Aniga iyo Xamarwayne

Aniga iyo Xamarwayne

Waa galab khamiis ah. Waxa aan xilli casar liiq ah ka soo baxay shaqada. Bajaaj ayaan raacay, kadibna dhanka Xamarwayne ayaan u dhaqaaqay. Naftayda wax ku dhex jira oo meelaha qadiimka ah jecel ayaa jira. Aniga qof kasta oo si dhow ii yaqaanna si wayn buu u garanayaa jacaylka aan taariikhda hore u qabo. Saaxiibtay ayaa hadda kahor annaga oo Cafe alaabo qadiim ah yaallaaan u soconna magaalada Denizli ee Turkiga waxa ay i waydiisay, "Maxay macno wayn kuugu sameeyaan, alaabaha qadiimka ahi?" Wax aan ugu jawaabo galabkaas ma helin, welina ma hayo waxaase aan is waydiin u baahnayn in haddii ay run tahay, aragtida tiraahda dadku nolol hore bay lahaayeen , in aan noloshaas horana aan jeclaa taariikhda, oo nololba nolol kale oo ka horraysay ay ii sii dhiibaysay. 

Waxa ay bajaajtii si xowli ah ugu dhacday wadada. Jidka Vita Uno Oktobar marka aan marayay ayaan airpods kaygii xirtay. Heestii Hibo Nura ee Naftayda waan maaweeliyaa ayaa laxankeeda dhegahaygu macaansanayeen. Waxaa dareenkayga jiitay marka ay leedahay;

Midigta waan is haysannaa

haddana meel fog buu jiraa

Mahadhada anaa qabee

Maankiisu waa iga jeedaa. 

Waxa aan daqiiqado yar ka fakaray, sida ay u xanuun badan tahay in aad jeceshahay qof aan ku jeclayn oo weliba qofkaasi uusan kaa dheerayn ee uu kula joogo isaga oo maankiisu kaa jeedo. Jiriirico ayaa igu jajabtay. Waxa aan isu sheegay in aanay waxaas igu dhacayn kadib ayaan hees kale daartay. Dhegahayga ayaa calaacalkii Hiba uga nastay codka Qalinle oo si xarrago leh gabadhuu u jeclaa u leh;

Ubaxoo Dillaacaay

dawadii Naftaydaay

Haween taan ka doortaay

Sida dayaxa Nuraay

Waxa aan sawirtay anigoo beer suuf ah, iyo ubaxyo cad-cad dhex cararaya, oo aan la joogo nin aan jeclahay, ku qanacsanahay isna ku faraxsan la joogayga. Riyo soojeedkii quruxda badnaa waxaa hal mar iga qasay, askari qori la ordaya oo bajaajlayda kala celinaya. Waxa aan is waydiiyay waxa ay la caraysan yihiin. Marar badan xanaaqa askarta ee macno darrada ah ayaa waxa uu sababaaa traffic aan loo baahnaynn, lagana maarmi karay. Waxaan isku canaantay in ay edebdarro tahay in aan eedeeyo askariga duruuftaas adag ku shaqaynaya mushahar ahaantana u qaata wax aan 10 beri la gu noolaan karin. 

Xamarwayne ayaan tagay. Maqaaxida Jawi ayaan Coffee ka qaadanayay, kuna sugayay qof aan isla wareegi lahayn luuqyada Xamarwayne. Dalabkii ayaan dhiibtay kadibna kuraas cidlo ah oo bannaanka taallay ayaan soo fariistay. Waxaa geesaha iga soo fariistay 3 oday oo reer xamarwayne ah. Way ila kaftameen. Mid ayaa xoogaa aad iila sheekaystay. (Lama goodle) ma tihid baa u malaynayaa ee halkee ka timid ayuu i waydiiyay.

Waan ku qoslay hadalkiisa, kadib ayaan waydiiyay waxa lama goodle la ga wado. Waxa uu iigu jawaabay in kuwa mad-madow ee geelka dhaca ay magacaas u yaqaannaan. Mid kale oo dhinaca kale ka fadhiyay ayaa yiri "Gabadhaan lama goodle maaha, Camudi waaye annakay na ga dhuntay." Camuudi in uu yahay reer ayaan soo bartay. Kaftan badan iyo is xaal waraysi ayaa na dhex maray. Waxaa dareenkayga soo jiitay sida furan ee ay dadka waawayni u jecel yihiin in ay xogtaada oo dhan ogaadaan, ayaga oo aysan jirin wax uga kordhaya. 

Waxaa na la soo fariistay wiilkii aan sugayay. Isaga oo aan hadlin ayaa odaygii i waraysanayay waxa uu yiri "Lama goodle, maxaa gabarta ka fiirinee?" Qosol ayaan is celin waayay. Labadeennii ayaa inta is eegnay, haddana markale qosolnay. Waxaa qosolka sii badinaysay in uusan odaygu ogayn in aan wada soconno. Xoogaa ayaan la sheekaysannay kadib ayaan qaxwaheennii oo diyaar ah qaadannay. 

Albaabkaygii oo maqaaxi shawarmada samaysa ah ayaan si murugo leh usii jalleecay. Weli kama kaban niyadjabka aan ka qaaday. Waxaa wax la ga naxo ah in Xamarwayne ay ka bilaabatay dumin guryaha qadiimiga ah dadkiina ay dhisanayaan dabakhyo cusub. Dawladda iyo cid walba oo arrintaas ku shuqul leh waxaa saaran masuuliyad ah in la ilaaliyo waxyaabaha taariikhda muujinaya, oo aan sidaas fudud loo sal guurin raadadka bulsho dhan oo kumanaan sano meel daganayd. 

Waxa aan ka soo baxnay luuqa masaajidka Jaamacadda oo ay dad badani hortiisa fadhiyaan. Odayaal badan oo sheekaysanaya ayaa waxaa hareerahooda ku ciyaarayay ciyaal yaryar oo kubad si xamaasadaysan u dheelaya. Guryaha qaarna waxaa hor fadhiyay hooyooyin ayagana wajiyadooda farxadi ka muuqato. 

Waxyaabaha ay Xamarwayne ka ga duwan tahay, xaafadaha ama magaalooyinka kale ee soomaalida waa in dadkeedu marwalba waji dhoola-caddaynaya oo aan is lurid lahayn leeyihiin. 

Waxa aan ku soo dhacnay wadada Corso Della Somala. Masaajidka Fakhrudiin ayaan cabbaar hortiisa taagnayn. Waxa aan wiilkii ila socday oo Xamarwayne si fiican u kala yaqaanna waydiiyay dhisme burbursan oo hortayda ka muuqday waxa uu yahay. "Waa wasaaraddii kalluumaysiga ayuu iigu jawaabay." Burburku waxa uu xanuun badan yahay, marka aysan muuqan ifafaalo kabitaan. 

Wadadii baan sii qaadnay. Waxa aan hor istaagnay Baar Minashiibiyo. Hortiisa ayaan sawiro ku galay. Waxa ay ishaydu qabatay nin wayn oo meesha buundada fadhiya, waxa uu aha dadka xamarwayne dagan. Wajigiisa waxaa ka muuqatay hilow faro badan. Dharkiisa iyo muuqaalkiisa waxa uu u ekaa qof bannaanka ka yimid, oo waa tebyo iyo xasuustiisii carruurnimo xeebta la daawanaya. Buundada oo wasakh iyo ur aan agteeda lala istaagi karin ayaan soo ag istaagnay. 

Waxa uu si ku dhex noolaansho ah nooga sheekeeyay sida ay wadadaani ahaan jirtay. In dadka magaalada elite ka ahi ay baarkaan aan haraadigiisa hortaagannahay usoo caways tagi jireen. 

Waxa uu isaga oo gacanta ku fiiqaya dhanka masjid Fakhrudiin noo sheegay in uu tagi jiray Shaneemo Xamar oo ku taallay ka soo horjeedka Masjid Arbaca Rukun. Cabbaar ayaan ka waraysannay waayihiisii dhalinyaranimo, riyadii quruxda badnayd iyo sida ay wax walbaa ahaayeen. Waxa uu gacanta ku fiiqay ciyaal mad-madow oo kubad ku ciyaaraya Baar minashiibiyo hortiisa. "Waxaan miyaa halkaan joogi jiray" ayuu si quus ah u yiri. Tan anigu cunsurinimo uma fahmin, waxa aanse u qaatay qof u hiloobay gurigiisii iyo in uu ka niyadjabsan yahay isku dhex yaaca magaalada ka dhacay. 

Dareenkii hilowga ahaa oo igu siyaaday ayaan ka tagnay odaygii oo sidiisii guryaha burburay iyo wadada wasakhda la ga buuxiyay daawanaya. Waxa ay niyadaydu is tiri “Adigu waxa aad aragtaa wasakh iyo guryo jajabay. Isaga se waxaa u muuqata xusuuso qurxoon, laami dhisan iyo dad ku xarragoonaya labisyo kala jaad ah.”

Galab dheer oo aan qorrax dhaca xeebta xamarwayne ku daawaday ayaa sidaas ku dhammaatay. Dakadda ayaa halkaas shishe iiga muuqatay. Uma qabin in dakadda magaaladu meeshaas tahay, waxaa ii sawirnayd meel wayn oo qurux badan tan yarna waxa aan u haystay in ay tahay mid iska yar oo ku sii sugid ah. Layaabkayga ayada ayaaba ah dakadda magaalada. 

Aniga iyo Xamarwayne waxaa na ga dhaxeeya xiriir qoto dheer, waxaana niyad jab ah in uu dhaxalkaas qadiimka ah horteenna ku burburayo. 




Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara