Ha Rajo Dhigin

Waxa aan saarnayn daaqadda qolka, waxa aan  daawanayay sawirka magaaladii aan ku dhashay anigoo isla jeerkaasna isaga indhihiisa eegaya. 

Waxa aan sawiranayay sida ay macquul ku tahay in aan dhibaatooyinkaan dunida ka gudubno annagoo aan jacaylkeenna lumin, annagoo kalsoonida aan isku qabno aysan meesha ka bixin. Dadka waawayni waxa ay dhahaan waqtigu waa kan wax walba daweeya, aniga waxa ay ila tahay in uu waqtigu yahay kan dadka is jecel kala kaxeeya, kan ka naxsada kuwa rajo qurxoon mustaqbalka ka sugaya, kan wax walba oo xaqiiqada ka fog balse aan laabteenna ku siraynay meesha ka saara. 

Anigoo wajigiisa daawanaya, ayaa waxa aan sawiranayay sida ay macquul ku tahay in aan si nabad ah ugu wada noolaanno magaaladii aan ka nimid ayadoo aan qabiil qabiil la isku dilayn, ayadoo aysan shacabku dowladda iska waardiyaynayn, ayadoo aysan dhalinyaradu tahriib ka fakarayn ee ay qorshaynayaan sidii aan dhulkeenna u beeran lahayn, baddeenna u dheefsan lahayn dunidana annagu asaageen ula tartami lahayn annaga oo aan gacmaha hoorsanayn. 

Su'aal soo booddo ah ayaan waydiiyay, "Gacaliye, anigu caqli baan leeyahay waan fakarayaa, riyooyin qurxoon baan leeyahay waxa aan rabaa in aan magaaladaydii u noqdo oo aan farxad kula noolaado. Adiguna sidoo kale riyooyin baad leedahay, waxa aad naawilaysaa in aad si kalgacal leh carruurta waddankaaga wax u bartid, waxa aad marwalba ku celcelisaa in riyadaadu tahay in aad dhimatid adigoo hal qofna ha ahaadee dadka noloshooda saamayn ku yeeshay. 

Adeerkay waa sidoo kale waxa uu ku riyoonayaa in uu ka soo laabto qurbaha uu sannadaha ku maqnaa, in uu dhulkiisa xasilooni ku helo oo uu halkaas hoy ku dareemo waayo waad ogtahay meel aad koyto ku tahay marna gurigaagii dhabta ahaa maaha. Qof walba oo aan naqaanno waxa uu ku riyoonayaa Soomaaliya qurux badan, siyaasiyiintu waxa ay ku dhaaranayaan isbaddal, ganacsatadu horumar, carruurtuna rajo qurxoon. Haddana waxaas oo dhan midna suurtoobi mayso halkee ayaaa wax ka khaldan yihiin?." 

Waxa uu si dhiirranaan  leh ii yiri, "Gacalo adigu riyada ha joojin, anigu dadaalka joojin mayo, kuwa ay dhab ka tahay in aan qayrkeen la tartanno way guulaysan doonaan. Soomaliya baryootanta ayaan annagu ku kornay, waajibka na saaran ayaase ah in aan dhalno carruur aan baahidaas ku korin haddiise aan ku guuldarraysanno markaas ayay dhacaysaa niyad jabka dhabta ah. Eeg oo wax ka baro qisooyinka wadamada kufay sideenna oo kale haddana kacay. Miyaadan arag sida Ruwanda uga soo kabatay xasuuqii foosha xumaa, sida ay Singapore muddo yar faqrigii uga baxday.

Miyaysan marna cajiib kula noqon sida Jarmalku ugu jabay dagaalkii labaad ee Adduunka, sida dhismayaashiisii loo burburiyay, kaabayaashii dhaqaale eber looga dhigay haddana sannado yar oo dhalinyaradii iyo dumarkii dhexda xirteen kadib dib loogu dhisay maantana uu yurub wadamada u horreeya ku jiro? Dunida ma jiro waddan hormaray ama waddan dib dhacay oo aan sababsan dadkiisa. Waxba ha fiirin kuwa qabyaaladda, argagaxa iyo dib u dhaca ka sheekeeya waxaa ka saamayn badan hal qof oo dadka wacyigooda dhisa noqo adigu qofkaas." 

Waxa aan sariirtaydii seexday aniga oo ay rajo isoo gashay, anigoo qalbigayga ku sabaya wax walba waa macquul haddii aad aaminto una dadaasho. Been ma uusan sheegin waddan waxa uu wax ku yahay dhalinyaradiisa. Haddii dhalinyaradu garato masuuliyadda saaran ee ay iska daayaan eedaynta iyo in ay cid kale wax ka sugaan wax badan baa isbaddali kara waxaana tusaale u ah wadamo badan oo dunida guudkeeda ka jira.

Comments

  1. Mahadsanid faatima.💕

    ReplyDelete
  2. Mahadsanid gacalo

    ReplyDelete
  3. Thanks abaayo f c maad

    ReplyDelete
  4. Mahadsanid booyo fatima

    ReplyDelete
  5. One day riyadan iyo rajadani way rumoobi faadumo, qalinka Eebbe kuu barakee maanta qormooyinkaaga farshaxamaysan baan ku nastay.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara

The Best Quality of Me