LAMA-HELAAN Q:1AAd
Waxa ay la kulantay wiil aysan heli karin. Haa oo aysan Hanan karin. Waxa uu leeyahay jacayl gabadh uu ku indho Kuusho. Labadii ilbiriqsiba mar haddii uusan magaceeda sheegin wax baa ka dhiman maalintiisa. Isagu waa wax walba oo ay ayadu jeclaan lahayd.
Waxa uu kulansaday oo uu koobsaday dabci iyo dhaqan walba oo ay ninka dookheeda ah ku dooran lahayd. Aftahanimo iyo hibada hadal helista. Dhoollacaddayn qalbiga jiiraysa oo si kasta oo maalintaadu u madowdahay xoogaa rajo ah ku siinaysa. Kalsooni iyo in uu yahay nin rageed marka aad hiil uga baahato hortaada aadan daqiiqad ka waayayn. Muuqaal qurxoon oo sabab u noqon kara in aad dartiis wax walba u samayso si'aad u hanato raalli ahaanshihiisa. Dabeecad wax akhris iyo aqoon badni. In uu wax ka yaqaanno badi dunida waxa cilmi ka jira. Mid walba waxbaa uga bilaaban oo marna jaahil ku uu noqon mayo madal lagu hadal hayo wax la xiriira aqoon kororsi. Falsafadda iyo fiisikiska. Cilmi nafsiga iyo suugaanta. 3da diimood ee samaawiga ah, waxa uu ka yaqaannaa wax uu ku doodi karo haddii su'aal kadis ahi qabsato.
Ayadu waa qalanjo Korka iyo gudahaba ka qurux badan. Haddiise aad u fiirsato waxa aad u maqsuudaysaa sida ay isugu miisaaman tahay hadalkeeda iyo ficiladeedu. Quruxdu qiimo wayn ma siiso Casrigaan dumarka jooga, waxa bila muuqooda waa hadba inta garaadkoodu le'eg yahay. Gabadhu waxa ay soo jiidasho leedahay hadba inta ay ninka dareensiiso in dunida shukaansiga iyo dumar la haasaawidda cilmi ugu dhimman yahay. Aftahanimo iyo caqli badnaan isaga kama ay yaraysato oo halkaa waa meesha ay isku mari waayeen. Si kasta oo uu si kaftan dhable ah u waydiiyo su'aal caqli iyo xeel dheeri u baahan ayado oo aan libiqsan ayay uga jawaabaysay si u'eg in aysan juhdiba galin helista jawaabta.
Waxa ay leedahay xiriir jacayl oo muddo socday. Sida isagu uu u muujiyo gabadha uu la hasaawo uma ay soo bandhigto ninka ay xiriirka la leedahay. Kaliya waxa ay u sheegtaa ciddii ula timaadda rabitaan iyo haasaawe bilaw ah, ayadoo hadalka ugu soo koobta xiriir baan leeyahay. Xiriirkeedu ma qaato waqtigeeda inta ugu badan. Marka ay ka timaaddo dhakhtarka wayn oo ay kalkaaliso ka tahay. Waxa ay ayada oo aan maryaha baddalan fariisataa miiskeeda oo ay dhawr bog ka gaarsiisaa hadba buugga markaa u kala furan.
Isagu kuma faraxsana qalanjada uu jacaylkeeda gole kasta ka sheego. Agtiisa waxa ay ka tahay hub cabsi galin ah oo uu ku bajiyo gabdhaha uu dareenka u qaado si'uu ayaga u dareensiiyo in uu gacanta ku haysto jawharad quruxdeeda mid leh in la helo sheeko lagu maqlo ee aan shaahid lagu arag. Iyo sidoo kale in uu wiilasha saaxiibaddiis ah dareensiiyo in uu haysto gabadh aad u qurux badan, oo dhaqanka iyo nolol wanaagana aad mooddo in uu jannada xawral cayn ka amaahday. Hal iyo labo maaha inta wiil ee saaxiibadiis ah oo gabadhihii ay la haasaawayeen ay u kala tageen marka ay dareemeen in aysan u wanaajin sida Kamaal gabadhiisu u wanaajiso.
Ayadu way ogtahay in aysan ku jirin jacayl dareensiiya sida ay ku riyooto in maalin uun loo jeclaado. Marka kaliya ee ay jacayl dareento waa marka hooyadeed subixii hurdada ka toosiso ayada oo cod naxariis ah ku leh; "Hooyo Kaafiyo ka kac hurdada bukaankii baa ku sugayee."
La wadaag cid aan jeclaan lahayd in ay kula bilawdo.
Mahadsanid❤
Comments
Post a Comment