LAMA-HELAAN Q: 4aad



LAMA-HELAAN Q: 4AAD

Jacaylku waa janno looga nasto qaxarka iyo dhibaatada adduunka bay dhahaan. Waxa ay dhalinyaradu, isku maaweeliyaan in si kasta oo noloshu kuugu adag tahay, haddii aad haysato qof ku jecel, aysan nolosha waxba kaa dhinnayn. 

Dhalinyaradaas Kamaal kamid maaha. Waxa uu si adag u aamminsan yahay in Lacagta iyo Quruxdu tahay furaha dunida. In aysan waxba kaa dhinnayn haddaad labadaas Midkood hesho. Kaba wanaagsan haddii aad isku hesho. Waxa uu caqligiisa ka dhaadhiciyay isaga oo aad u da' yar in dunida uusan waayi Karin wax uu u baahday. Lacagtii faraha badnayd ee Aabbihiis uga dhintay ayaa sabab u ah in uu nolol noocaas ah ku barbaaro ayaa la oran karaa. Dadku waxa ay badanaa is xasuusiyaan in uusan jiri karin qof dhammays ah. Kamaal marka aad aragto se arrintaas waad beenaysanaysaa. Magicii hooyadiis ugu walqashay ayaa saadaal wacan u noqday ayaa la oran karaa. 

Xilli ay casar liiq tahay, ayuu isaga oo galabta hurdada ku daahay gaarigiisii soo qaatay. Heeso qaraami ah ayaa u shidnaa, jawigiisuna waa uu qurux badnaa. Saaxiibtiis Salma oo caawa la ballansanayd ayuu farriin gaaban u qoray; "Gacaliso, Caawa waa annagii ballansanayn mase awoodo oo hawl baa igu soo baxday." Taleefankiisii ayuu xiray. Maba uu sugin jawaabteeda waa uu ogyahay in aysan oranayn wax aan ahayn, "Waayahay Mcn" 

Isagu ma yaqaan sababta uu u joojiyay kulankeeda caawa. Qorshe gooni ah ma uu laha. Waxa uu gaarigii xoogaa magaalada ku dhex wareegaba waxa uu tagay X Goob wax akhris oo uu galbaha qaar booqdo. Kursi bannaan ayuu fariistay inta uu gaarigiisa kala soo baxay buug shirka hore u saarnaa. Koob qaxwe ah oo madow ayuu dalbaday. Waxa uu galay jawi uusan waayahaan galin. Xasuuso ayaa qalbigiisa is jiiray. Waxa uu dib u daawaday gabdho badan oo uusan maanta meel ay dunida ka joogaan uusan aqoon markii uu jacaylkooda ku dhacayay. Sidii uu waqti u galiyay in ay dhankiisa noqdaan iyo sidii uu cidlo ugaga dhaqaaqay. Wuu isku qoslay marna isla yaabay. Wax uu naftiisa ku tilmaamo ayuu garan waayay. Maxaa kaa khaldan ayuu dhawr jeer is waydiiyay. In uu isbeddel u baahan yahay buu is xasuusiyay. Maxaan baddalaa ayuu is waydiiyay.  Waxa uu haysto wax uu ku qanacsan yahay in aysan jirin buu is xasuusiyay.  In uu kaco ayuu u holladay. Buugii ayuu isku laabay. Hortiisa markuu eegay mise Kaafiya ayaa buug caafimaad ku saabsan hortiisa la fadhida. Wuu yaabay oo is yiri sidee ayaadan markii hore u arag. Waxa uu damcay in uu u tago oo uu wada hadal la furo. Kibirkiisa ayaa u diiday. Markii uu kacayay ayuu si ku talo gal ah buugiisii dhulka ugu tuuray. Ujeedku waxa uu ahaa in ay soo eegto. Nasiib xumo ma ay soo eegin oo waxa ay u muuqatay in aysan dan ka lahayn. Isaga oo dareemaya in uu markii koowaad dareemay daciifnimo ah in uusan hadafkiisa gaari karin ayuu gaarigiisii soo galay.

Dhanka kale kaafiya oo daawanaysay illaa iyo markii uu soo galay, hoosta kala socotay buugga uu akhrinayo iyo qaxwaha uu dalbaday noociisa ayaa qalbigeeda kula faqday. "Kaafiya maxaa kaa khaldan? Maxaa indhahaaga u mooddaa maanta kuwo meel khaldan eegaya." Markii uu sii kacayay ayay nafta u sheegtay ma eegtaa dhankiisa oo ma u qososhaa si hadal yari uga furmo meesha, haddana isla waynida ay nafteeda ku ababisay ayaa u diiday. Ayada oo maqlaysa shanqarta bixitaankiisa ayay is moogaysiisay. Marka ay ka yaabtay sida maskaxdeedu ninkaan ugu maqan tahay ayay nafta ku cadaadisay in ay xasuusato in ay xiriir dhammays ah leedahay. In uu jiro wiil dunida kaligeed ka eegta. Nin ay boqorad u tahay oo agtiisa aysan maalinna ku dareemin in wax ka dhiman yihiin. Waxa ay si adag ugu doodday in ay dambi wayn tahay in ayada oo haysata jacayl barakaysan dhib iyo qaxar ka fog ay u hanqal taagto nin ay ogtahay in uu haysto naag ka qurux badan, ka labbis fiican kana haybad wanaagsan. 

Labadoodiiba isaga oo mid walbaa dhankiisa nafta ula dagaalamayo ayay guryahoodii u kala hoydeen. Kaafiya hadafkeeda koowaad waa in ay nafteeda ku qancisaa jacaylka dhammayska ah ee ay haysato kana ilaaliso dhaawac soo gaara. Kamaal hadafkiisu waa in uu is baddalo, waa in uu helo gabadh uu jecel yahay oo ku dego. In uu iska daayo istustuska iyo faanka aan macnaha ugu fadhin. In uu Quruxda, Caqliga iyo maalka ilaahay siiyay uu uga faa'iidaysto sida ugu habboon. Waxa uu ku celcelinayay in la gaaray waqtigii uu heli lahaa nolol xasiloon oo uu ku nasto. 

Salma ayadu waxa ay rajaynaysaa in uu dhawaan guur usoo bandhigi doono. Lacag la'aani ma hayso oo waa ay ogtahay. Shaqo fiican buu hayaa oo waa xilligii ugu habboonaa oo uu guursan lahaa ayay nafta kula sheekaysataa. Maalin walba waxa ay aaddaa Saloon waxa ay soo marsataa Cillaan qurux badan ayada oo is leh isnaashnaashkaagu bal farriin ha u noqdo. Go'aan bay meel dhigatay. Bil gudahood haddii uusan guur igu waydiisan aniga ayaa waydiisanaya ayay hoosta ka xarriiqday. 

C/Kariim habeen iyo maalin waa uu shaqeeyaa. Hadafkiisa koowaad waa in uu helo lacag ku filan oo uu Kaafiya ku doonto meelna ku dajiyo. Weli guur ma uu waydiisan waxa uuse ku hanwayn yahay in aysan diidi doonin haddii uu isagu dhaqaale ahaan diyaar noqdo. Jacayl xadka dhaafay ayuu u hayaa ayada, oo waxa uu xilli walba ka walwalaa ammaa lagaaga hormaraa oo nin diyaar u ahi guur u bandhigaa adiguna aad sidaas ku hungowdaa.

Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara