Happy Mother’s Day
Waxa aan eegay taariikhda waxa aan xasuustay in ay maanta tahay, maalinta ay ugu yeeraan Maalinta Hooyada. Waan yaabay, oo aan haddana qoslay. Miyay hooyo u qalantaa hal maalin oo kaliya? Hase ahaatee waxaad mudan tahay in maalin walba la gu xasuusto oo jacaylkaaga waynankiisa loo dabaal dago.
Waligaa arki maysid hooyo oo muujinaysa daal. Adiga ayay ku garab taagan tahay marwalba. Riyooyinkaaga ayay u joojisay kuweeda. Xanuun ma dareento ayadu haddii aad adigu qandhan tahay. Waxa ay wax walba u illowdaa in ay adiga ku farxad galiso oo aadan ciil iyo caro dareemin.
Maalmaha aan aniga xasuustayda ka go’in waxaa kamid ah, maalin uu aniga dhaawac iga soo gaaray gacanta midig. Mindi ayaa si kadis ah iigu dhacday oo i kala dhanbashay jidhka iyo maqaarka. Dhiig faro badan ayaa dhulka ku daatay waxa uuna ahaa dhaawac aad u wayn. Hooyaday oo xanuunsan, muddo bil ku dhowna aan sariirta ka kicin, oo suuliga xataa la geeyo ayaa bannaanka ka maqashay codka qaylada carruurta oo ku qaylinaya “Alla Fadumo gacan baa kala go’day.”
Qolkeeda ayay ka soo carartay, jikada oo aan horteeda taagnaa ayay timid aniga oo dhiig baxaya. Habaryartay oo ahayd qofka mindidu iiga fakatay way qarracantay oo waxa ay garan wayday wax ay samayso. Hooyo ayaa inta gacantii dhiig baxaysay i qabatay, waxa ay iiga duubtay maro baati ah oo ay igu xirxirtay. Illaa gaarigii dhakhtarka i gaynayay la i saarayay ma ay dhaqaaqin. Waxa aan is waydiiyaa awoodda hooyadu ma sidaas ayay u wayn tahay? Daqiiqadda ay maqashay in aniga wax i gaareen miyay illowday xanuunkii ayada hayay ee ay mudada sariirta la saarnayd. Taasi waa mucjisada hooyanimada.
Hooyaday waxa aan ku xasuustaa waxyaabo badan, inkastoo yaraantu dhib badnayd oo marxalado badan aadan dareemayn wanaaga hooyada mararka qaarna aad jacaylkeeda ilaalinta xoogga badan wata aad xumaan u fahmaysid haddana waxa aan ogahay in uusan adduunka joogin ruux leh awoodda hooyada oo kale.
Maalin wanaagsan Hooyo. Jacayl iyo caafimaad ku joog dunida.
Hooyo waa nafta guriga, waa ilayska nolosha, waa qalbi aan daalin. Jacaylkeedu waa mid aan xuduud lahayn, ducadeeduna waa ilaalo joogto ah. Qiimaha hooyo lama qiyaasi karo, waana nimco Illaahay uu ina siiyay❤️
ReplyDelete