Carfoon
Caawa waxa aan galay bohol aan beri hore awday. Waxbaa i damqay oo igu yiri bal dib u eeg kaydka xasuusihiisa. Waran baa wadnaha layga suray dabadeed laygu ligligay oo si jajuub ah dib laygu dhex geeyay god aan beri hore awday.
Waxaa aniga oo ilmaynaya lay dhex dhigay qolkii aan ku kulannay kawdii isbarashadeenna. Waan diiday oo aan is turaanturreeyay, diyaar uma ahayn in aan dib u booqdo halkii aan ka haajiray sannado badan kahor. Waxa aan ugu tagay qolka dhexdiisa naftaydii yarayd, Naftii 17jirka ahayd ee sida ubaxa u carfaysay. İndho rajo ka muuqato ayay igu eegtay. Waxay tiri "Miyaan kala tagnay jacaylkeennii?" İndho quusi ka muuqato ayaan ku eegay dabadeedna ku iri "İsagu jacaylkeenna maahayn, qalbiga ayuu naga jabiyay wuu na khiyaamay oo uu meel cidlo ah nooga dhaqaaqay." "Sidee ayay u dhici kartaa, soo isagii noo ballan qaaday in aan isguursanayno wada noolaanayno dabadeedna nolosha farxadeeda halkaa ku qaadanayno?" Ayay i waydiisay.
Gacmaha ayaan soo qabtay, waxa aan fariisiyay kursi qolka dhexdiisa yaallay. Waxa aan hadal uga bilaabay; "Carfooneey, aad baad u yartahay, waxaa fudud in aad aamminto been walba oo laguu sheego. Waan ku ogahay oo waxa aad u baahan tahay cid kuu sheegta inay ku jeceshahay, cid danayn ku tusta si'aad u dareentid in aad qiimo leedahay oo aad cid uun qalbigeeda ku wayn tahay. Carfooneey dhawr sano kadib waxa aad noqonaysaa naag wax badan og, naag aan lagu gaadi karin jacayl iyo khuraafaad. Naag teeda ku socota oo nolosha samaysa waxa ay ayadu jeceshahay. Naag nimanka nolosheeda ku jiraa aysan maamulin ee ayadu maamusha cidda nolosheeda soo galaysa. Waxa aad noqon doontaa naag aan wax qiimo ah u hayn cidda jecel iyo cidda neceb. Naag muhiimadda ugu wayn siisay nafteeda, baratay jidhkeeda, taqaanna waxa ay jeceshahay iyo waxa ay neceb tahay. Waxa ay samaynayso iyo waxa ay diidayso ay ayada ka go'aan ee uusan go'aamin ninka xiriirka la lihi.
Carfooneey, indhahaaga illin baa ku taagan waxa aad ka baqaysaa in uu kaa tago. Waxa aad ka baqaysaa in aad waydo cid inta ku eegta kuu khushuucda dabadeedna ku tiraahda "Waxaad tahay naagtii ugu quruxda badnayd ee aan bartay" balse oraahdaasi wax micno samaynaya maaha. Naag walba oo hortooda timaadda ayay ku dhahaan adigana wax macno ah kuuma laha. Bilaw akhriska buugaagta, baro cilmiga guud. Noqo naag caqli ku hubaysan. Ka yaabi marka ay jidhkaaga eegaan ayaga oo kugu qiimaynaya kaliya in aad ka kooban tahay Naaso kobocsan oo aan garaad u raacin. Tus in sannadaha uu kaa wayn yahay yihiin wax aan agtaada qiimo ka lahayn. Tus caqli yaridiisa si kasta oo uu isugu haysto inuu garaad ku dheer yahay.
"Sidee ayay waxaasi macquul ku yihiin, dhabtii ma waxa aad i leedahay waan iska illawnay jacaylkiisii horayna waan u soconnay?" "Haa oo waliba waxaa jooga isagii oo aan quusan, isagii oo maalin walba kaa tuugaya isku soo noqosho miyaysan layaab ahayn?" Carfoon ayadoo faraxsan ayaan kasoo tagay, ayadoo aammintay oraahdaydii ayaan albaabkii kasoo baxay. Waxaa layaab ila noqotay sida wax walbaa isku baddaleen, sida noloshu dhawrka dhinac u leedahay. Carfoon waxa aysan ogayn in noloshu safar dheer tahay, safarkaas inta aad ku jirtidna aad la kulmayso caqabado badan balse caqabadahaas sida aad uga baxayso ay adiga ku qusayso oo aysan cid kale masuul kaa ahayn.
Carfoon waa gabadh walba oo aan weli gaarin da'da labaataneeyada una qabta in kuwa hadda nolosheeda ku jiraa kusii jiri doonaan sannado kadib.
Comments
Post a Comment