KULANKOODII: GALABTII KOOWAAD IYO ADDIS-ABABA

 


Waxa ay saacaddu tilmaamaysaa 1-dii duhurnimo. Waa Addis Ababa goobtu. Daqiiqado kahor ayuu roobku qaaday lama se oga xilliga cirku mar labaad hoori doono. 

"Daqiiqado kadib waan kula joogaa ee hoos usoo daa-deg" farriin ah ayaa talefankeeda kusoo dhacday." Ayada oo lebbisan ayay xoogaa sariirta fadhiday, oo waa ay sugaysay goorta uu usoo jawaabayo. 

Waxa ay u baahan tahay dhiirra-naan in aad la kulanto, qof aadan horay u arag. Walibana ku aragto magaalo aad ku cusub tahay, sidoo kalana aadan aqoon luuqadda looga hadlo. Waxaas oo dhan marka la isku daro waxa ay far waawayn oo si fiican u muuqata ku qorayaan horteeda. "GALABTA AMA WAXA AY NOQON MAALIN AAD SAMAYSAY WAX AADAN WALIGAA SAMAYN, AMA WAXA AY NOQON MAALIN AAD KA SHALLAYDO ABID." 

Dhawr jeer oo hore ayay taxaddar aawadii u joojisay kulankaan haddana waa tan oo waa ay dhiirratay galabta. Qolkii ay ku jirtay ayay kasoo baxday ayadoo lebbisan. Si ka bad-badis ah uma ay soo labbisan, ee waxa ay soo qaadatay cambuur madow iyo khamaar u eg, iyo sidoo kale kabo yar oo cirib leh." Aqalka markay kasii baxaysay ayay hooyadeed cod sare ku tiri "Ha soo habsaamin hooy, ma ogi halka aad isu xirxirtaye." 

"Waan imid'e soo deg." Hadda ayay bilaabatay maalinta xiisaheedu. Jaranjarta marka ay kasoo degaysay waxa ay niyadeedu ku lahayd, ka joog hooy ha samayn sidaan. Ha la kulmin Ajnabi aadan aqoon. Way ka dhego adaygtay digniinaha laabteedu u dirayso. Waxa ay dalaq tiri gaari taksi ah oo gurigooda hortiisa taagnaa. Waxaa saaran wiilkii ay sugaysay. Sawirkiisa horay bay uga aragtay baraha bulshada oo ah halka ay iska heleen. Amakaag kuma ay noqon, in uu ashqaraar u yahay sidii uu sawirka u ekaa oo kale. Waa nin dheer oo jidh dhisan leh. Ilko qurux badan oo cad-cad indho waawayn oo marka ay gabadhi eegto ay xishood dhulka eegayso. Nin u eg wax walba oo ay gabadhi jeclaato marka ay gayaankeed raadinayso. Ayaduse gayaan dooni mayn!. 

Markii uu sidaa gaadhigii u dhaqaaqay, ayuu bilaabay in uu af Amharic kula sheekaysto ninkii darawalka ahaa. Qalbigaa laba jeer dhaqaaqay, "NAA MAANTA AYAAD GO'DAY" ayay niyadda iska tiri. Ma taqaan in ay wax normal ah ka sheekaynayaan iyo in ay dabin u dhigayaan toonna. Wax walba waxaa saarnaa caad illaa iyo inta dayaxu ka iftiiminayo. Walaasheed ayay whatsapp ka uga share garaysay location keeda. Lambarka ninka ay raacday iyo sawirkiisa. Inta ay ku qososhay ayay usoo qortay, wax aad ka baqaysid maxaad u raacday. Ma fahmi kartide adigu halkaa iga daawo ayay si kaftan ah ugu tiri. 

Waxa ay ka dhaqaaqeen xaafadda Bole-Michael, xooga markii uu sii socday taksigii ayay hor istaageen goob Canjeelo xabashida lagu iibiyo. Waa maqaaxi qurux badan. Markii ay sii galaysay ayay boorka magacu ku qornaa jalleecday. Azmera Ashuro ayay indhaheedu qabteen. Music aad codkiisu u sarreeyo ayaa ka daarnaa goobta. Dadku waxa ay ku fadhiyeen gambarro gaagaaban, jawiguna waxa uu u ekaa mid qurux badan.

Gudaha ayay sii galeen. Waa markii koowaad ee ay is hor fariistaan. Indhaha ayuu indhaha u saaray, kadibna dhawr su'aalood oo kaftan u badan ayuu waydiiyay. Waxa ay bilawday in ay xasilooni dareento. Ma muusigaa, ma canjeelo xabashidaa, mise labadaas oo ay jacayl ba'an u qabtay ayaa laabteeda qaboojiyay. Indhihiisa waxa ay ka akhrisatay in ay yihiin kuwo aan dhib wadin. Yaa Salaam! Sidee ayay Tani ku dhacday ayay laabteeda waydiisay. 

Kabalyeerigii baa soo dul istaagay. Waxa uu waydiiyay cunno nooca ay rabaan. Dabadeed wiilkii oo ay indhihiisa ku maqnayd ayaa  ku yiri "Noocee ayaad jeceshahay canjeelada ayuu ku yiri kabalyeerigu?" :Ma garanyo. Wax walba oo aan hilib lahayn." Mid isku dhex jir ah ayuu u dalbay. 

Intii cuntadu u imaanaysay, waxa ay galeen jawi isbarasho ah. Haa isbarasho. Aqoonta ka dhaxaysaa wayba koobnayd mise ma koobnayne maba ay jirin. Isla daqiiqaddaas ayay dareentay in si'aad qof isu fahantaan, aysan u baahnayn in aad waligiin is taqaanneen ee ay u baahan tahay in kaliya (Vibe) kiinnu is keeno oo aad noqotaan labo qof oo waxyaabo badani mideeyaan. 

Ma jiro dareen dunida ka qurux badan, marka uu ku horfadhiyo qof aad si'uun uga heshay, aad u khushuucday muuqaalkiisa dabadeedna dabcigiisa, iyo adduun araggiisu ku deeeqo. 
Cuntadii ayaa u timid. Inta ay cunayeen, saacaddu waxa ay la ahayd dhankeeda mid xoog u cararaysa. Waxa ay rabtay in ay jawigaas ku jirto intii macquul ah oo aysan si fudud uga dhex bixin. 

"Cuntada dhammayso, ha taataabane mise anaad iga xishoonaysaa?" Ayuu isaga oo dhoola-caddayna ku yiri. Afka oo ay gacanta kasoo celisay, ayay inta saxanka dul dhigtay, inyar sugtay inta ay liqaysay. Markii ay liqday ayay ayaduna si kaftan ah u tiri. "Cunto wax laga xishoodo maaha. Anjerana ha ba sheegin."

Dhanka maqalka lacag bixinta ayuu aaday. Ayaduna suuliga dumarka ayay usoo dhaqaaqday. Waxa ay si niyad ah nafteeda ugu tiri "Illaa hadda jawigu aad buu u qurux badan yahay. Dhabtii waxaan rajaynayaa in aanan la kulmin, wax dhibaato ah." Muraayadda ayay isku sii eegtay, ayadoo dhoola-caddaynaysa. Maalmahaan ma ay dhoola-caddayn, arrimo shakhsi ah oo haystay aawadeed.

Way baxeen. Irridka marka ay marayeen ayuu waydiiyay sida ay lugta isku yihiin. Waan jeclahay, mana jiraan wax aan ku doorsanayo in aan ku dhex lugeeyo Addis Ababa. 

Jawigu wuxuu ahaa neecaw qabow, oo nafta buuqsan xataa xasilooni nafsiyan ah ku beeraysa. 
Dhawr daqiiqo kadib, waxa ay soo galeen Mall ka Warka Tower. Aad buu u qurux badanaa. Waxa ay koreen jaranjarta, waxa ay fariisteen maqaaxi coffeega lagu sameeyo, oo ku taallay dabakha labaad. 

Dhinaca darbiga ayay fariisteen, oo biyo dhulka kasoo dhacayaa darbiga ku daadanayeen. Shanqar qurux badan ayay samaynayeen. Waa meel ku habboon labo qof oo iska helay. Wada sheekaysi aan xadaysnayn ayay bilaabeen. Hadba mawduuc ayay ka sheekaysteen. Isku caajisi mayaan, saacaddu waxa ay ku socotaa xawaare aan la celin karin. 

Jacaylkooda buugta ayay ka sheekaysteen. Wuxuu u sheegay, buug kamid ah buugta uu ugu jecelyahay oo uu beryahaas akhrinayay. 

THE LEADER WHO HAD NO TITLE ma akhrisay ayuu waydiiyay. Maya muxuu ku saabsan yahay. Halkaas ayuu ka bilaabay ka sheekaynta sheekada buugga. Qof yaqaan waxa uu ka hadlayo, ayay ayadu u arkaysay isaga. Isna waxa ay lahayd qof degganaani ka muuqato oo uusan ayada oo kale dhawaanahaan arag. 

Way soo kaceen, ayadu ma taqaan halka uu u wado, isagana kalsooni baa ka muuqata. Hadba meesha uu gaynayo isaga oo aan ka fakarin ayuu oranayaa, INA WAD. 

Roob khafiif ah ayaa soo daatay. Dhulku markii horaba dhiiqo dhiiqo ayay meelaha qaar lahaayeen. Kabo aan ku habboonayn oo cirib lehna way qabtay. Waxa ay ku leexdeen Kafateeriyada Tommoca. Miiska istaagga ah ee qaxwaha lagu cabbo ayay istaagtay, isaguna waxa uu waydiiyay waxa ay rabto. Machiatto ayay u sheegtay. Daqiiqado kadib waxa uu lasoo istaagay, isagoo labadii qaxwe wada. 

Jawigaan sidee ayuu ku bilawday. Riyo miyaa mise waad soo jeeddaa ayay hadba hoosta iska waydiisaa. Qof nolosha xiiso fiican u qaba marka aad la kulanto, adigana wax walba xiiso ayay kuu yeelanayaan. 

Markay kafeegii dhammaysteen ayay soo baxeen. Taksi ayay soo raaceen waxa uu ku yiri na gee FRIENDSHIP SQUARE PARK. Intii ay taksiga saarnaayeen, way aammusnayd. Halkii ay u socdeen ayay yimaadeen. Waa meel aad u qurux badan oo aan hadal lagu koobi karin. Ku fiican ku lugaynta, sawir galista iyo in aad inta fariisato iska daawato dunidaas quruxdeeda. Dad aroos ah oo sawirro galaya. Ciyaal iyo Qoyskood dalxiisaya. Qosol iyo farxad ayaa dhinaca aad eegtaba kaa qabanaysa. Haddii ay macquul tahay in wax aan noole ahayn la jeclaado, goobtaas ayay jacayl u qaadday. 

Juice bay sii qaateen. Way iska lugeeyeen. Wali caqligeeda way gali la'ayd sida ay wax noqdeen. Baqdintii baa ka suushay. Shaki warkiis haba sheegin. Wax badan bay ka sheekaysteen. Dunida iyo aragtiyaheeda. Diinta iyo Iimaanka. Wax walba oo ay is lahaayeen ka sheekaysta.  Qorraxdii baa cabbaar kahor dhacday. Fiid bay noqotay.

Taleefankeeda ayay hadba eegtaaa. Hooyadeed baa kumanaan jeer soo wacaysay, Kama se ay qabanayn oo ma ay rabin in ay jawiga quruxda badan khaladdo. 

Waan baxaynaa ayay tiri. Wuu ajiibay. Bannaanka ayay Taksi kasoo qaateen oo ay usoo jahaysteen dhanka xaafadeeda. Hadda ayay cabsidii soo laabatay. Ka warran haddii wax dhacaan. Ayada baqdeenta u wayni waxa ay ahayd, sida ay isaga iyo darawaladu iskula sheekaysanayeen. Sida uu Amharic faseex ah ugu hadlayay. Jawigii quruxda badnaa uma qalmo, in aad (Overthinking) ku qarribtid. 

Albaabkii gurigii ay hooyadeed deganayd ayaa lasoo istaagay. "Habeen wanaagsan Nura. Jawi aad u qurxoon ayaan kula qaatay. Waxaan rajaynayaa in aan markale kulanno ayuu ku yiri, ayadoo kasii dagaysa gaariga." Inta ay u dhoola-caddaysay ayay inta aysan hadlin qalbiga iska tiri. "Aaad baan u baqay, lakin wuu u qalmay habeenku wax khatar loo galo." 

"Waad mahadsan tahay. Aniguba aad baan uga helay jawiga aan kula qaatay, waan jeclaan lahaa in aan mar labaad kulanno." 

Ayadoo aan joojin karin dhoola-caddaynta ayay albaabka garaacday. Hooyadeed oo xanaaqsan baa ka furtay oo ku canaanatay sababta ay taleefanka uga qaban wayday. Ma arkayn hooyo ayay inta tiri qolkay seexan jirtay sii gashay. Alla muxuu habeen qurxoon ahaa inta ay tiri oo sariirta jeego iskugu tuurtay ayadoo dharkeedii qabta ayay taleefankeedii furtay oo ay bilawday in ay farriin qoraaleed u qorto.

"Waxa aan galay guriga. Maanta maalin aad u qurux badan ayay ahayd. Adiga ayaana ku mahadsan runtii. I can't forget what the day, the vibe, and the feeling looked like🥰."

La soco GALABTii 2AAd iyo magaalo kale

FG: Khataraha qaar uma qalmaan in la galo. Qaarkoodna waxa ay ku siinayaan xasuuso qurux badan. Marwalba feejignow. 


Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara