Posts

Raganimadu Da’ Kuma Xirna

Image
  Xalay waxa aan xilli dambe ka raacay bajaaj maqaaxi aan joogay horteeda. Markaan bajaajtii fuulay ayaan arkay in uu ilmo aad u yar yahay. “İntee in le’eg ayaad bajaajta waday” ayaan waydiiyay. Sannad ayuu iigu jawaabay. Aniga oo aan hadlin ayuu ii sii raacshay in uusan joogto u wadin oo uu subixii iskuul dhigto. Fasalka sideedaad in uu yahay 15 sanana jiro ayuu ii sheegay. Wax yar haddii aan sii soconnay, waxa aan ku naxnay in wadadii xiran tahay. Xamarwayne ayaan u socday. Waxa uu iga wareejiyay dhanka Xamar jajab halkii marka aan tagnay haddana wadadii dhankaasna waa ka xiran tahay. İntuu isoo eegay ayuu yiri “Halkaan in aad ku dagtid ma ahane meel kale oo la maro ma leh.” Xoogaa ayaan istaagnay goobtii. Taleefan ayaan qof asxaabtayda ah oo wadada kala yaqaannay ku wacay. Wuxuu ii sheegay in aan gadaal u laabanno, howl wadaag dhanka bakaaraha ka baxno kadibna aan geeskaas ka soo galno ma ahane in uusan xal kale jirin. Sidii ayaan yeelnay isaga oo aan wax diidmo ah ka muujin. İn...

Xirfado Anfacaya Dhalinyarada 20-30 ka ku jira

Image
Xirfado Anfacaya Dhalinyarada 20-30 ka ku jirta.  1. Baro sida dareemahaaga loo xakameeyo, iyo sida dadka kale dareenkooda loo fahmo. Haddii aad waqti ku bixisid in aad baratid xirfadda (Emotional Intelligence) wax badan ayaa iska baddalaya noloshaada shaqo, tan xiriir iyo tan la tacaamulka dadka ku gu xeeran.  Tusaale Video YouTube ah jaamacadda Yale oo hal saac soconaya wax badanna kuu faa’iidaynaya;  Emotional Inteligence Yale University Lecture 2. Baro sida loo qoro, loona soo gudbiyo aragtiyaahaaga oo cad. Sidoo kale waqti gali in uu fagaare ka hadalkaagu (Public Speaking) wanaagsanaado. Khasab maaha inaa dhammays ku ahaatid balse waa in aad aragtiyaahaga iyo waxa aad rabtid in ay dadka gaaraan u soo gudbin kartid sida aad rabtid.  Tusaale Video YouTube ah;  Public Speaking Training 3. Communication Skills kaaga hagaaji. Haddii xirfaddaani kuu hagaagto waxaa fudud in aad dadka si fudud isu fahantaan, in aragtiyaha aad qabtid si fudud kuugu hirgalaan sidoo k...

Finding Ola: Baadigoobkii Cula

Image
 Finding Ola: Baadigoobkii Cula Waa musalsal masri ah oo ka kooban 12 xalqadood Netflix na ku jira.  Waa sheeko dhammaystiran oo macnayaal badan leh. Marka la ga tago macnaha guud oo madadaalo ah waxa uu cashar indho furasho ah u yahay hooyo kasta oo nolosheeda guurka iyo guriga ku koobta. Waxa ay ugu magac dareen “Finding Ola” ama “Baadigoobkii Cula” magaca asalka ahna waa "البحث عن علا" inkastoo aan dib ka ogaaday in sheekada musalsalkani ay daba socoto mid kale oo la dhaho “I wanna Marry” kaas ayaa horreeya oo waxa uu ku saabsan yahay sida Cula ay noloshaan ku gashay.  Cula waxa ay ku nooshahay nolosha gabdho badan oo soomaali ah ku nool yihiin. Ninkeeda ayaa ka joojiyay shaqada guurka kadib, laba carruur ah ayaa u joogta oo iskuulka dhigta waxa ay isku dhex wadaa dhex cararka noloshaas buuq iyo qaylo, degenaan la’aan joogto ah. Dhawrka daqiiqo ee musalsalka u horreeya waxa aad ku baraarugaysaa sida ay buuq ugu nooshahay. Badanaa haddaa u fiirsatid hooyooyinka gudaha w...

Happy Mother’s Day

Image
 Waxa aan eegay taariikhda waxa aan xasuustay in ay maanta tahay, maalinta ay ugu yeeraan Maalinta Hooyada. Waan yaabay, oo aan haddana qoslay. Miyay hooyo u qalantaa hal maalin oo kaliya? Hase ahaatee waxaad mudan tahay in maalin walba la gu xasuusto oo jacaylkaaga waynankiisa loo dabaal dago.  Waligaa arki maysid hooyo oo muujinaysa daal. Adiga ayay ku garab taagan tahay marwalba. Riyooyinkaaga ayay u joojisay kuweeda. Xanuun ma dareento ayadu haddii aad adigu qandhan tahay. Waxa ay wax walba u illowdaa in ay adiga ku farxad galiso oo aadan ciil iyo caro dareemin.  Maalmaha aan aniga xasuustayda ka go’in waxaa kamid ah, maalin uu aniga dhaawac iga soo gaaray gacanta midig. Mindi ayaa si kadis ah iigu dhacday oo i kala dhanbashay jidhka iyo maqaarka. Dhiig faro badan ayaa dhulka ku daatay waxa uuna ahaa dhaawac aad u wayn. Hooyaday oo xanuunsan, muddo bil ku dhowna aan sariirta ka kicin, oo suuliga xataa la geeyo ayaa bannaanka ka maqashay codka qaylada carruurta oo ku q...

