Labo Kala War La’
Labo Kala War La’
Waxa ay la tacaalaysaa xaalado badan oo isa saaran. Waa in ay dhaqanka waafaqdo si'ay aqbalaad buuxda u hesho, sidoo kalana waxa ay rabtaa in ay caqligeeda ku tashato si'ay u gaarto waxyaabaha dhiirranaanteedu u suurto galinayso.
Galab ayada oo daallan, oo kumbuyuutarkeeda ku boobsiinaysa shaqo ay muddo dib u dhiganaysay ayaa waxaa garabkeeda soo fariistay nin da'da 30 meeyada ku jira, isu qaba in uu isagu si wacan u labbisan yahay, balse ayadu wixii u horreeyay ee ay aragtay ay ahayd calooshiisa yar ee shaarka cadi ku ciiqsan yahay.
Hadal aysan maqal ayuu ku yiri, waxa ay u qaadatay in uu wax waydiiyay. Si'ay u maqasho warkiisa hadal tirada u badnaan doona ayay heestii markaas u baxaysay joojisay. "Ina adeer gabar qurux badan baa tahaye, wehel waad rabtaa" ayuu inta isu yiri isagu, jawaab isaga oo aan sugin kursigii horteeda yaallay fariistay. Saacadda kumbuyuutarka oo 5tii galabnimo tilmaamaysa ayay isha ku xadday, bal si'ay u qiimayso inta waqti ah ee ay macno darrada soo socota u heli karto.
Waxa ay aad u aaminsan tahay in ixtiraam buuxa bini'aadamka la siiyo inkasta oo dadka qaar ixtiraamkoodu adag yahay. Hadal ayuu sii bilaabay, ma uu eegin xataa qofkaan aad khash-khashaadaysaa jaanis ma u hayaa waxa aad waqtiga uga dhuminayso.
"Gabdhahu maalmahaan goobaha dadwaynaha waa ku soo badanayaan. Ayaga oo si wacan u labbisan ayay makhaayadaha imaanayaan inta laptop soo qaataan, annagu haddaan ina rag nahay waxa aan u aragnaa in ay arrintaasi u gogol xaarayso isbarasho wanaagsan oo si wacan u dhacda." Ayuu sidii in uu meel ka akhrinayo u boobsiiyay.
Xanaaq daran ayaa wajigeeda ka muuqda balse weli waxa ay is leedahay hadal xanaf leh ha ku hadlin. "Walaal, miyaadan arkayn in aan shaqo gacanta ku hayo?" "Oo haddaa ku haysidna? Nin masuul ah baa kuu yimid, miyaysan ahayn in aad jaanis siiso?"
Masuulka iyo sinjiyadda reerihiisa in ay caydo ayay maskaxdeedu u sheegtay. Ha qeylin waa goob dad badani joogaan'e ayay isugu caqli celisay. "Walaal, anigoo ku ixtiraamaya, waxa aan jeclaan lahaa masuulnimadaada in aad meel kale la aaddo waqti ma hayee." Wajigiisa ayaa la ga dareemayaa in uu dhibsaday qaabka ay ula hadashay. Ayadu waxa ay la yaabban tahay dhiirranaantiisa, isna waxa uu la yaabban yahay sida ay qaabkaas ula hadashay isagoo waqti siiyay. "Waxa aad u soo labisatay, oo aad bushimaha usoo casaysatay in lagula hadlo, marka lagula hadlana waji kale ayaad la soo baxaysaa. Waan aqaan waa shuqul naageed." Ayuu si xanaaq ah inta u yiri ku laabtay kursi niman asxaabtiisa ahi fadhiyaan.
Ayadii baa dib isugu laabatay. Laabteeda ayuu su'aal ku shiday aysan horay isu waydiin. In aan is qurxiyo oo aan bushimaha gaduudsado, ma waxa ay casumaad u diraysaa in nin walba sida uu isagu jecel yahay iila hadlo? Miyaana qof bini'aadam ah oo dookhiisa ku socon kara ahayn? ayay is waydiisay. Nafteedii ayaa shakiday.
Dhegteeda ayaa waxaa soo gaaray wada sheekaysi ninkii masuulka ahaa iyo saaxiibadiis dhex maraya, "Niyow dumarkii waa soo hallaabayaan, goob walba ayaga oo lebbisan ayay kaaga horreeyaan, haddaad la hadashana waa ay is macnaynayaan." Mid kale oo asxaabta kamid ah ayaa si jees jees ah u jawaabay, " War saaxiib saas maaha, waxa ay rabaan in hadalka lagu badiyo, oo warka la gu celceliyo, haddii ay figta horaba si dabacsan u jawaabto waxa ay ka baqaysaa in loo fahmo in ay markii horaba diyaar ahayd."
Hadalkiisaas marka ay maqashay ayay ka baqday in uu kii ku soo laabto isaga oo u qaba in ay is adkayn dumar meesha u fadhido.
Kumbuyuutarkeedii ayay inta isku laabatay hal-haleel uga soo baxday cafe gii si'ay u raadsato meel kale oo ay si daggan wax ugu qabato. Nafteeda ayaa si gunuunuc ah ugu sheegaysay in ay go'aan fulaynimo leh qaadatay. In ay ogolaatay in cid kale dhaqankeed ay saamayso ayada nolosheeda.
Comments
Post a Comment