Posts

Ha Rajo Dhigin

Waxa aan saarnayn daaqadda qolka, waxa aan  daawanayay sawirka magaaladii aan ku dhashay anigoo isla jeerkaasna isaga indhihiisa eegaya.  Waxa aan sawiranayay sida ay macquul ku tahay in aan dhibaatooyinkaan dunida ka gudubno annagoo aan jacaylkeenna lumin, annagoo kalsoonida aan isku qabno aysan meesha ka bixin. Dadka waawayni waxa ay dhahaan waqtigu waa kan wax walba daweeya, aniga waxa ay ila tahay in uu waqtigu yahay kan dadka is jecel kala kaxeeya, kan ka naxsada kuwa rajo qurxoon mustaqbalka ka sugaya, kan wax walba oo xaqiiqada ka fog balse aan laabteenna ku siraynay meesha ka saara.  Anigoo wajigiisa daawanaya, ayaa waxa aan sawiranayay sida ay macquul ku tahay in aan si nabad ah ugu wada noolaanno magaaladii aan ka nimid ayadoo aan qabiil qabiil la isku dilayn, ayadoo aysan shacabku dowladda iska waardiyaynayn, ayadoo aysan dhalinyaradu tahriib ka fakarayn ee ay qorshaynayaan sidii aan dhulkeenna u beeran lahayn, baddeenna u dheefsan lahayn dunidana annagu asaage...

MUQDISHO WAY I SUGAYSAY

Wax walba waa dhammaadeen. Rajo danbe ma leh, riyo danbe ma leh, macquul maaha dib u laabasho, caqligu yeeli mayo dib u gocosho. Qoraxxdu waxa ay soo baxdaa subaxa si kasta oo uu u wayn yahay iftiinkeeda maalinlaha ah awood uma laha in ay nagaato, in ay la wareegto booska dayaxa. Ugu dambayn waxa ay ku khasban tahay in ay godkeeda u hoyato ayadoo ka xun, ama ku faraxsan ka ay tahayba awood uma lihin in ogaanno ka ay doorbidi lahayd. Anigu sidaas ayaan ahay, si kasta oo aan noloshaada ugu jiray, sifo walba oo aan ku joogay, albaab walba oo aan kasoo galay waxaa timid saacaddaydii tii aan galban lahaa noloshaadana macasalaamayn lahaa. Qorraxdu doorasho ma leh, anigase waad i siin kartay sifo aan ku nagaado, waad ii qoondayn wayday boos aan kaligay leeyahay. Boos aan isku hubo lama yaqaanka ka dhalan karana u bareero.  Waxa aad muujinaysaa murugo, ka qoomamayn iyo in aad ka xun tahay iswaaga haddana far fidin maysid, isku day kiisa ugu yar u huri maysid in aad bad-baadisid wada socosh...

NOOLE ISDIIDDAN

Ninka Soomaaliga ahi waa shakhsiga ugu isburinta badan adduunka. Caqligiisu wax buu rabaa, afkiisa wax taas ka duwan ayuu ka sheegayaa sidoo kale ficilkiisu labadaba waa burinayaa. Maalin walba waxa ay qabtaan shirar ay ku sheegayaan dib u dhiska dalka, afka nabad bay ka rabaan, gacmahana musuq, qabyaalad iyo kala irdhayn ayay kula jiraan. Adduunka ma la arkay waddan dib u dhis ku socdo 33 sano oo aan tallaabo horay u qaadayn? Maya. Waa wax ninka Soomaaliga ah oo kaliya ka suurooba. Ha illoobin oo duminta iyo qaxana isaga un baa keenay.  Shiikh hadduu yahay, habeen iyo maalin lacag aruurin iyo masaajid dhisid ayuu ku jiraa. Masaajidadaan dad ma soo saaraan miyaa maxaa lagu hayaa? Khudbadda jimcaha ee cadaalad darrada ka hadasha maa runta looga hadlo, maa dadka looga digo dhibaatada shakhsiyeed, midda bulsheed ee ka dhalanaysa in dad isku mid ah, hal waddan wada daggan hal luuqadna wada leh ay ayagu is gumaystaan is yasaan oo ay is takooraan?.  Ninka Soomaaliyeed afkiisa hadduu...

WAXA UU YIRI

Waxa uu yiri hubka dhig, oo adiga oo aan difaac igaga jirin soo dhawoow. Soo dhawoow oo jacaylkayga diirrimaadkiisa dareen.  Waxa ay ahayd go'aan khatar leh. Waxa ay ahayd khatar aan ku heli karo, jacaylkii ugu dhadhanka wacnaa, ama kii ugu saamaynta xumaa. Labada ka ay noqotaba aniga waxa ay ila ahayd baqdin. Haddii aan jacaylkiisa ku dhaco oo uu i guursado, waxa aan noqonayaa naag guursatay nin ay si waalli ah u jeceshahay taasna lama ammaanayn, oo qisooyinka dumarka dhibaatooday badi halkaas ayay ka bilaabmaan. Haddii aan jacaylkiisa waayo oo aan guuldarraystana waxa uu qalbigayga ku yeelan saamayn sababi karta in ay i dhaafiso la kulanka ninka carruurtayda u noqon lahaa Aabbaha ugu wanaagsan. Waan fakaray oo aan kumanaan jeer is waydiiyay sida noloshaydu noqon karto haddii aan qalbigayga adeegsado.  Waxa uu markale i yiri Kontoroolka noloshaada hal daqiiqo oo kaliya aniga igu wareeji. Dareen dhadhanka ay leedahay marka cid kale adiga kuu fakarayso, ay ku xanaa...

Carfoon

Caawa waxa aan galay bohol aan beri hore awday. Waxbaa i damqay oo igu yiri bal dib u eeg kaydka xasuusihiisa. Waran baa wadnaha layga suray dabadeed laygu ligligay oo si jajuub ah dib laygu dhex geeyay god aan beri hore awday. Waxaa aniga oo ilmaynaya lay dhex dhigay qolkii aan ku kulannay kawdii isbarashadeenna. Waan diiday oo aan is turaanturreeyay, diyaar uma ahayn in aan dib u booqdo halkii aan ka haajiray sannado badan kahor. Waxa aan ugu tagay qolka dhexdiisa naftaydii yarayd, Naftii 17jirka ahayd ee sida ubaxa u carfaysay. İndho rajo ka muuqato ayay igu eegtay. Waxay tiri "Miyaan kala tagnay jacaylkeennii?" İndho quusi ka muuqato ayaan ku eegay dabadeedna ku iri "İsagu jacaylkeenna maahayn, qalbiga ayuu naga jabiyay wuu na khiyaamay oo uu meel cidlo ah nooga dhaqaaqay." "Sidee ayay u dhici kartaa, soo isagii noo ballan qaaday in aan isguursanayno wada noolaanayno dabadeedna nolosha farxadeeda halkaa ku qaadanayno?" Ayay i waydiisay.  Gacmaha ayaan ...

ANIGA IYO QABYAALADDA

Muhiimadda qabiilku waxa ay ahayd waxa ugu yar ee aan aqaanno. Sababo badan oo isbiirsaday awgood iima suurtagalin in naftaydu ku baraarugto heerka qabyaaladdu ka gaarsiisan tahay bulshada dhexdeeda. Su'aasha ugu yar ee aan waligay qof waydiiyay waxa ay ahayd qabiilkee tahay? Uma arkayn muhiim in aan ogaado qofka qabiilkiisa, waxaa wax walba igala muhiimsanaa aniga iyo qofkaan maxaan isku fahmi karnaa. Markii aan yaraa ee aan dugsiga dhiganayay waxa aan saaxiib la ahaa, cid walba ee fasalka aan is sheeko fahanno. Markii aan soo waynaaday ee aan shukaansi bilaabay, waxa aan la sheekaysan jiray ciddii aan u arko in aan isku waddo u soconno. Caqligaygu waxa uu aaminsanaa sidee ayaad qof dhan ugu qiimayn kartaa qabiilkiisa isaga oo leh kumanaan shay oo ka muhiimsan. Aniga oo aan sidii ugu baraarugin ayaan kasoo tagay dalkii aniga oo aan wali indhaha ku kala qaadin illaa iyo inta ay muhiim u tahay qofka soomaaliga ah in uu ugu yaraan ku baraarugsan yahay in qabiilku yahay cunsur muhiim ...

KULANKOODII: GALABTA IYO JIGJIGA

Waa jigjiga goobtu. Waa casarka dabadiis. Taleefankeeda ayaa soo dhacay.  -Nura waad timid soo maaha?  -Haa shalay galab ayaan imid. - Jaanis ma haysaa galabta, aan kusoo wareejiyo magaaladee?. - Haa, Haddii ay adiga tahay cidda i wareejinaysa marna maya oran mayo. Waxa ay bilawday diyaar garow. Maanta baqdin badan ma jirto. Ma waxaa u sabab ah in ay dhul soomaaliyeed joogto, Afsoomaalina looga hadlayo oo ay ciiddeeda kalsooni ku qabto, mise kulankii koowaad haddii aysan farxad mooyee in yar oo shaki ah dareemin waxa uu qalbigeeda ku beeray kalsooni.  Guriga ayay u tilmaantay. Bajaaj ayuu soo raacay. Wuu i yimid oo ay israaceen. Albaabka marka ay kasoo baxday ayay dareentay in roob tiix ahi da'ayo. Marwalba oo ay kulmaan jawigu waa roobban yahay taasi ma waxa ay ka turjumaysaa in dabeecadu xataa la rabto labadooda jawi qabow oo laabta hananaya.  Rotana Cafe horteeda ayay bajaajtii soo istaagtay. Gudaha ayay u galeen. Kursi meel dhexe oo bannaan yaal ayay fariisteen. ...