WAA CAADİ
WAA CAADİ
Wadnahaygiyow waa caadi haddii aad i hilmaamtay, anigu waxa aan weli laabta ku hayaa ballamihii beenoobay. Waxa aan weli naawilayaa in ay si'uun ky rumowdo beentii faraha badnayd ee aan habeen walba marka dayaxu soo baxo illaa iyo cadceeddu booskiisa la wareegto aynu is waraabin jirnay.
Maankayga miyay Kaba go'i karaan sidii aynu isu dhaafin jirnay waaqicii foosha xumaa. Si kasta oo aad ii illawday miyay macquul tahay in aad illawdid sidii aan isku dhaafinnay jawigii adkaa. Xasuustayda ka go'i mayso sidii aan habeen walba kuugu qancin jiray in aadan tahriibin, in aadan ka quusan dalka.
Waxa aad igu oran jirtay waddaniyad baa tahay, ma ogtahay in aysan waddan jacayl iga ahayn ee aan aad uga baqi jiray in aan ku waayo. Haddii aad ku dhimato iyo haddii aad ka badbaadaba aniga qalbi jab bay ii ahayd. Waan hubay in haddii aad jidkaas cagta saarto aan ku waayayo, xisaabtase kuma darsan in annagoo wada joogna hal magaalo, wada dhigannay hal jaamacad nolosheennu sidaan noqon doonto.
Qalbigaygiyow, Dunidu way cibaaro badan tahay. Maanta sida aad tahay berri sii ahaan maysid, wax walba waxa ay isku baddalayaan ilbiriqsiyo. Sidii jacaylkaagu isu baddalay, sidii aad duni kale u sawiratay, ugana dhex siibatay noloshii dhabta ahayd si le'eg in aad dunidaas khayaalka uga soo dhuumato ayaan cisho iyo dharaar waynaha ka tuugaa.
Adiga kuma eedeeyo, marwalba waxa aan eedeeyaa qalbigayga nacaska ah, qalbigayga marka aanan adiga kaa fakarayn go'aanka adag, oo cid walbaa u haysato in aan ahay naag aan agteeda qori laga jabsan karin. Naftayda waxa aad ka taqaannaa qeyb aysan cidina ka aqoon. Qeyb jilicsan, bahdilan, aan maya oran karin oo hayin u ah adiga doonistaada.
Dhaayahaygiyow, dartaa baan uga joogay in aan jaamacad dalka dibadiisa u aado aniga oo reerkaygu ii awoodaan, si'aadan adigu u dareemin liidnaan. Si'aanan kuu cidlayn adigii aan anigu tahriibta kaa hortaagnaa. Ma xasuusataa habeenkii aan kuu sheegay in aanan tagayn sidii aad u xanaaqday ee aad iigu canaanatay in aan kibirkaaga wax yeelay, in aan ku dareensiiyay in aad faqri tahay oo aad noloshayda dhib ku tahay. Dhabtii ma xasuusataa sidii aan kuugu qanciyay in aan dalka wax ka baranayno dabadeedna gaarayno noloshii aan nafteenna u qorshaynay? Niyad jab waan gaarnay, mase wada joogno.
Kaan doortayoow, gabadha caawa kuu ummushay ma ogtahay in aad horteed nolol kale lahayd? In ay jirtay gabadh har iyo habeen kugu riyoon jirtay? Gabadh lacagta aabbeheed shoobinka u siiyo adiga dhar qurxoon oo aad jaamacadda ku aaddo kuugu iibin jirtay? Mano sheegasho igama ahee, sidee buu qof u hilmaami karaa qofkii gaajada lasoo maray marka uu barwaaqo helo?.
Wiilashii indhahaygoow, hooyaday waxa ay tiri "Nimanku waa sida ayaxa oo kale, hadba waxa ay u guuraan halka dhulku ka cagaaran yahay" waxa aanse weli iswaydiinayaa anigu weli doog baan ahaaye halkee ayaad u hayaantay?.
Maalmo kahor marka aad ila soo hadashay ee uu hadafkaagu ahaa in aad iska yarayso dareenka damiirkaaga gubaya waxa aad hadal ka bilowday "Haddii aad I jeclayd soo ilama aad soo hadasheen?" Maxaan lasoo hadlaa ma nin aan ka war helay arooskiisa oo qaban qaabo ah. Maxaan ku iraahdaa aqalka la gaday joojiya oo ha aroosin naagtaas. Maxaan ku iraahdaa gabadha aad meher xadka ku uuraysay uga bax guurka anaa ku jecele.
Kaan ku dhaatow hooyadii aniga i korisay, waxaa hal hays u ahaa "Haddii laabta waran lagaa galiyo, ha cabaadin adigu, ee iska saar mindida haddii aad awoodi waydana ayagaa arki doona meydkaaga." Wax walba markii aan kuu huray, haddii aad adigu luuqyada ka dhammaan wayday maxaad rabtay in aad ba'ayga iyo balanbalkayga aragtid!. Hadda waxa aan u malaynayaa damiirkii ku gubayay waa uu ku daayay, haddii aad ku marmarsiinyootay in aadan jacaylkayga arag, arooskana aan kaa badbaadin karay.
Nafta kii lahaayoow, Jacaylkaygu waxa uu ka mugwayn yahay badaha, waxa uu ka dherer badan yahay webiga dunida u dheer, mase arki karo nin indhihiisa ku koobay harooyinka.
"Nin indhihiisa kukoobay harooyinka yaryar ma arkidoono wabiga dunida weyn" weedhaasi waa culustahay walle
ReplyDelete