QOF AAMUSAN JACAYLKII
QOF AAMUSAN JACAYLKII!
Ka sug hadalka habeen iyo maalin dabadeed seexo adiga oo aan jumlo ka helin. Hakaa daawado indhaha marwalba oo aad kulantaan isaga oo aan eray ku oran. Hakuu qoslo marwalba oo aad kaftan sheegto isaga oo aan xaraf kuugu baddalin.
Kaga hormar jacaylka oo u sheego, dabadeed eray kooban ha kuugu sheego inuu isba kuu ildaran yahay. Dabadeed noqo adigu cidda jacaylka hogaamisa. Ku wareer oo kala garan waa in uu weli ku jecel yahay iyo inkale.
Ka farxi oo u furfur badaha sheekooyinka ah ee kuu kaydsan, dareen dabadeed in aad ku dawakhayso ag fadhiga qof aan kula fahmayn hadalka. Kumanaan jeer u sheeg in uusan kaa xishoon, in aad jeceshahay una baahantahay la sheekaysigiisa dabadeed ha kuugu laab qaboojiyo "Ag joogaygu miyuuna kugu filnayn gacalo?"
Dib isugu laabo oo adigu iska shaki, ka shaki war badnidaada iyo sababta aad adigu u hadal badan tahay. Naftaada kula dagaal sababta aad isaga oo kale u noqon la'dahay. Nac oo ka darug cid walba oo sheeko kuula timaadda. Dabadeed isla ag fariista jacayl aamusan, jacayl indhaha inta layska daawado ay ka badan tahay inta laysla hadlo.
Ku caajis oo u hilow dabcigaagii hore, xasuuso sida cid walbaa u jeclayd sheekadaada, soo labo kaclee oo dib u bilow ka cabashada aamuskiisa. Sidii oo kale ha kuugu jawaabo "Miyaad ku caajistay xiriirkayga?" Cod qeylo ah ku dheh "Haa weliba in badan." Isaga oo aan eray ku oran ha kaa dhaqaaqo, kadibna sidaa ku gal mawjado xanaaq iyo caro ah. Kala garan waa' in aad u xiistay iyo in aad ka xiistay. Dib u baar oo isku day in aad ku qanciso in uu kuu soo laabto.
U tag isaga oo helay, qof aamusan, qof aan ka cabanayn aamuskiisa, ku faraxsan oo aan doonayn buuqa iyo madax wareerka kuwa hadalka badan ee aan ka caajisin in ay habeen iyo maalin sheekeeyaan. Kuwa rabitaanka badan u haya ogaanshaha wax cusub, kuwa daqiiqad aan u adkaysan karin meel aamusan oo bilaa hadal ah.
Ka daawo indhaha oo u khushuuc sida ay isugu qanceen, adiguna rajee in aad hesho qof kuu eg, qof aadan ka caajisayn, qof aadan u baahnayn in aad baddasho isaga, qof aadan ku khasbanayn in aad adigu dartiis dabcigiisa u qaadato.
Comments
Post a Comment