Posts

Happy Women’s Day

  HAPPY WOMEN’S DAY Waxa uu usoo qoray farriin kooban balse macno wayn xambaarsan. “Happy Women’s Day.” Waxa uu ugu hambalyaynayaa maalinta haweenka, dhoola-caddayn khafiif ah ayaa bushimaheedu xadeen intii ay eegaysay qoraalka. Si deg-deg ah ayay u qarsoontay farxadii yarayd marka ay maskaxdeedu xasuusatay in uu xalay farriin tan lamid ah “Macquul maaha qorshahaan aad ku fakaraysid, lacag iyo waqtiba waa uu ku lumayaa.” ayuu ku yiri mar ay la wadaagtay mid kamid ah riyooyinkeeda u waawayn.  Taleefankii ayay iska dhigtay, waxa ay usoo baxday bannaanka waxa ay damacday in ay bajaaj u raacdo meel ay u degdegsanayd bajaajlihii ayaa waxa uu u sheegay lacag qaali ah oo aan ahayn tan meesha la gu tago. Haddii ay tiri waxaasi macquul maaha waxa uu si qosol ah u yiri “Daanyeer ma lihid miyaa muxuu yahay gacan adaygu?” Taas ayaa maskaxdeeda ku dhalisay su’aal is waydiin mudan. In aan lacag bixiyo, in aanan gacan adkaan kulli ma waxa ay ku xiran tahay in aan daanyeer haysto? Sifooyi...

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Image
Filimadu waa sida muraayad oo kale, waxa ay ina tusaan xaqiiqooyin aad u xanuun badan, kuwaas oo laga yaabo in aan jeclaan lahayn in aan iska indho-tirno. Muuqaalkaan aan wada daawannay wuxuu xasuusin u yahay sida filimadu aysan kaliya u ahayn madadaalo, balse ay yihiin aalad xoog badan oo lagu muujiyo xanuunka taariikhda, lagu kiciyo dareenka bulshada, laguna hogaamiyo doodo qoto dheer. (Hotel Rwanda: The hutu arrive scene) Filimada aan daawanno ma ahan oo kaliya sheekooyin, ama madadaalo, waa aalad dib u qaabayn karta aragtideenna, waxay furi karaan indhahayaga, waxayna xitaa beddeli karaan sida aan u fahamno dunida nagu xeeran. Hotel Rwanda (2004): oo la sameeyay 10 sano kadib xasuuqii foosha xumaa ee Rwanda ka dhacay ayaa ah Markhaati Taariikheed oo cid walbaa dib u daalacan karto.  Filimkaan  waxa uu xambaarsan yahay xusuus kharaar oo taariikhda ah. Wuxuu dib noogu celinayaa xasuuqii Rwanda ee 1994, wuxuuna ina tusayaa sida hal qof – Paul Rusesabagina – uu u noqday badbaa...

Aniga iyo Xamarwayne

Image
Aniga iyo Xamarwayne Waa galab khamiis ah. Waxa aan xilli casar liiq ah ka soo baxay shaqada. Bajaaj ayaan raacay, kadibna dhanka Xamarwayne ayaan u dhaqaaqay. Naftayda wax ku dhex jira oo meelaha qadiimka ah jecel ayaa jira. Aniga qof kasta oo si dhow ii yaqaanna si wayn buu u garanayaa jacaylka aan taariikhda hore u qabo. Saaxiibtay ayaa hadda kahor annaga oo Cafe alaabo qadiim ah yaallaaan u soconna magaalada Denizli ee Turkiga waxa ay i waydiisay, "Maxay macno wayn kuugu sameeyaan, alaabaha qadiimka ahi?" Wax aan ugu jawaabo galabkaas ma helin, welina ma hayo waxaase aan is waydiin u baahnayn in haddii ay run tahay, aragtida tiraahda dadku nolol hore bay lahaayeen , in aan noloshaas horana aan jeclaa taariikhda, oo nololba nolol kale oo ka horraysay ay ii sii dhiibaysay.  Waxa ay bajaajtii si xowli ah ugu dhacday wadada. Jidka Vita Uno Oktobar marka aan marayay ayaan airpods kaygii xirtay. Heestii Hibo Nura ee Naftayda waan maaweeliyaa ayaa laxankeeda dhegahaygu macaansan...

Hooyo!

Image
Waxa aan daawanayay muuqaallo Tiktok Trend ka ahaa labo bilood kahor oo ay dumarku iskula talinayeen, “Haddii wax kugu dhacaan oo aad caawimaad u baahato, ku qeyli Hooyooy! halkii aad oran lahayd i caawiya ama erayo kale.”  Waxa aan soo xasuustay 10 sano kahor habeen fiidkii aniga oo taagan albaabka gurigayaga ayaa waxaa igu qabtay tuugo qoryo wadata. Waxa aan ku qayliyay Alla Hooyooy! Waxa aan xasuustaa in xaafadaheennii oo dhan isku mar la ga soo wada baxay. Weliba hooyooyinkii dariskeenna ahaa. Sidoo kalana waan arkay waqtiyo kale hooyadey oo si hagrasho la’aan ah bannaanka ugu cararaysa marar ay maqashay gabdho sidaas oo kale la cayrsanayo, ama tuugo heshay.  Erayga Hooyo ayaa waxa uu wataa dareen cajiib ah, dareen dumarnimo oo dabiici ah adiga oo aan hooyo ahayn xataa haddii aad aragto ilmo hooyadiis u ooyaya, waad u nixi oo aad eegi waxa aad u qaban karto.  Waxaa jirtay ayadana dhacdo kale oo maalin dhawayd aan la kulmay aniga oo wadada bajaaj ka raacaya. Mall horta...

Kala Koritaan

Image
Kala Koritaan Waa marxalad soo kala dhex gasha dadka wax wadaagga ah sida lammaanaha, kuwa is dhalay walaalaha iyo saaxiibadda. Waa xaalad labada qof uu midkood wacyi ahaan koro halka kii kale uu iska taagan yahay meeshiisii. Tusaale ahaan nin iyo naag isku wacyi ah, oo heerkooda noloshu siman yahay ayaa is guursaday. Naagtii waxa ay bilowday in ay dhisto oo ay garaadkeeda koriso, halka saygeedii uu meeshiisii hore joogo.  Muddo kadib labadaas qof waxaa adkaanaysa in ay wada joogaan, waayo waxa ay waayayaan wax ay ka wada hadlaan oo labadoodu isku si u dareemayaan. Saaxiibadana badanaa waxa ay soo martaa marka ay waxbrasho wadaag ahaayeen, kadibna waayuhu midba meel u tuuro oo ay kala fogaadaan.  Waa dareen aad u xanuun badan, marka laba qof oo isku dhawaa ay hal mar kala noqdaan labo qof oo aysan jirin wax mideeya. Waxaa jira habab badan oo loo maareeyo haddii ay marxaladdani ku gu timaaddo, waxaana kow ka ah in aad aqbashid adigoo aan qofka kale ku eedaynayn sababta uu meesh...

Labo Kala War La’

Labo Kala War La’ Waxa ay la tacaalaysaa xaalado badan oo isa saaran. Waa in ay dhaqanka waafaqdo si'ay aqbalaad buuxda u hesho, sidoo kalana waxa ay rabtaa in ay caqligeeda ku tashato si'ay u gaarto waxyaabaha dhiirranaanteedu u suurto galinayso. Galab ayada oo daallan, oo kumbuyuutarkeeda ku boobsiinaysa shaqo ay muddo dib u dhiganaysay ayaa waxaa garabkeeda soo fariistay nin da'da 30 meeyada ku jira, isu qaba in uu isagu si wacan u labbisan yahay, balse ayadu wixii u horreeyay ee ay aragtay ay ahayd calooshiisa yar ee shaarka cadi ku ciiqsan yahay. Hadal aysan maqal ayuu ku yiri, waxa ay u qaadatay in uu wax waydiiyay. Si'ay u maqasho warkiisa hadal tirada u badnaan doona ayay heestii markaas u baxaysay joojisay. "Ina adeer gabar qurux badan baa tahaye, wehel waad rabtaa" ayuu inta isu yiri isagu, jawaab isaga oo aan sugin kursigii horteeda yaallay fariistay. Saacadda kumbuyuutarka oo 5tii galabnimo tilmaamaysa ayay isha ku xadday, bal si'ay u qiimayso ...

Ila Qor Qisada Filinkeenna

Image
 Ila qoob ka ciyaar illaa iyo dhammaadka dunida. Aynu wada qosolno marka xaaladuhu ugu murugo badan yihiin. Ina keen aynu ka dhuumanno marxaladaha cakiran, waxa aynu sidii dhallaankii xero iyo guryo ka samaysanaynaa xeelliga xeebta.  ila safar, safar aan jiho lahayn. Aynu wada booqanno guryaha taariikhda leh iyo kuwa la iska hilmaamay ba. Aynu jidka ku sii aragno wax walba oo indhuhu jeclaystaan wax kasta oo qalbigu diido. Aynu markhaati ka noqonno bilaabashada nolosha dad aynaan aqoon. Waxa aan booqanaynaa isbitaal aynaan garanayn magiciisa, waxa aan si habqan ah u dooranaynaa hooyo ummulaysa, waa aan sugaynaa inta ay ka dhalayso. Waxa aan siinaynaa ubaxyo iyo hadiyado, waxaana ugu bishaaraynaynaa in ilmahaas yar  dunidu u noqoto mid soo dhawaysa. Ayaga oo na la yaabban ayaan ka tagaynaa, annagoo ku faraxsan ficilka aan samaynnay.  Ila dhadhami wajiyada ka la duwan ee nolosha. Aynu is yeelanno xilli walba. Aynu si baraad leh iyo si baraad la' ba marwalba is dooranno...