Xijaab Soo Xiro

Image
“Naa ma asturnide gadaal u laabo” ayaa dhagahayga ku soo dhacday markii aan damcay in aan galo albaabka Masjidka Cali Jimcaale. Saacaddu waxa ay ahayd cawa 6:54pm Ujeedkaygu waxa uu ahaa in aan Beydan Coffee ka soo qaato Xoogaa jawigaas furan ku nasto kadibna soo lugeeyo oo intaasi hawo ii noqoto. Aniga oo aad ula yaabay ninka waardiyaha ah hadalkiisa ayaan anigu is hubiyay. Dharkayga ayaan eegay mise waxa aan xiranahay Cabaayad wayn oo jidhkayga oo dhan aysan meelna ka muuqan, iyo khamaar kale oo ka sii wayn. (Waa dharka sawirka hoose ka muuqda).  Aad ayaan ula yaabay caqliga ninkaas waardiyaha ah. Sida guud ee adduunka oo dhani wada yaqaanno meelaha qaar dhar ayaga u gooni ah oo la gu galo (Dress Code) waa ay yeelan karaan. Haddii ay taasi tahay mid jirtana waxa ay xaq u leeyihiin in ay albaabka ku soo dhajiyaan, barahooda bulshadana soo galiyaan.  Aad ayaan u daallanaa, inta badan ee aan u soo lugeeyay iyo hab dhaqan xumada la igula kacay ma ahayn wax isu dhigma. Waxa aan d...

Eating Disorder: Fahamka, Calaamadaha, iyo Sida Looga Gudbo

Image
  Eating Disorder: Fahamka, Calaamadaha, iyo Sida Looga Gudbo Eating disorder ku waa xaalad caafimaad oo saameyn weyn ku leh jirka iyo maskaxda qofka. Waa dhibaato dad badan la kulmaan, balse badanaa la qariyo sababo la xiriira cabsi, ceeb, ama faham la’aan.  Anigu waxaan soo maray xaaladdan, waana garanayaa sida ay u adagtahay in la aqbalo, la fahmo, lagana gudbo. Laakiin waxaan rabaa in aan si cad u sheego:  Eating disorder ku maaha ceeb. Waa xaalad caafimaad oo mudan in si dhab ah loo qaato, loona helo caawimaad. Waxa aan la kulmay gabar dhalinyaro ah, oo ay haysato xaaladdan balse aan ku baraarugsanayn. Si kadis ah ayaan uga sheekaysannay mawduuc la xiriira jirka iyo dharka labbiska nooca ay jeceshahay. Waan dareemay sida ay uga welwelsanayd jirkeeda iyo sida ay uga baqaysay qaabka ay u egtahay. Wadahadalkii wuxuu iga dhigay mid xasuusata wixii aan soo maray, wuxuuna ii muujiyey sida ay dad badan u la tacaalayaan dhibaatooyin isku mid ah iyagoo aan helin caawimaad. In...

Happy Women’s Day

  HAPPY WOMEN’S DAY Waxa uu usoo qoray farriin kooban balse macno wayn xambaarsan. “Happy Women’s Day.” Waxa uu ugu hambalyaynayaa maalinta haweenka, dhoola-caddayn khafiif ah ayaa bushimaheedu xadeen intii ay eegaysay qoraalka. Si deg-deg ah ayay u qarsoontay farxadii yarayd marka ay maskaxdeedu xasuusatay in uu xalay farriin tan lamid ah “Macquul maaha qorshahaan aad ku fakaraysid, lacag iyo waqtiba waa uu ku lumayaa.” ayuu ku yiri mar ay la wadaagtay mid kamid ah riyooyinkeeda u waawayn.  Taleefankii ayay iska dhigtay, waxa ay usoo baxday bannaanka waxa ay damacday in ay bajaaj u raacdo meel ay u degdegsanayd bajaajlihii ayaa waxa uu u sheegay lacag qaali ah oo aan ahayn tan meesha la gu tago. Haddii ay tiri waxaasi macquul maaha waxa uu si qosol ah u yiri “Daanyeer ma lihid miyaa muxuu yahay gacan adaygu?” Taas ayaa maskaxdeeda ku dhalisay su’aal is waydiin mudan. In aan lacag bixiyo, in aanan gacan adkaan kulli ma waxa ay ku xiran tahay in aan daanyeer haysto? Sifooyi...