NOOLE ISDIIDDAN
Ninka Soomaaliga ahi waa shakhsiga ugu isburinta badan adduunka. Caqligiisu wax buu rabaa, afkiisa wax taas ka duwan ayuu ka sheegayaa sidoo kale ficilkiisu labadaba waa burinayaa. Maalin walba waxa ay qabtaan shirar ay ku sheegayaan dib u dhiska dalka, afka nabad bay ka rabaan, gacmahana musuq, qabyaalad iyo kala irdhayn ayay kula jiraan. Adduunka ma la arkay waddan dib u dhis ku socdo 33 sano oo aan tallaabo horay u qaadayn? Maya. Waa wax ninka Soomaaliga ah oo kaliya ka suurooba. Ha illoobin oo duminta iyo qaxana isaga un baa keenay.
Shiikh hadduu yahay, habeen iyo maalin lacag aruurin iyo masaajid dhisid ayuu ku jiraa. Masaajidadaan dad ma soo saaraan miyaa maxaa lagu hayaa? Khudbadda jimcaha ee cadaalad darrada ka hadasha maa runta looga hadlo, maa dadka looga digo dhibaatada shakhsiyeed, midda bulsheed ee ka dhalanaysa in dad isku mid ah, hal waddan wada daggan hal luuqadna wada leh ay ayagu is gumaystaan is yasaan oo ay is takooraan?.
Ninka Soomaaliyeed afkiisa hadduu kala qaado diin jacayl ayuu ka hadlaa iyo dhaqan doorin. Diintu isaga ma qabato miyaa. Kufsiga, dilka, dulmiga iyo takoorka kama hor istaagto miyaa?.
Ayaga oo oo diinta ku dhuumanaya ayay carruurta iyo haweenkaba xaqooda duudsiyaan. Xisaab malaha waxa hooyo magaca ninnimo lagu duudsiyay xaqqeedii iyo diintaa masuul iiga kaa dhigtay.
"Gabadh is qaawin karta ma jirto, tii is qaawisana daamanka ayaan jabinayaa." Weeye doodda ninka Soomaaliyeed ee asaagiis ka haray. (Ma aaminsana in uu asaagiis ka haray, oo carruurtiisa gaalada loo dawaro, dumarkiisiina isla gaalaadaas ay sheegaan dhulkooda baylah ku yihiin.) Maxaa sababay in ay is qaawiso oo ay Tiktok ka niikiso? !
Adiga ninnimada iyo sharafta sheeganaya ayaa sababay. Gabdhihii in ay wax bartaan oo ay heer gaaraan liddi baa ku tihiin oo waxa aad rabtaan in aad 15 jir ku aroostaan. Haddii ay idinka bad-baaddo oo ay wax baratana goob walba oo shaqo adigii baa uga sii horreeya. "Shaqo heli maysid, haddii aadan jirkaaga i siin." Asalkaba gabadh guri sharafi ka jirto ku barbaartay Tiktok kama niikiso ee qayrkeed bay wax la qeybsataa. Tiktok waxaa jooga badi gabdho hooyo kali ahi soo korisay amaba ay waalidkood dhinteen oo duruufta nolosha isku dhaafiya halkaas. Taas kaba gudub marka ay Tiktok yimaadeen yaa u sacab tuma oo muuqaaladooda daawada soo isla adiga maaha?
Ma jiro sharci hooyadii lagu xadgudbo u dooda, ma jiro sharci tii ehelkeedu dulmaan ka dhiciya. Waa kayn xayawaan. Keyntaasna sida kaliya ee loogu noolaan karo waa isla xayawaanimo iyo in aadan cidna u naxariisan ee wixii kugu xadgudba aad sida ugu xanuunka badan uga aargudato.
Dhan kastaba ka eegay isdiidooyinka ninka Soomaaliyeed waa buux dhaaf oo ma aha wax qoraal ama labo lagu koobi karo. Far kali ah fool ma dhaqdo ayay maahmaahdii ahayd. Dumarka Soomaaliyeed ayagaa intaa idin soo waday, oo xumaan walba idiinku dulqaadanayay, markaad is dilayseen carruurta korinayay, markaad masuuliyad la'aan noqoteen masuul ka noqday guryahooda. Ayaga ayaa ceeb walba oo aad gaysataan qarinayay oo bulshada dhexdeeda ka dhigayay bulsho caafimaad qabta ee waligeed lama caafimaad qabin dhibta un baa la qarinayay, hadda haddii ay diideen in ay aamusnaadaan oo hooyooyinkii Social Media soo galeen ayagoo cabanaya maxaa xal laga dhigayaa? Ma marmarsiinyo iyo gaalaa ka dambaysa mise xaqiiqdaa la waajahayaa?
Adduunka waad aragtaan maanta wax idin ka qarsoon ma leh. Dumar lagu tacaddiyo oo xaq raadsi bilaaba ayaga oo xanaaqsan waxa ay dhashaa waxyaabo aan la mahdin iyo waxa dunida galbeedka ka jira waqti xaadirkaan. Inta aad naag gudaheed ku mashquulsan tihiin asaagiin ha ka harina ee sida isu dhaama oo masuuliyadda liidashadiinna qaata oo isbeddel sameeya ayaan idin oran lahaa.
Waa arrin xaqiiq ah waxaan aad ka hadashay.
ReplyDelete