WAXA UU YIRI





Waxa uu yiri hubka dhig, oo adiga oo aan difaac igaga jirin soo dhawoow. Soo dhawoow oo jacaylkayga diirrimaadkiisa dareen.
 Waxa ay ahayd go'aan khatar leh. Waxa ay ahayd khatar aan ku heli karo, jacaylkii ugu dhadhanka wacnaa, ama kii ugu saamaynta xumaa. Labada ka ay noqotaba aniga waxa ay ila ahayd baqdin. Haddii aan jacaylkiisa ku dhaco oo uu i guursado, waxa aan noqonayaa naag guursatay nin ay si waalli ah u jeceshahay taasna lama ammaanayn, oo qisooyinka dumarka dhibaatooday badi halkaas ayay ka bilaabmaan. Haddii aan jacaylkiisa waayo oo aan guuldarraystana waxa uu qalbigayga ku yeelan saamayn sababi karta in ay i dhaafiso la kulanka ninka carruurtayda u noqon lahaa Aabbaha ugu wanaagsan. Waan fakaray oo aan kumanaan jeer is waydiiyay sida noloshaydu noqon karto haddii aan qalbigayga adeegsado. 

Waxa uu markale i yiri Kontoroolka noloshaada hal daqiiqo oo kaliya aniga igu wareeji. Dareen dhadhanka ay leedahay marka cid kale adiga kuu fakarayso, ay ku xanaanaynayso oo aad dareemaysid in aad ku jirto ammaanka nin ku jecel, ku doonaya oo raba in uu naftaada dareensiiyo in tiisu u abuuran tahay in uu adiga kaa farxiyo. Waan baqay oo aan ka baqay waxa aan dareemi doono marka aan xakamaha naftayda cid kale u dhiibo. Hadda oo aan anigu isu ahay wax walba, waxa aan ogahay in aan anigu naftayda u qabtay wixii aan awooday, waxa aanan awoodinna aan u qaban doono maalin kale, balse marka aan barto daryeelka nin berri tagi doona halkee ayay ku dambaynaysaa kalsoonidaydu. 

Waxa uu yiri, haddii aad jacaylkayga aqbasho oo aad i jeclaato adiga oo aan digniin ku jirin, waxa aad helaysaa jaanis aad ku dareento mucjisada abuurkeenna. Waxa aad helaysaa farxad ama murugo dhammaystiran. Haddii aad nolosha wax walba xumaan sii niyaysato oo aad aaminto anigu in aan maalin uun kaa tagayo, adiga oo aan hubin tagitaankayga ayaad luminaysaa macnaha la joogitaankayga. Waxa ay ila ahayd arrin aan la aqbali karin. Waxa ay ila ahayd in aysan mudnayn in halista intaa le'eg loo galo jacayl dartiis, oo qalbigaaga qof kale farta laga saaro filasho la'aan. 

Waxa uu yiri, waxa aan filayaa in aan kugu qanciyo in noloshu macno badan tahay marka aan waardiye lagu jirin in ay iga qaadanayso inta cimrigayga ka dhiman. Waan doorbiday oo jeclaaday in aan kugula noolaado nolol dhammays ah leh murugo iyo farxad, jacayl iyo nacayb wax walba oo lammaane wada joogaa wada qaybsadaan diyaarse uma tihid oo in aad jacayl ku noolaato ayaa kaala khatar badan in aad jacayl la'aan noolaato. Waxa ay ila ahayd in aanan dhimanayn jacayl la'aan lakin aan dhimashada doorbidayo haddii aan naftayda qof kale marti uga ahaado. 


*Qof wax jecel xor maaha. Farxadaada iyo murugadaadu waxa ay ku xiran tahay hadba qofka aad qalbigaaga siisay sida uu kuu noqdo. Aniga aragtidayda halmar ayaa jacayl dhadhankiis lagu noolaan karaa, waana marka labada qof si is le'eg isu caashaqsan yihiin. Bal adna aragtidaada?


Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara