Posts

LAMA-HELAAN Q: 4aad

LAMA-HELAAN Q: 4AAD Jacaylku waa janno looga nasto qaxarka iyo dhibaatada adduunka bay dhahaan. Waxa ay dhalinyaradu, isku maaweeliyaan in si kasta oo noloshu kuugu adag tahay, haddii aad haysato qof ku jecel, aysan nolosha waxba kaa dhinnayn.  Dhalinyaradaas Kamaal kamid maaha. Waxa uu si adag u aamminsan yahay in Lacagta iyo Quruxdu tahay furaha dunida. In aysan waxba kaa dhinnayn haddaad labadaas Midkood hesho. Kaba wanaagsan haddii aad isku hesho. Waxa uu caqligiisa ka dhaadhiciyay isaga oo aad u da' yar in dunida uusan waayi Karin wax uu u baahday. Lacagtii faraha badnayd ee Aabbihiis uga dhintay ayaa sabab u ah in uu nolol noocaas ah ku barbaaro ayaa la oran karaa. Dadku waxa ay badanaa is xasuusiyaan in uusan jiri karin qof dhammays ah. Kamaal marka aad aragto se arrintaas waad beenaysanaysaa. Magicii hooyadiis ugu walqashay ayaa saadaal wacan u noqday ayaa la oran karaa.  Xilli ay casar liiq tahay, ayuu isaga oo galabta hurdada ku daahay gaarigiisii soo qaa...

Lama-Helaan Q:3AAD

LAMA-HELAAN  Q:3AAD Intii uu cashada cunayay oo dhan waxaa maskaxdiisa haysatay gabadhii  barta yarayd, Kuna labbisnayd maryaha midabkeeda u eg. Salma sidii caadada ahayd waxa ay hadba isku dayaysay in ay la furto mawduuc uusan lasii wadayn. Hadba hadal dabacsan ku dheh, hadba jacayl u muuji, hadba gacantiisa qabo. Isaga waa isugu mid.  Salma waa hubka uu ku faano oo kaliya ee qalbigiisa ma ay deggana boosna kuma ay laha. Waxa uu aad ugu xeel dheer yahay in uu qiimeeyo qofka uu la kulmo isaga oo aan hadlin.  Kaafiya waxa ay ula ekaatay ugaar uusan si fudud ku daban karin. Waa marka koowaade saaxiibkiis ayaa watay. Waa marka labaade badi gabdhaha muuqaalkeeda oo kale lihi kama helaan dhalanteedka, ma jecla in ay ninkay doonaan hadal la furaan. Waxa ay u badan yihiin fariiddo dantooda si wacan u garanaya.  Waxa uu geeyay Salmo gurigeeda. Gaariga markii uu lasoo kala wareegay ayuu wacay saaxiibkiis C/Kariim.  - Saaxiib, I warran muddo ayaan is moog...

Lama-Helaan Q:2AAD

Kaafiya oo si qurux badan usoo labbisatay caawa. Ayaa waxaa albaabka gurigooda soo istaagay gaarigii C/kariim oo caawa u sugayay sidii qof helay jaaniskii koowaad ee uu xajka ku tagi lahaa. Farxad faro badan ayaa indhihiisa laga dheehanayay. Inkasta oo uu Xad dhaaf u jecel yahay Kaafiya ulana dhaqmo sida ugu quruxda badan ee wiil isaga oo kale ahi ula dhaqmi lahaa gabadha uu jecel yahay. Haddana mar walba waxa uu dareemaa in uusan ku filnayn. In ay xaq u leedahay ka badan waxa uu u qabto. Mashquulkeeda oo aad u tiro badan iyo ayada oo aan jeclayn in ay dibadda u baxdo goor walba ayaa kulankooda caawa ka dhigaysa mid ka qiimo duwan kan barbaarta haasaawaa habeen walba isku arkaan.  Gaarigii ayay soo gashay. Markii ay sidaa dhulka u dhigtay salka ayuu isaga oo aan dhaqaaqin shiday hees ay jeceshahay oo uu u daaro marwalba oo ay gaariga la saaran tahay. "Ubaxa ugu quruxda badan u qaalisan ugu udgoon" ayay isku mar wada yiraahdeen ayada iyo Qamar Suugaani. Gaarigii ay...

LAMA-HELAAN Q:1AAd

Waxa ay la kulantay wiil aysan heli karin. Haa oo aysan Hanan karin. Waxa uu leeyahay jacayl gabadh uu ku indho Kuusho. Labadii ilbiriqsiba mar haddii uusan magaceeda sheegin wax baa ka dhiman maalintiisa. Isagu waa wax walba oo ay ayadu jeclaan lahayd.  Waxa uu kulansaday oo uu koobsaday dabci iyo dhaqan walba oo ay ninka dookheeda ah ku dooran lahayd. Aftahanimo iyo hibada hadal helista. Dhoollacaddayn qalbiga jiiraysa oo si kasta oo maalintaadu u madowdahay xoogaa rajo ah ku siinaysa. Kalsooni iyo in uu yahay nin rageed marka aad hiil uga baahato hortaada aadan daqiiqad ka waayayn. Muuqaal qurxoon oo sabab u noqon kara in aad dartiis wax walba u samayso si'aad u hanato raalli ahaanshihiisa. Dabeecad wax akhris iyo aqoon badni. In uu wax ka yaqaanno badi dunida waxa cilmi ka jira. Mid walba waxbaa uga bilaaban oo marna jaahil ku uu noqon mayo madal lagu hadal hayo wax la xiriira aqoon kororsi. Falsafadda iyo fiisikiska. Cilmi nafsiga iyo suugaanta. 3da diimood ee sama...

7 ASBUUC OO BILAA INTERNET AH

Ka maqnaanshaha internet ku waa dareen ay tahay in ay naf walbaa dhadhamiso si'ay bal ugu baraarugto nolosha hareeraheeda ka jirta. İnternet ku Faa'iido iyo Khasaare labadaba waa leeyahay balse ujeedka qoraalkaygu labadaas midna maaha ee waa dareenkii aan dareemay mudadii aan bilaa internet ka ahaa. Labadii maalmood oo u horreeyay waxa ay ila ahayd sida in qol mugdi ah laygu xiray. Waxa ugu badan ee aan dareemayay waxa ay ahayd cabsi aan ka qabo waxa isbaddalay aniga oo aan ogayn. Sida aad ogtihiin isticmaalka baraha bulshadu waxa ay noqotay qeyb aan la goyn karin oo nolosha kamid ah, si'aad uga warqabto ehelka, si'aad shaqadaada uga fushato haddii aad shaqaysid, Waxbarashadii ayaa ku xiran haddii aad wax baratid. Waa qeyb aan la is diidsiin karin. Aniga kiiskayga waxa ugu daran waxa ay ahayd ka warqabka ehelka.  Hadda waxaa caadi noqotay in dadkii dadka kuugu dhawaa xanuunkooda ama geeridooda aad ka aragtid status WhatsApp ama Facebook. In la is waco oo lay...

FADHIGA KA KAC

Ka kac fadhiga, soo noolee riyooyinkaaga, istaag oo u istaag hanashada hankaaga. Soo ma aad arag wax walbaa waa macquul, shalay gabadh baa ku guulaysatay in ay ka mid noqoto guddoonka sare ee baarlamaanka berri waxaa macquul ah in aad adiguba madaxwayne noqoto.  Qub hadaladooda niyadjabka leh,  ka daahiri nafta nacaybka iyo naxliga ay ku badeen. Cadar isku shub ka qubayso urta basasha iyo saliidda dabadeedna u fakar waxa aad doonayso in aad noqoto maskaxdana ku hay in gabdhaada, gabadhayda iyo gabdhahooda masiirkooduba adiga ku sugayo.  Haddii aad hooyo noqotay, haddii aad ka daahday waxbarashada iyo haddiii isaga jacaylkiisuba shaki kaa galinayo sida aad u ekaan doonto berrito fadlan naftaada dooro, wixii aad rabtay in aad 25jir ku xaqiijisid weli 40 ama 50 kaad doonto ayaad ku noqon doontaa.  Ka kac fadhiga, baro xirfad cusub, luuqad cusub ama boorka ka jaf riyadaadii yaraantii Fadlan wax uun xaqiiji kuguma filna in aad dhimatid adiga oo noolaaday kaliy...

QOF AAMUSAN JACAYLKII

QOF AAMUSAN JACAYLKII! Ka sug hadalka habeen iyo maalin dabadeed seexo adiga oo aan jumlo ka helin. Hakaa daawado indhaha marwalba oo aad kulantaan isaga oo aan eray ku oran. Hakuu qoslo marwalba oo aad kaftan sheegto isaga oo aan xaraf kuugu baddalin. Kaga hormar jacaylka oo u sheego, dabadeed eray kooban ha kuugu sheego inuu isba kuu ildaran yahay. Dabadeed noqo adigu cidda jacaylka hogaamisa. Ku wareer oo kala garan waa in uu weli ku jecel yahay iyo inkale.  Ka farxi oo u furfur badaha sheekooyinka ah ee kuu kaydsan, dareen dabadeed in aad ku dawakhayso ag fadhiga qof aan kula fahmayn hadalka. Kumanaan jeer u sheeg in uusan kaa xishoon, in aad jeceshahay una baahantahay la sheekaysigiisa dabadeed ha kuugu laab qaboojiyo "Ag joogaygu miyuuna kugu filnayn gacalo?" Dib isugu laabo oo adigu iska shaki, ka shaki war badnidaada iyo sababta aad adigu u hadal badan tahay. Naftaada kula dagaal sababta aad isaga oo kale u noqon la'dahay. Nac oo ka darug cid walba oo ...