Hooyo!
Waxa aan daawanayay muuqaallo Tiktok Trend ka ahaa labo bilood kahor oo ay dumarku iskula talinayeen, “Haddii wax kugu dhacaan oo aad caawimaad u baahato, ku qeyli Hooyooy! halkii aad oran lahayd i caawiya ama erayo kale.”
Waxa aan soo xasuustay 10 sano kahor habeen fiidkii aniga oo taagan albaabka gurigayaga ayaa waxaa igu qabtay tuugo qoryo wadata. Waxa aan ku qayliyay Alla Hooyooy! Waxa aan xasuustaa in xaafadaheennii oo dhan isku mar la ga soo wada baxay. Weliba hooyooyinkii dariskeenna ahaa. Sidoo kalana waan arkay waqtiyo kale hooyadey oo si hagrasho la’aan ah bannaanka ugu cararaysa marar ay maqashay gabdho sidaas oo kale la cayrsanayo, ama tuugo heshay.
Erayga Hooyo ayaa waxa uu wataa dareen cajiib ah, dareen dumarnimo oo dabiici ah adiga oo aan hooyo ahayn xataa haddii aad aragto ilmo hooyadiis u ooyaya, waad u nixi oo aad eegi waxa aad u qaban karto.
Waxaa jirtay ayadana dhacdo kale oo maalin dhawayd aan la kulmay aniga oo wadada bajaaj ka raacaya. Mall hortayda ku aaddanaa, ayaa waxaa ka soo baxay nin iyo naag wada socda waxaa hareeraha ka socday labo wiil oo aad u yar-yar. Labadii wiil midkood ayaa waxa uu si orod ah ugu cararay dhanka wadada oo ah meel jaam ah gawaari badanna marayaan. Hooyadii wiilka wadatay oo aan u badinayo in ay ayadu dhashay iyo labo dumar ah oo kale ayaa isku mar u wada cararay in ay qabtaan wiilka yar.
Ninkii la socday oo aan u malaynayo in uu Aabbihiis ahaa, waxaa ka dhakhso badnaa, oo dareenkooda hooyanimo uu kiciyay, dumar aan aqoon ilmahaas yar.
Sidoo kale waxyaabaha aan xasuustayda ka bixin waxaa kamid ah, habeen annaga oo wada joogna gurigeenna, waxaan ahayn hooyo, aniga dhawr qof oo kale iyo Aabbe oo markaas bannaanka ka yimid ayaa waxaa koronto ka qaraxday qol switch ka korontada saacadeedu ku xirnayd. Maanso ayaa ka kacday, kadib ayaan kulligeen ka soo wada cararnay. Hooyo oo albaabka qolka fadhiday ayaa qolkii irridkiisa maansadu ka qaraxday gudaha u gashay. Annaga oo yaabban ayay ilbiriqsiyo gudahood ka soo baxday ayada oo wadata walaashay oo markaas bilo un jirtay. Ma aha in uusan midkeenna jeclayn gabadha yar, ee dareenka ah in aad ilmahaaga xasuusatid inta aadan naftaada xasuusan ayaa waxa uu yahay mid cajiib ah oo aan dunida wax lala barbar dhigi karaa jirin.
Gabdhaha waan kula talinayaa in ay taladaas isticmaalaan oo ay Hooyo i Caawi ku qayliyaan, haddii ay khatar dareemaan. Sidoo kalana caruurta bara in ay hooyooy yiraahdaan intii ay erayo kale isticmaali lahaayeen.
Waan hubaa waxaa jirta hooyo ku maqli doonta oo aan ku dhagaysanayn ayada oo oohintaada maqlaysa.
Jacayl iyo Naxariis waarta dhammaan hooyooyinkeen.
Comments
Post a Comment