Lama-Helaan Q:3AAD
LAMA-HELAAN
Q:3AAD
Intii uu cashada cunayay oo dhan waxaa maskaxdiisa haysatay gabadhii barta yarayd, Kuna labbisnayd maryaha midabkeeda u eg. Salma sidii caadada ahayd waxa ay hadba isku dayaysay in ay la furto mawduuc uusan lasii wadayn. Hadba hadal dabacsan ku dheh, hadba jacayl u muuji, hadba gacantiisa qabo. Isaga waa isugu mid.
Salma waa hubka uu ku faano oo kaliya ee qalbigiisa ma ay deggana boosna kuma ay laha. Waxa uu aad ugu xeel dheer yahay in uu qiimeeyo qofka uu la kulmo isaga oo aan hadlin. Kaafiya waxa ay ula ekaatay ugaar uusan si fudud ku daban karin. Waa marka koowaade saaxiibkiis ayaa watay. Waa marka labaade badi gabdhaha muuqaalkeeda oo kale lihi kama helaan dhalanteedka, ma jecla in ay ninkay doonaan hadal la furaan. Waxa ay u badan yihiin fariiddo dantooda si wacan u garanaya.
Waxa uu geeyay Salmo gurigeeda. Gaariga markii uu lasoo kala wareegay ayuu wacay saaxiibkiis C/Kariim.
- Saaxiib, I warran muddo ayaan is moogayne?
- Boqorow wanaag. Adigaa maqnaaye maxaad keentay?
- Shaqadii aan xagga u tagay ayaa iga dhammaatay. Saaka ayaan imid oo mid cusub ayaaba ii diyaar ah.
- Saaxiib, Adna taajirnimada reerkiinnaa ku caawisa.
- Qosol.
- Mayee saaxiib waan ogahay kartidaada ayaad ku heshay.
- Saaxiib Qoftii caawa ma dumaashibaa?
- Allaylehe shaxaarinimadii ma anaad igula soo dhacday?
- mayee waan iska kaa waydiiyay. Dhawr jeer oo hore baan arkay.
- halkee ku aragtay?
- aad uma xasuusto.
Kamaal hadafkiisii waa gaaray. Warbixin ku filan waa uu ka aruursaday. Waxa uu ogaaday in ay 2sano xiriir leeyihiin. In waxa ka hortaagan in uu haatan guursado ay tahay dhaqaale xumo. In ay isbitaalka kalkaaliso ka tahay. Iyo in reer sabool ahi dhalay.
Kamaal quruxda waxaa u dheer kibir iyo isla wayni. Ugaartiisa isaga oo isagu ugaarsadaha ah ayuu haddana dareensiiyaa in ayagu yihiin kuwa wax jecel, kuwa wax raba in isagu yahay cidda lama-helaanka ah. Hadda isaga waxaa sugaya hadaf dheer. Dhammaadku ma guul baa mise waa guuldarro ma ceeb baa mise waa Sharaf isaga oo iswaydiinaya ayuu hoonka yeeriyay.
Waxa uu gudaha usoo galay gurigoodii Awoowgiis oo bannaanka ku tasbiixsanaya ayuu sii salaamay kadibna qolkiisii usii gudbay. Wadnihiisu xoog ayuu u garaacmayaa. Waxa aad mooddaa gabar yar oo markeedii koowaad la kulantay jacaylkeedii koowaad. Qolkiisii markuu sidaa u galay. Shaarkiina katabaanka surtay ayaa hooyadiis Sureer albaabka soo garaacday.
"Hooyo, Walaashaa Shukri ayaa caawa guriga timid. Ninkeedii bay isa soo dagaaleen. Waxa ay tiri 2dii wiil waa uu iga reebtay gurigana si foolxun buu iiga soo saaray." Ayay hooyadiis warka ku bilawday. Inta uu si xanaaq leh u eegay buu degdeg qolka uga soo baxay. Waxa uu isaga oo aan dheg la qabto lahayn qolka ugu galay walaashiis. "Sidee ayuu ku keenay aniga oo nool in uu sidaas kuula dhaqmo dayuusku?" "Abowe is daji wax wayn ma jiraane." Walaashiis waa qof caqli badan oo garan karta xanaaqa walaalkeed in uu sababi karo dhibaato ka wayn tan hadda taagan.
Hadalkii ayay u dajisay, waxa ay wax ka tustay meelo badan. Markii ay dareentay in uu hadda xasilloon yahay ayay hadalkii ku bilowday. "Abowe, ninkaan is fahmi mayno. Waxa aan rabaa in la iga furo, labadayda wiilna aan anigu korsado ee intaas in aad ila dhammayso igula dadaal." Cod xanaaq yari ku jiro ayuu yiri "Awalba adigaa wax aan kuu qalmin doortay, bal ma magaalada intaas le'eg baad ka wayday wax isaga dhaama. Dhibsa maleh anaa dhammaynaya howshaas."
Walaashiis xumo uma uu quuro, xumaan iska daaye uma ogola in cidi si yar oo xanaf leh u eegto. Dadka kale gabdhahoodase in ay qashin yihiin ayaad ka shakinaysaa marka aad aragto habka uu ula tacaamulo.
Qolkiisii ayuu kusoo laabtay. Xoogaa buu ka fakaray arrinta walaashiis. Ilbiriqsiyo kadibse waxaa xasuustiisa markale soo salaantay Kaafiya. Ayadana waa in aan ka Sal gaaro ayuu nafta kula faqay. Sariirtiisii ayuu isku kala bixiyay. Hurdo dheer ayuuna galay.
Comments
Post a Comment