Xijaab Soo Xiro
“Naa ma asturnide gadaal u laabo” ayaa dhagahayga ku soo dhacday markii aan damcay in aan galo albaabka Masjidka Cali Jimcaale. Saacaddu waxa ay ahayd cawa 6:54pm Ujeedkaygu waxa uu ahaa in aan Beydan Coffee ka soo qaato Xoogaa jawigaas furan ku nasto kadibna soo lugeeyo oo intaasi hawo ii noqoto. Aniga oo aad ula yaabay ninka waardiyaha ah hadalkiisa ayaan anigu is hubiyay. Dharkayga ayaan eegay mise waxa aan xiranahay Cabaayad wayn oo jidhkayga oo dhan aysan meelna ka muuqan, iyo khamaar kale oo ka sii wayn. (Waa dharka sawirka hoose ka muuqda).
Aad ayaan ula yaabay caqliga ninkaas waardiyaha ah. Sida guud ee adduunka oo dhani wada yaqaanno meelaha qaar dhar ayaga u gooni ah oo la gu galo (Dress Code) waa ay yeelan karaan. Haddii ay taasi tahay mid jirtana waxa ay xaq u leeyihiin in ay albaabka ku soo dhajiyaan, barahooda bulshadana soo galiyaan.
Aad ayaan u daallanaa, inta badan ee aan u soo lugeeyay iyo hab dhaqan xumada la igula kacay ma ahayn wax isu dhigma. Waxa aan damcay in aan si dagan u lahadlo. “Dharkaygu waa asturan yahay, ee ma sabab kale ayaa jirta?” Ayaan waydiiyay. “Xijaab soo xiro, haddaa rabtid in aad gashid!” Ayuu si qaylo ah u yiri. Intii aan taagnaa ayaa waxaa soo istaagtay gabar kale oo ayaduna ay wiilal wada socdeen, iyo gabdho kale. Gaarigii ayay ka soo dagtay gabadhii wiilasha la socotay waxa ay damacday in ay gasho intii uu aniga igu yiri oo kale ayuu si xushmad darro ah ugu yiri. Waa ay isaga soo tagtay kadib ayaa waxaa ka daba yimid wiilashii mid kamid ah oo aan u malaynayo in uu ninka ka soo sasabay.
“Walaalow, anigu masaajidka umaba socdo haddii uu isagu dhar u gooni ah leeyahay. Kafee ayaan Beydan ka rabaa sababta qof Kafee doonaya dharkiisa loogu mashquulana ma taallo ee iga wareeg.” Ayaan si xanaaq ah u iri aniga oo dulqaadku iga sii dhammaanayo.
Nin kale oo waardiye ah oo isna wada hadalkeenna maqlayay ayaa damcay in uu ii fasaxo. “Hadda gal balse mardanbe xijaab la’aan ha i maan.” Ayuu yiri. Kii kale oo hadalkiisa maqlayay ayaa xanaaqay. “Sidee u galin kartaa qof aan anigu diiday?” Ayuu si kulul u yiri. Markaas baan iskaga soo dhaqaaqay.
Qofka soomaaliga ah ee wadaadka ah ku nool wadamada diinaha kala duwan leh, waxa uu rabaa in uu si fudud ugu noolaado, xirtana dharka uu doono. Oo aniga ayaaba taas markhaati ka ah dad badan oo aan aqaanana ay ayaga oo indho shareer qaba ku nool yihiin, wadamo aan la ga haysan wax diin ah anna aniga oo dalkaygii jooga, asturan oo aan cidna ku xadgudbin in la iigu diido in aan goob ganacsi galo, sababo la xiriira dharka aan qabo waxa ay ila tahay, qof walba oo damiir lehna la tahay khalad aan la aqbali karin.
Markii aan guriga imid aniga oo aad u xanaaqsan, daal iyo caro naf la ah ayaan gabar aan asxaab nahay ayaan social media heeda ka arkay in ay maanta ayada oo cambuur qabta joogtay masaajidka. Markiiba waan wacay oo waxa ay ii sheegtay in aysan arag cid la hadashay. Aniga oo yaabban welina is waydiinaya sababta uu ninkaasi iigu diiday in aan galo ayay isla gabadhii isoo wacday. Waxa ay ii sheegtay in aysan cidina u diidin oo ay hadda masjidka joogto. Markiiba waan labbistay oo aan ku laabtay aniga oo isla dharkii qaba. Ujeedkaygu waxa uu ahaa in aan soo xaqiijiyo sababta uu ninkaasi sidaas u yeelay.
8:30pm Waxa aan ku soo laabtay masjidkii, waxaa joogay waardiye aan kii ahayn cidina ilama hadlin ee waxa aan aayar galay qeybta baaritaanka sidaasna qaxwihii aan doonayay ee mudada la ii diidayay ayaan soo helay. Markii aan soo baxay ayaan ninkii waardiyaha ahaa waydiiyay in ay jirto shardi ah in masjidka xijaab la gu yimaado. Waxa uu ii sheegay hadal macno wayn. “Waajibka ilaahay ee ah in la is asturo mid ka badan ma jiro.” Taasi waxa ay caddaynaysaa in aysan jirin sabab markii hore meesha la iigu diido.
Waxaa cad in ninkaas waardiyaha ah uusan ku socon sharci dhagsan oo uu raacayay ee uu niyadiisa wax ku soo dhacay ugu xadgudbay aniga iyo gabdho kale oo uu u diiday daqiiqaddii hore in ay soo galaan goobta. Ee maxaa uga xal ah dadka meesha samaystay?
Comments
Post a Comment