7 ASBUUC OO BILAA INTERNET AH


Ka maqnaanshaha internet ku waa dareen ay tahay in ay naf walbaa dhadhamiso si'ay bal ugu baraarugto nolosha hareeraheeda ka jirta. İnternet ku Faa'iido iyo Khasaare labadaba waa leeyahay balse ujeedka qoraalkaygu labadaas midna maaha ee waa dareenkii aan dareemay mudadii aan bilaa internet ka ahaa.

Labadii maalmood oo u horreeyay waxa ay ila ahayd sida in qol mugdi ah laygu xiray. Waxa ugu badan ee aan dareemayay waxa ay ahayd cabsi aan ka qabo waxa isbaddalay aniga oo aan ogayn. Sida aad ogtihiin isticmaalka baraha bulshadu waxa ay noqotay qeyb aan la goyn karin oo nolosha kamid ah, si'aad uga warqabto ehelka, si'aad shaqadaada uga fushato haddii aad shaqaysid, Waxbarashadii ayaa ku xiran haddii aad wax baratid. Waa qeyb aan la is diidsiin karin. Aniga kiiskayga waxa ugu daran waxa ay ahayd ka warqabka ehelka. 

Hadda waxaa caadi noqotay in dadkii dadka kuugu dhawaa xanuunkooda ama geeridooda aad ka aragtid status WhatsApp ama Facebook. In la is waco oo laysu sheego waxa soo kordhay ayaaba gabaabsi ku dhow. Daqiiqad marka aan joogo waxa aan is oranayay amaa dadkii aad jeclayd wax gaareen sidaana lagugu illaaway oo cidina aysan isku hawlin in ay call caadi ah kugu soo wacdo.

Asbuuc marka aan sidaa ku qaatay, waxa aan bilaabay in aan illaawo in wax khad la dhaho aan isticmaali jiray. Awal halka marka aan indhaha kala furo aniga oo aan sariirta ka kicin aan farriimaha eegi jiray hadda waa iska toosaa oo aan maalinka si qurxoon u bilawdaa. Saamayn wayn oo la taaban karo iguma ay yeelan waxa aan se si aayar aayar ah u dareemayay in aan bilaabay in aan farxad joogto ah dareemo.

Qiyaas adiga oo subax walba soo toosa fiidkiina seexda adiga oo aan wax war ah kala socon dunida dhibaatooyinka ka dhacaya, is barbar dhig waxa aad dareentid marka uu kaa soo horbaxo war naxdin leh, ilmo la kufsaday, naag ninkeedii dilay, dad qarax la kulmay, kuwa dhul gariir ku dhintay, kuwa qaxay oo qarqaryo iyo qabow u go'ay. Waxaas oo dhan saamayn taban oo laga yaabo in aadan ku baraarugsanayn ayay noloshaada ku yeelanayaan marka bal suurayso adiga oo ka maran dareenkaas negative ka ah ee farxadaada maalinlaha ah cadawga ku ah.

Haddii aan ka sheekeeyo wanaagyadii faraha badnaa ee naftaydu dareentay, xasiloonidii xad ka baxa ahayd ee aan ku noolaaday ma malaynayo in aan koobi karo. Waxyaabaha ugu waawayn ee naftayda aan ka bartay ayaa ahaa in aan jaanis badan u helay waxa qalbigaygu dareemayo, iyo waxa ruuxdaydu tabanayso. Dareemo badan oo negative ah ayaan fahmay halka iyo sababta ay u imaanayeen. Kuwa farxad iyo naxariis ahaana waan xaqiiqsaday sababta aan uga indho saabnaa.

Tan ugu muhiimsan ayaa ahayd ka maqnaanshahayga khadku in uu ii suurto galiyay in aan naftayda run u sheego, isla xisaabtamo, aanan ka hadlin kana faalloon arrimo aan aniga si toos ah ii saamaynayn.

Waxyaabaha aanan jeclaysan khadkana uga maarmi waayay waxaa ka mid ahaa in aan cidlo faro badan dareemay intii aan maqnaa, joogitaankayga khadkuna isiin jiray wehel faro badan iyo dad aan marwalba la sheekaysto war iyo wacaalna wadaagno.

Waxyaabaha qosolka leh Waxaa kamid ahaa in waxyaabo badan oo dhacay intii aan maqnaa aan dib Ka ogaaday ayagoo waqtigeedii la dhaafay, asxaabtayda markii aan damcay kala doodna lay yiri "Ma waalan tahay, waxaasi waa hore bay ahaayeen." Asbuucyo haddii laygu dareen siiyay in aan dunida Ka dambeeyo tolow maxay baa la dareensiiyaa dadka waawayn ee aan İnternet Ka isticmaalin. Nolosha Soo ugama aynaan dhigin kuwa aan waxba kala socon?!.

Mid aynu dhammaanteen samaynno oo aan anigu layaabay saamaynteedu inta ay le'egtahay ayaa ah in aynu taleefanka isticmaalno oo wax daawanno marka aynu wax cunayno. Taasi waxa ay sababtaa in aynaan uba Soo jeedin wixii aan cunnay ee aan cunto ahaan un u cunnay. Farqiga ay leedahay in aad cuntada adiga oo usoo jeeda cuntid wax lagaaga sheekayn karo maaha ee bal ugu yaraan İsku day in Marka aad wax cunayso sad taleefanka iska dhigtid.

Waxyaabaha aan la cajabay waxaa kamid ahaa intii aan khadka ka maqnaa waxa aan si wayn ugu baraarugay dabiicada iyo deegaanka. Inkasta oo aan awal naftayda u haysan jiray qof nolosha digital ku aysan qaadan oo ku baraarugsan nolosha taleefanka ka baxsan waxaase taas been yiri markii aan arkay aniga oo wax walbaa ila qurxoonaadeen, geedo iyo ubaxyo aanan horay wadada ugu arki jirin arkiya, aniga oo indhahaygu qabanayaan waxyaabo horay u jiray lakin aan moogaa. Aniga sidaas la kulmay intii macquul ah waan isku dayi jiray in aan xakameeyo isticmaalka taleefanka khaasatan marka aan bannaanka u baxo. Maxaad mooddaa qofka aan kuba baraarugsanayn nolosha quruxda badan ee taleefanku dhadhanka ka qaadayo?!.

Haddii ay jirto tijaabo tan lamid ah oo aad martay comment ga igula wadaag.

Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara