Kala Koritaan
Kala Koritaan
Waa marxalad soo kala dhex gasha dadka wax wadaagga ah sida lammaanaha, kuwa is dhalay walaalaha iyo saaxiibadda. Waa xaalad labada qof uu midkood wacyi ahaan koro halka kii kale uu iska taagan yahay meeshiisii. Tusaale ahaan nin iyo naag isku wacyi ah, oo heerkooda noloshu siman yahay ayaa is guursaday. Naagtii waxa ay bilowday in ay dhisto oo ay garaadkeeda koriso, halka saygeedii uu meeshiisii hore joogo.
Muddo kadib labadaas qof waxaa adkaanaysa in ay wada joogaan, waayo waxa ay waayayaan wax ay ka wada hadlaan oo labadoodu isku si u dareemayaan. Saaxiibadana badanaa waxa ay soo martaa marka ay waxbrasho wadaag ahaayeen, kadibna waayuhu midba meel u tuuro oo ay kala fogaadaan.
Waa dareen aad u xanuun badan, marka laba qof oo isku dhawaa ay hal mar kala noqdaan labo qof oo aysan jirin wax mideeya. Waxaa jira habab badan oo loo maareeyo haddii ay marxaladdani ku gu timaaddo, waxaana kow ka ah in aad aqbashid adigoo aan qofka kale ku eedaynayn sababta uu meeshiisii u taagan yahay haddii aad adigu tahay qofka koray.
Waxaa dhacda ayaduna badanaa in qof uu dadaal dheeri ah sameeyo, maskaxdiisa dhiso taas oo si degdeg ah uga korisa saaxiibadiisii uu fadhi wadaagga la ahaa. Marxaladaasi inta ay farxad iyo dhiirrigalin tahay, in le’eg ayay murugo iyo cidlo tahay. Marka aad ka kortid dadkii aad la ayniga ahayd, waxaa adag aqbalaadda hardanka cusub ee maankaagu galay waana sababta dhalinyaro badan marka ay akhriska bilaabaan gooni socod u noqdaan.
Xalka ugu habboon waa dad isku wadid. Adiga oo aan dadkaagii hore tuurayn, samayso bulsho cusub oo la jaan qaadaysa heerka kobaca maskaxeed ee aad gaartay. Kuwaagii hore ayaga ayaa ama ku soo raaci doona, ama aayar aayar ayuu midba mar u lumayaa. Haddiise uu yahay qofka kala koritaanku idin soo dhex galay lammaane aad jacayl wadaag ahaydeen, waxaa adag in xiriirkaasi miro dhalo oo uu macno sii lahaado.
Hore isuma waydiin sababta laakiin waxaan hadda xasuustay goor aan asxaab aan wada sheekaysanno oo la odhan karo saaxiibka nolosha yeesho inay iigu danbaysay 2021 intii ka danbaysay waxaan asxaab yeesho mid waliba inta khusaysa sida kuwa jaamacada inta jamacada uun inaan ka wada sheekaysanno, kuwa shaqada saaxiibbo shaqo ay noqdaan; kuwii waagii iigu danbaysayna aan isku daalnay saan isu lahayn aynu isasoo qabanno markastoo aan is aragno-na aynu isasoo qabanno aan ku kala tagno......Mahadsanid.
ReplyDelete