Lama-Helaan Q:2AAD




Kaafiya oo si qurux badan usoo labbisatay caawa. Ayaa waxaa albaabka gurigooda soo istaagay gaarigii C/kariim oo caawa u sugayay sidii qof helay jaaniskii koowaad ee uu xajka ku tagi lahaa. Farxad faro badan ayaa indhihiisa laga dheehanayay. Inkasta oo uu Xad dhaaf u jecel yahay Kaafiya ulana dhaqmo sida ugu quruxda badan ee wiil isaga oo kale ahi ula dhaqmi lahaa gabadha uu jecel yahay. Haddana mar walba waxa uu dareemaa in uusan ku filnayn. In ay xaq u leedahay ka badan waxa uu u qabto. Mashquulkeeda oo aad u tiro badan iyo ayada oo aan jeclayn in ay dibadda u baxdo goor walba ayaa kulankooda caawa ka dhigaysa mid ka qiimo duwan kan barbaarta haasaawaa habeen walba isku arkaan. 

Gaarigii ayay soo gashay. Markii ay sidaa dhulka u dhigtay salka ayuu isaga oo aan dhaqaaqin shiday hees ay jeceshahay oo uu u daaro marwalba oo ay gaariga la saaran tahay.

"Ubaxa ugu quruxda badan u qaalisan ugu udgoon" ayay isku mar wada yiraahdeen ayada iyo Qamar Suugaani. Gaarigii ayuu dhaqaajiyay. Isaga oo ayada daawanaya ayuu codkiisii xabeebta lahaa isna ku dhawaaqay; "Haddaan qalbigayga 
iyo qasnado kaydoo dhex yaal
Waxaan ku qarsaday bandhigo
Adaan qormo kaaga dhigay". Inta ay cod dheer ku qososhay ayay tiri "Qaali igadaa khiyaaliga qalbigaaga wayn qasnadihiisa cidna ma koobi kartee." Cod runnimo laga dheehanayo ayuu isaga oo dhankeeda jalleecaya ku tiraabay. " "Wallay iga tahay. Hal qasnad baa ku jirta qalbigayga taasna adaa leh."  

Waxa ay soo istaageen afaafka hore ee kafeega Higlo. Markay gaarigii kasoo dagatay ayaa waxaa dhinacooda soo istaagay Landcruiser cad oo cusub. Hal mar bay si aan ku talo gal ahayn u jalleecday dhiniciisa mise waxaa kasoo daganaysa gabar cambuur cad oo Shafka kuulo dhalaalaya ku leh ku labbisan. Marka ay hannaan wanaagga labbiska gabadha jalleecday ayay Kaafiya ayada oo masayr yari galay dib isu fiirisay. Mise waxa ay ku labbisan tahay cambuur madow oo aan aad u dhalaalayn iyo sheelad u eg. Markii ay gaariga soo raacaysay waxa ay la ahayd in ay u labbisan tahay sida ugu qurxoon ee loo labbisan karo haddase xoogaa shaki ah baa ka galay kalsoonideedii. Jir  ahaan gabadha gaariga kasoo dagatay waa mid leh jir ishu qabanayso shaf buuxa iyo dhex si wacan u muuqata. Mar kale ayay isbarbardhig isku samaysay. Dib bay isu eegtay oo hiiftay muuqaalkeeda caatada ah. C/Kariim baa inta dhinaca kale kasoo wareegay gacanta soo qabtay oo ay usoo dhaqaaqeen albaabkii kafeega. 

Qalanjadaan indhaha jiidanaysa, qalbigana gilgilaysa waa xuural cayntii uu Kamaal cid walba ugu faanayay. Isaga oo gacanta haya ayay isku soo gaareen albaabka. Kaafiya indhaha maba ay siin ninka naagta wata ee waxa ay isku dayaysay in ay horay u galaan meesha oo ay ka ag dheeraato naagtaan dareensiisay in quruxdeeda qeybi ka maqan tahay. Kamaal baa hor arkay labadooda. Indhaha ayuu la raacay sidii in wax eegmada mudan ku daadsan yihiin korkeeda. Xishoodka, deg-degga iyo xasilooni la'aanta haysa waa laga dheehanayay korkeeda. Qalbiga ayuu iska yiri "Tolow maxaa dhibaya?".

Markay gudihii galeen ayada oo sii fuulaysa jaranjaro yar oo qeybta sare loo raaco ayaa cod gadaasheeda ka yeeray. "Waryaa C/Kariim Boqorow ma adigii baa?". C/Kariim baa inta dib u hakaday eegay mise waa Saaxiibkiis Kamaal. Gadaal buu u noqday oo ay laabta is galiyeen. 

Kaafiya xanuun badan bay ku haysaa hakashadaani. Waxa ay eegtay hareeraheeda mise cidina ayada kuma mashquulsana oo dhawr wiil oo hoos fadhiyay waxa ay si'aan ka libiqsi lahayn u eegayaan Salma. Ma ay sugin inta saaxiibkeed ka faaruqayo salaanta saaxiibkiise waxa ay kor u fuushay jaranjaradii. Waxa ay timid dirin iyo fadhi yar oo nooca dhulka la dhigo ah oo meel gees ah yaalla. Daqiiqad ayada oo aan fadhin ayuu u yimid jacaylkeedii. Xoogaa in uusan wajigeedu faraxsanayn buu dareemay. Su'aal isaga oo aan waydiin buu yiri "Qaali waa saaxiibkay oo aan isku wanaagsannahay. indhawayd Nairobi buu hawlo shaqo u jiray, oo maanta ayuuba Garowe kusoo laabtay." 

Sheeko ayay iska bilawdeen. Ayaduna waxa ay daawanaysay dayaxa oo ka dhalaalaya meel korkeeda ku aaddan. Habeen aan farxad gooni ah wadan bay qaadatay. Casho iyo Shaah cabbid kadib ayay Ka codsatay  C/Kariim in uu xaafaddii geeyo. "Gacaliso, jawigu waa qurxoon yahaye aan cabbaar joogno" ayuu ku yiri. Inta ay kicid u Hollatay bay tiri "Qaali berri ayaan aroortii kacayaaye ina wad."

Sariirteedii ayay tagtay. Dhawr jeer oo xuuralcayntii soo hormartay kadib waxa ay seexatay hurdo dheer oo aan laga toosayn illaa wadaadku eedaamo. 

La wadaag ciddii aad jeceshahay si akhristayaashu noogu bataan.

Mahadsanid❤️

Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara