Happy Women’s Day

 HAPPY WOMEN’S DAY


Waxa uu usoo qoray farriin kooban balse macno wayn xambaarsan. “Happy Women’s Day.” Waxa uu ugu hambalyaynayaa maalinta haweenka, dhoola-caddayn khafiif ah ayaa bushimaheedu xadeen intii ay eegaysay qoraalka. Si deg-deg ah ayay u qarsoontay farxadii yarayd marka ay maskaxdeedu xasuusatay in uu xalay farriin tan lamid ah “Macquul maaha qorshahaan aad ku fakaraysid, lacag iyo waqtiba waa uu ku lumayaa.” ayuu ku yiri mar ay la wadaagtay mid kamid ah riyooyinkeeda u waawayn. 


Taleefankii ayay iska dhigtay, waxa ay usoo baxday bannaanka waxa ay damacday in ay bajaaj u raacdo meel ay u degdegsanayd bajaajlihii ayaa waxa uu u sheegay lacag qaali ah oo aan ahayn tan meesha la gu tago. Haddii ay tiri waxaasi macquul maaha waxa uu si qosol ah u yiri “Daanyeer ma lihid miyaa muxuu yahay gacan adaygu?” Taas ayaa maskaxdeeda ku dhalisay su’aal is waydiin mudan. In aan lacag bixiyo, in aanan gacan adkaan kulli ma waxa ay ku xiran tahay in aan daanyeer haysto? Sifooyinka xun xun oo bakhaylnimadu u horrayso si’aad uga bad-baadid waa in uu jiro nin lacag ku siiya. Aamusni ayay bajaajtii xigtay ku raacday. 


Waddada ayay isha la raacday mise hooyooyin ayaa cad-ceedda qaad iibinaya. Kuwa kale ayaa meel cabbaar u jirta waxa ay iibinayaan qudaar iyo caano wajiyadooda waxaa ka muuqda daal faro badan. Waxa ay furtay taleefankeeda waxaa ka soo hor baxay, kulan wayn oo ay haweenku qabsadeen looguna magac daray Xuska maalinta haweenka. MAXAA MAALIN HAWEEN AH ayada oo leh ayay gurigeedii tagtay. 


Xoogaa haddii ay qolkeeda ku jirtay, waxa ay dibadda ka maqashay hooyadeed oo canaan dabada u haysa wiil ay dhashay, aamusni ayay ku dhagaysatay ayada oo darbiga ku tiirsan, “Wiilashii aan ku tiir iyo tacab beelay waa kuwaan. Gabdhihii baaba dhaama” hadalkaas ayaa dhagaheeda sidii dhagax ugu soo dhacay. Dhiig un baan ka imaane dhaawac wayn ayuu u gaystay. Waxa uu gundhig u yahay islaantu in ay wiilasha ku tiir iyo tacab beeshay balse gabdhihii aysan wax saas ah ka filayn ay ka macno badanayaan, taas oo qalbi jab u ah hooyada. 


Taleefankeeda ayay fadhiga la fariisatay, waxaa ka soo hor baxay farriiinta wiil Facebook ku soo qoray. DUMARKU WAA KARTI SOCOTA, WAX WALBA OO WANAAG AH AYAY MUDAN YIHIIN. Page kiisa ayay dhex gashay mise waxaa ka buuxa faallooyin iyo qoraallo uu u qoray gabdho meel sare gaaray oo la waraysanayo, balse qoortoodu muuqato. Erayadiisa waxaa kamid ahaa ‘Naag is asturi wayday, maxay soo kordhinaysaa?” 


Maalinta haweenka ayaa meel walba uga soo horbaxaysa, waxa ay is waydiisay ujeedka maalinta haweenku waxa uu ahaa yahayna, waxa ay xasuusatay in ujeedku ahaa  maalin dib loo eego duruufaha dumarka, lana qaabeeyo wixii la tari karo kuwa dulman ee maaha Happy Women’s Day qallalan. 




Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara