ANIGA IYO QABYAALADDA
Muhiimadda qabiilku waxa ay ahayd waxa ugu yar ee aan aqaanno. Sababo badan oo isbiirsaday awgood iima suurtagalin in naftaydu ku baraarugto heerka qabyaaladdu ka gaarsiisan tahay bulshada dhexdeeda. Su'aasha ugu yar ee aan waligay qof waydiiyay waxa ay ahayd qabiilkee tahay? Uma arkayn muhiim in aan ogaado qofka qabiilkiisa, waxaa wax walba igala muhiimsanaa aniga iyo qofkaan maxaan isku fahmi karnaa. Markii aan yaraa ee aan dugsiga dhiganayay waxa aan saaxiib la ahaa, cid walba ee fasalka aan is sheeko fahanno. Markii aan soo waynaaday ee aan shukaansi bilaabay, waxa aan la sheekaysan jiray ciddii aan u arko in aan isku waddo u soconno. Caqligaygu waxa uu aaminsanaa sidee ayaad qof dhan ugu qiimayn kartaa qabiilkiisa isaga oo leh kumanaan shay oo ka muhiimsan.
Aniga oo aan sidii ugu baraarugin ayaan kasoo tagay dalkii aniga oo aan wali indhaha ku kala qaadin illaa iyo inta ay muhiim u tahay qofka soomaaliga ah in uu ugu yaraan ku baraarugsan yahay in qabiilku yahay cunsur muhiim ah marka la eegayo nolosha qofka soomaaliga ah. Aniga oo aad u yar ayaan bilaabay wax akhriska. Waxa aan akhrin jiray buugaag aad u kala duwan, ay qoreen qoraayaal kala jinsiyad ah. Taasi waxa ay sii adkaysay fikirkaygii ahaa qofka waxaa qeexa qofnimadiisa muhiim maaha xataa dalka uu kasoo jeedo ugu dambayn kulligeen bini'aadam ayaan nahay.
Waxaa jirta oraah Caan ah oo tiraahda "Waa doqonimo haddii aad libaaxa ka filato in uusan ku cunayn madama aadan adigu cunin." Anigu doqonimadaas baan ku dhacay. Waxa ay ila ahayd in madama aanan anigu qabyaalad iyo qabiil aaminsanayn aanan waxba iiga xirnayn arrimahaas. Intii aan waxbarashada u joogay dalkaan dhawr dhacdo oo kala duwan ayaan la kulmay, oo xiriir la leh isla qabiilkaas aanan anigu aaminsanayn. Dabadeed waxa aan bilaabay in aanan dhalinyarada soomaalidaba wax wayn ku darsan ee aan anigu kali socod ahaado, wax la qeybsado dhawrka qof ee aan is fahanno.
Baraha bulshada waxa aan ku arki jiray dhalinyaro aan qabiil ahaan wadaagno, balse aad ugu mashquulsan arrimahaas. Markasta oo aan qoraaladooda arko inta ku qoslo ayaan ka gudbi jiray. Dabadeed Fasaxii dhawayd ayaan waddankii tagay. Waxa aan la kulmay xaqiiqadu waxa ay tahay.
Dhacdadii koowaad oo aan la kulmay, waxa ay ahayd mar aan waaxda Socdaalka damcay ka cusboonaysiiso baasaboorka oo iga dhacayay. Oday meesha joogay inta uu baasaboorkayga fiiriyay ayuu waxa uu arkay magaalada meesha dhalashada iigu qoran oo ka fogayd deegaanka aan rabay in aan ka cusboonaysiisto. Waji diidmo ka muuqato ayuu inta igu eegay hadal aan anshax ahaan wanaagsanayn oo dhibsi u eg igu yiri "Adeer orod cid ku taqaanna keenso, ama deegaankiinnii ka cusboonaysiiso." Dibadda inta u baxay ayaan wacday wiil aan garanayy. Wuu ii yimid oo uu toban daqiiqo iigu dhammeeyay arrintii. Odaygii intuu u eegay ayuu wiilkii waydiiyay, "Miyaad garanaysaa oo adaa masuul ka ah?" "Haa. Oo waa ina adeertay."
Dhacdadaasi indhaha ayay ii furtay. Inkasta oo ay jireen dhacdooyin ka horreeyay oo ay mudnayd in aan wax ku qaato haddana taas ayaa noqotay in aan si wayn ugu baraarugo in qabiilkaagu yahay furahaaaga nolosha maanta Soomaaliya ka jirta.
Magaalooyin badan oo dalka kamid ah ayaan tagay. Marka aad joogtid magaalo aad deegaan ahaan dadka deggan isku qabiil tihiin, waxa aad dareemaysaa Amni. In haddii wax ku gaaraan aadan meeshaan Koyto ku ahayn ee aad xaqaaga helayso. Runtii waa xaqiiqo kharaar oo mudan in aan la iska indho tirin.
Waxa aan iri "Qabiilkaagu waa caymiskaaga, hadba inta awoodoodu le'eg tahay ayay ku xiran tahay tayada noloshaadu."
Waxa aan rajaynayaa in aan xaqiiqadaan kharaar ka baxno, oo qofka Soomaaliga ahi uu meel walba oo dhulka soomaalida kamid ah xorriyad iyo sinnaan ku dareemo. Inta ka horraysana ku baraarugsanow awoodda qabyaaladda oo ha noqon maskiin dadka kale ka filaya in aysan qabyaaladayn doonin, madama uu isagu qabyaalad ka maran yahay.
absolutely 💯 Dhalinyarada soomaliyeyd maanta dhamaantooda weey iska indho tirayaan baabka qabiilka dhan iyagoo u heesta Wax yar Lkn xaqiiqdaa waxay tahay Inta uu la ekyahy Awooda qabiilka ayeeynan ogeyn.mahadsanid Faduma Alimad💕
ReplyDelete