqligaygu waxa uu aaminsanaa sidee ayaad qof dhan ugu qiimayn kartaa qabiilkiisa isaga oo leh kumanaan shay oo ka muhiimsan. Aniga oo aan sidii ugu baraarugin ayaan kasoo tagay dalkii aniga oo aan wali indhaha ku kala qaadin illaa iyo inta ay muhiim u tahay qofka soomaaliga ah in uu ugu yaraan ku baraarugsan yahay in qabiilku yahay cunsur muhiim ...

KULANKOODII: GALABTA IYO JIGJIGA

Waa jigjiga goobtu. Waa casarka dabadiis. Taleefankeeda ayaa soo dhacay.  -Nura waad timid soo maaha?  -Haa shalay galab ayaan imid. - Jaanis ma haysaa galabta, aan kusoo wareejiyo magaaladee?. - Haa, Haddii ay adiga tahay cidda i wareejinaysa marna maya oran mayo. Waxa ay bilawday diyaar garow. Maanta baqdin badan ma jirto. Ma waxaa u sabab ah in ay dhul soomaaliyeed joogto, Afsoomaalina looga hadlayo oo ay ciiddeeda kalsooni ku qabto, mise kulankii koowaad haddii aysan farxad mooyee in yar oo shaki ah dareemin waxa uu qalbigeeda ku beeray kalsooni.  Guriga ayay u tilmaantay. Bajaaj ayuu soo raacay. Wuu i yimid oo ay israaceen. Albaabka marka ay kasoo baxday ayay dareentay in roob tiix ahi da'ayo. Marwalba oo ay kulmaan jawigu waa roobban yahay taasi ma waxa ay ka turjumaysaa in dabeecadu xataa la rabto labadooda jawi qabow oo laabta hananaya.  Rotana Cafe horteeda ayay bajaajtii soo istaagtay. Gudaha ayay u galeen. Kursi meel dhexe oo bannaan yaal ayay fariisteen. ...

KULANKOODII: GALABTII KOOWAAD IYO ADDIS-ABABA

  Waxa ay saacaddu tilmaamaysaa 1-dii duhurnimo. Waa Addis Ababa goobtu. Daqiiqado kahor ayuu roobku qaaday lama se oga xilliga cirku mar labaad hoori doono.  "Daqiiqado kadib waan kula joogaa ee hoos usoo daa-deg" farriin ah ayaa talefankeeda kusoo dhacday." Ayada oo lebbisan ayay xoogaa sariirta fadhiday, oo waa ay sugaysay goorta uu usoo jawaabayo.  Waxa ay u baahan tahay dhiirra-naan in aad la kulanto, qof aadan horay u arag. Walibana ku aragto magaalo aad ku cusub tahay, sidoo kalana aadan aqoon luuqadda looga hadlo. Waxaas oo dhan marka la isku daro waxa ay far waawayn oo si fiican u muuqata ku qorayaan horteeda. "GALABTA AMA WAXA AY NOQON MAALIN AAD SAMAYSAY WAX AADAN WALIGAA SAMAYN, AMA WAXA AY NOQON MAALIN AAD KA SHALLAYDO ABID."  Dhawr jeer oo hore ayay taxaddar aawadii u joojisay kulankaan haddana waa tan oo waa ay dhiirratay galabta. Qolkii ay ku jirtay ayay kasoo baxday ayadoo lebbisan. Si ka bad-badis ah uma ay soo labbisan, ee waxa ay soo qaadata...

WAA CAADİ

WAA CAADİ Wadnahaygiyow waa caadi haddii aad i hilmaamtay, anigu waxa aan weli laabta ku hayaa ballamihii beenoobay. Waxa aan weli naawilayaa in ay si'uun ky rumowdo beentii faraha badnayd ee aan habeen walba marka dayaxu soo baxo illaa iyo cadceeddu booskiisa la wareegto aynu is waraabin jirnay.  Maankayga miyay Kaba go'i karaan sidii aynu isu dhaafin jirnay waaqicii foosha xumaa. Si kasta oo aad ii illawday miyay macquul tahay in aad illawdid sidii aan isku dhaafinnay jawigii adkaa. Xasuustayda ka go'i mayso sidii aan habeen walba kuugu qancin jiray in aadan tahriibin, in aadan ka quusan dalka.  Waxa aad igu oran jirtay waddaniyad baa tahay, ma ogtahay in aysan waddan jacayl iga ahayn ee aan aad uga baqi jiray in aan ku waayo. Haddii aad ku dhimato iyo haddii aad ka badbaadaba aniga qalbi jab bay ii ahayd. Waan hubay in haddii aad jidkaas cagta saarto aan ku waayayo, xisaabtase kuma darsan in annagoo wada joogna hal magaalo, wada dhigannay hal jaamacad nolosh...

LAMA-HELAAN Q: 4aad

LAMA-HELAAN Q: 4AAD Jacaylku waa janno looga nasto qaxarka iyo dhibaatada adduunka bay dhahaan. Waxa ay dhalinyaradu, isku maaweeliyaan in si kasta oo noloshu kuugu adag tahay, haddii aad haysato qof ku jecel, aysan nolosha waxba kaa dhinnayn.  Dhalinyaradaas Kamaal kamid maaha. Waxa uu si adag u aamminsan yahay in Lacagta iyo Quruxdu tahay furaha dunida. In aysan waxba kaa dhinnayn haddaad labadaas Midkood hesho. Kaba wanaagsan haddii aad isku hesho. Waxa uu caqligiisa ka dhaadhiciyay isaga oo aad u da' yar in dunida uusan waayi Karin wax uu u baahday. Lacagtii faraha badnayd ee Aabbihiis uga dhintay ayaa sabab u ah in uu nolol noocaas ah ku barbaaro ayaa la oran karaa. Dadku waxa ay badanaa is xasuusiyaan in uusan jiri karin qof dhammays ah. Kamaal marka aad aragto se arrintaas waad beenaysanaysaa. Magicii hooyadiis ugu walqashay ayaa saadaal wacan u noqday ayaa la oran karaa.  Xilli ay casar liiq tahay, ayuu isaga oo galabta hurdada ku daahay gaarigiisii soo qaa...