KULANKOODII: GALABTA IYO JIGJIGA

Waa jigjiga goobtu. Waa casarka dabadiis. Taleefankeeda ayaa soo dhacay. 
-Nura waad timid soo maaha? 
-Haa shalay galab ayaan imid.
- Jaanis ma haysaa galabta, aan kusoo wareejiyo magaaladee?.
- Haa, Haddii ay adiga tahay cidda i wareejinaysa marna maya oran mayo.

Waxa ay bilawday diyaar garow. Maanta baqdin badan ma jirto. Ma waxaa u sabab ah in ay dhul soomaaliyeed joogto, Afsoomaalina looga hadlayo oo ay ciiddeeda kalsooni ku qabto, mise kulankii koowaad haddii aysan farxad mooyee in yar oo shaki ah dareemin waxa uu qalbigeeda ku beeray kalsooni. 

Guriga ayay u tilmaantay. Bajaaj ayuu soo raacay. Wuu i yimid oo ay israaceen. Albaabka marka ay kasoo baxday ayay dareentay in roob tiix ahi da'ayo. Marwalba oo ay kulmaan jawigu waa roobban yahay taasi ma waxa ay ka turjumaysaa in dabeecadu xataa la rabto labadooda jawi qabow oo laabta hananaya. 

Rotana Cafe horteeda ayay bajaajtii soo istaagtay. Gudaha ayay u galeen. Kursi meel dhexe oo bannaan yaal ayay fariisteen. Cappuccino ayay dalbadeen. Indhahooda ayaa dhawr jeer isku dhacay intii ay qaxwaha sugayeen. Waxa aad mooddaa koronto isku mid ah in ay mid walba gaarkiisa u qabsanayso marka ay is eegaan. Labadaa qof (Chemistry) ayaa ka dhaxeeya ayay dhahaan kuwa ku takhakusay u fiirsiga dadka is raba. 

Galabta kulanku wuu ka xeel dheer yahay kii maalintii hore. Mid walbaa waxa uu dareemayaa furfurnaan. Waxa ay ka sheekaysteen qisooyin badan. Jacaylka ayaa qeyb ka ahaa, waxa ay si fiican wax isaga waydiiyeen. Sheeko jacayl oo qalbi taabad leh oo uu maqlay ayuu uga sheekeeyay. Gabadh wiilkay jeclaa la fahmi wayday dareenka, dabadeed markay ka dheeraatayna dareentay muhiimadda uu agjoogiisu u lahaa. "Waxa aan wax loo dhigo lahayn habka sheeko tabintaada" ayay kaga naxsatay. "Maya adiga ayaa aniga igaga xariifsan runtii aad baan ula dhacay qaabka aad u sheekayso" ayuu ugu jawaabay isaga oo dhoola-caddaynaya. 

Waqtigu wuu cararayaa, ayadoo iftiin ah ayay soo fariisteen haddana jawigii waa kan mugdiyoobay. Marka ay maqaaxidii kasoo baxeen waxa ay ku naxeen sida jidku dhiiqada u yahay. 

- Wax miyaad u aragtaa haddaan maqaaxi halkaan ah u lugayno.
- Maya waa caadi socodka waan jeclahay. Ayay ugu warcelisay. 

Waa been dhiiqada way neceb tahay. Waa dadka ku saliilyooda haddii wax yar oo ciid ahi cagahooda taabtaan. Niyadda ayay ka tiri "Dhiiqadu maxay dhibaysaa, haddii shakhsigaan cajiibka ah aad la socoto."

Maqaaxida Mahuraan ayay tageen ayadoo khaati ka taagan socodkaan dhiiqada lugu dhex soconayo, balse marna aan wajigeeda laga dareemayn qosol iyo ku faraxsanaan maahee. Waxa ay macallimad ku tahay in ay marwalba xirato kabo aan ku habboonayn jawiga. Mise dhiiqada jigjiga ayaysan ogayn. Gudaha ayay u galeen. Boos ay fariistaan kama ay helin ee dib ayay iskaga soo laabteen. Waxa ay fariisteen mid aan wax sidaa ah ka fogayn. Waa maqaaxi niman badani fadhiyaan hal gabar ahi kuma jirin. Jigjiga ma dhaqan baa ka jira gabdhuhu aysan maqaaxiyaha wax ka cunin. 

Cabitaan ayuu u dalbay. Halkii bay sheekadii uga sii socotay. 

- Nura maxaad ka aaminsan tahay Guurka?" 
- Ma xuma guurku oo waa ila fiican yahay. Tan dhibaatada wayni ka jirto ayaa ah, qofka la guursanayaa ma yahay qof la jaanqaadi kara ogaalkaaga. Qof fahansan nolosha aad rabto oo aad isku meel u socotaan.
- Beentaa maaha taas baa adag. Waxa ay lamid tahay adigoo uu kugu soo beegmay, nin dhaqanka ku dhagan oo wax u raba sidii Aabihiis iyo Awoowgiis dumarka ula macaamilayeen in uu kuula dhaqmo.
- Iga aamus. Taasi waa habaar. Intii aan nin noocaas ah guursan lahaa, waxaa ii dhaanta aniga oo iska duqooba. 
- Carruurta ayaga ka warran? Ma jeceshahay in aad carruur badan dhasho.
- Alla mayooy! Haygu oran, hal ama labo ayaa iga badan. 

Waxa ay waydiisay in uu jecel yahay carruur badan iyo inkale. Sidii ay filaysay ayuu noqday. Wiil walba oo soomaali ah, waxa uu rabaa in uu dhalo carruur faro badan sababtana ma yaqaan. Waxa ay kula kaftantay, ma waxa aad rabtaa in aad soomaalida badiso oo aad amxaarada kula tartantaan in aydaan qowmiyad ahaan ka yarayn. 

Habeenkii ayaa dumay. Jigjiga waxa ay caan ku tahay in fiidkii laga seexdo. 8da fiidnimo ayaa dadku u xaroodaan sidii ari mooro lagu oodayo. 

Jidka Jibiriga oo cidlo ah ayay soo lugeeyeen. Ayaga oo wadada maraya ayaa waxaa kusoo beegmatay meel dhiiqo ah. Lugta ayuu inta dheereeyay ka tallaabsaday. Ayada waxa ay ula muuqatay in aysan sidaa samayn karin. Gacanta ayuu usoo taagay si'ay u qabsato oo ugu taagsato. Gacmahooda ayaa markii koowaad istaabtay. Sidii indhuhu u lahaayeen saamaynta wayn si le'eg ayay u dareentay in xagiisa wax ka awood wayni u jiidayaan. 

Cabbaar kahor intii ay fadhiyeen maqaaxida ayuu u sheegay in uu qof ay isfahmaan xiriir la leeyahay. Ayaduna waxa ay u sheegtay in ay wiil ay is calmadeen dhankiisa caashaq u jiiday oo ay xiriiir ugub ah la leedahay. Wax walbaa waxa ay qurux badan yihiin marka xuduudi dhex taallo oo aad ogtahay in helidooda lagaa horjoogo. Iska helidooda waa lagu tirin karaa is hanasho la'aanta ay ogyihiin in ay jirto in ay dhadhan wacan u yeelayso. 

Marna habeen dadkoo kala seexday, wadada mala lugaysay qof aad is rabtaan. Qof aad ogtahay in uu dhankaaga u ciiray, si le'eg sida aad dhankiisa ugu liicday? Waa dareen aan la sifayn karin oo kaliya laga ogaan karo garaaca wadnaha. 

Jidka ayay cabitaanno ka qaateen. Dhawr meelood ayay fiiriyeen oo ay rabeen in ay casho ka qaataan. Ma hayno iyo waynu xirnay ayay kusoo idlaadeen. Isku maqnaantoodii waxa ay sababtay in meelihii cunnada badi laga xiro. Ayagoo quustay ayay iska soo tageen. Bajaajle sii hoyanaya ayay soo raaceen. Mid seef la bood ah ayuu ahaaye malaha muraayadda ayuu ka arkay sida ay isugu dhaw yihiin oo ay isu rabaan. 

-Waryaa gabadha miyaad qabtaa?
-War ma qabee adiga maxaa kaa galay?

Qosol ayay is hayn wayday. Isagoo bajaajlihii la murmaya marna la kaftamaya oo leh "Niyow, nin aan shaqaysanayn baad tahay. Dadka bajaajtaada soo raaca, meesha ay rabaan in aad gayso ayuun baa ku khusaysa." 

Waa qosol sida bulshadeennu dadka waardiye uga hayaan. Marka aad u fiirsato waxa aad is oranaysaa malaha shaqadii malaa'igta waaba la boobay. 

Gurigii ayay dib ugu soo noqotay ayada oo faraxsan. U qoslaysa sidii ay habeenkii koowaadba u qoslaysay markii uu guriga Taxiga ku keenay. 

"Waan nabad galay xaafadda, Jawi aad u qurxoon ayaad ii abuurtay. Marna ma illaawi doono la kulankaagii." "Ka badan baad iga mudnayd Nura." 

Ma laga yaabaa in ay galab kale is arkaan? Qaddarka waxba lama aha. 


Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara