Posts

Isbad-baddalka Dareennada

Image
 Isbad-baddalka Dareennada Qof baad jeclaatay, oo aad u boholyowday. Xiriirkiinnii buu si’aan macno lahayn u jaray. Codkiisii baad baadi goobtay, meel walba oo aad ka heli kartay ayaad haleeshay waadse ku guuldarraysatay, adigoo hurda waayay aawadiis, waqti badanna kaaga baxay sidii aad maskaxdaada uga sifayn lahayd ayaad muddo noolayd.  Waxaa ku soo hormaray daqiiqado iyo maalmo aad wax walba isaga ka dhex arkaysay, marxalad walba oo aad ku jirtid waxa aad is oranaysay tolow muxuu ka dhihi lahaa? Miyaysan wacnaateen in aan hadda wada joogno. Si dabiici ah ayuu qofkii laabtaada uga baxay, waxa aad is aragtay adiga oo aan wax dareen ah u qabin. Qofkii haddii aad magaciisa ku aragto shaashadda taleefankaaga wadnuhu ku garaacmi jiray ayaa habeen adiga oo iska faraxsan ku soo wacay.  Waad laba boglaysay, miyaan ka qabtaa mise waan iska daayaa ayaad iskula faqday, intii aad is waraysiga isugu maqnayd ayuu call kii go’ay. Waxa aad damacday in aad WhatsApp ka dib ugu noqoto, si ...

Talooyin ku anfici kara

Image
GACALO waxa aan kuu wadaa dhawr qodob oo ku anfici kara;  1. Nolosha adduunku waxa ay noqotay mid maslaxad ku dhisan. Xiriirada badankoodu waxa ay noqdeen kuwa dan ku dhisan haddii ay yihiin kuwa saaxaabtinimo, kuwa jacayl iyo kuwa qoysba. La how wax dadku kuugu soo hirtaan, sidoo kalana adigu ku dooro dadka kale hadba waxa ay kugu kordhinayaan.  2. Haddii aad ku jirta da’da qaan-gaadhnimada ama labaatanyeedaba waxa aad haysataa fursad wayn. Fursad ay fududahay in ay si fudud ku gu dhaafto adiga oo aan ka faa’iidaysan. Ka lahow nolosha qorshe cad, si’aadan hadhow u wareerin. Baro xirfad, kaa caawinaysa in aad nolosha horay ugu socoto. 3. Ka gudub xayn daabka maxay dadka kale iga aaminayaan. Anigaa kuu sheegaya, wax macno ah kuma fadhido waxa ay dadka kale kaa aamini doonaan. Cidina kuma xasuusnaan doonto, marna ha isaga dayn, qorshe aad lahayd, shaqo aad bilaabi lahayd ama qof aad dooran lahayd dadku sida ay kuu arki doonaan.  4. Marna hadde waa marna ha ka baqin in aad h...

BAL SAWIRO

Image
  BAL SAWIRO!  Waxa aad adiga oo faraxsan u raacday badda gabdhaha saaxiibaddaa ah. Waqti qurxoon ayaad soo qaadateen, jallaato ayaad cunteen cabbaarna waxa aad ka sheekaysateen nimanka noloshiinna ku jira. Waxa ay ku waydiiyeen wiilka aad dhawaanahaan isla baxayseen halka aad isla maraysaan. Adiga oo dhoolla-caddaynaya ayaad u sheegtay in xiriirkiinnu sidii ugu wacnayd u socdo, muddo 6 bilood ahna aadan shukaansan cid aan isaga ahayn. Saaxiibtaa Khadra oo ah nooca ragga aaminitaankooda shakiga ka qaba ayaa kugula kaftantay, “Maxay ahayd maah-maahdii, ukuntaada hal sallad ha ku wada ridin. Naa naag qurux badan baa tahee illaa meher kugu dhaco hal nin ha isku koobin.” Adiga oo niyadda iska leh haddii ay Bile arki lahayd niyadeedu way isbaddali lahayd ayaad dhoolla-caddayn ku dhaaftay warkeeda.  Music qaaci ah, oo huteel xeebta saaran ka daaran ayaad cabbaar wada dhagaysateen kadibna in aad berri shaqo leedihiin ayaad is xasuusiseen meeshiina waad ka soo dareerteen. Bajaaj ...

MURUGO QURUX BADAN: DABADEED WAY IS GUURSADEEN

Image
Wax walbaa waxa ay ku bilowdeen murugo, waxa ayna ku dhammaadeen murugo, sidii in aysan waxba isbaddalin oo kale. Waxa ay u ekayd sidii in aysan meeshoodii ka dhaqaaqin, haddana waxa ay ku noolaadeen nolosha noocyadeeda kala duwan.  Subax qurux badan ayay Libin oo hooyadeed la jeclaatay magac guul ka turjumaya, balse nolosheedu noqotay taas cagsigeeda, waxa ay usoo dhaqaaqday dhanka xeebta si’ay u dareento nafisaad. Habeenkii ka horreeyay subaxaas oo dhan waxa ay ku qaadatay, oohin iyo murugo sababtoo ah jacaylkeedii, ninkii ay ragga ka dooratay ayaa u sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu sii wado xiriirkeeda.  Waxa ay fariisatay xeebta, biyaha badda oo mawjaduhu soo riixayaan ayaa ku soo daadanayay cagaheeda, ayaduse waxa ay u ekayd qof aan dareemayn. Maskaxdeedu waxa ay ku dhex dhuntay badwaynta, oo waxa ay is waydiinaysay sida ay macquul u tahay in qof aad jeclaatay sidaas fudud ku gu cidleeyo. Dhanka kale Ladane oo isaguna murugoonaya, oo raba in uu is illowsi...

180km/hr

Image
Gaariga oo taagan, daaqadda oo furan ayaan ka soo baxay albaabka gurigayga. Waa saq dhexe xilli qof walbaa seexday. Barafuunkiisa ayaa markiiba i saaqay. Waan u dhoola-caddeeyay kadib ayaan iri "Nolosheenna waxa ugu qurxooni waa wareegga aan xilligaan u baxno." Suunka ayaan xirtay kadibna gaariga ayuu dhaqaajiyay.  Heestii koowaad ayuu daaray. Oh Wonder - Livewire.  "Your love will take me higher and higher" marka uu fannaanku qaadayay ayuu isoo eegay. Laamiga ayaan soo gaarnay kadib ayuu xawaarihii gaariga siyaadiyay. Magaaladu waa Garowe, waddooyinku waa dhisan yihiin waana cidlo.  Bixidaani waxa ay uga duwan tahay kuwii ka horreeyay in ay tahay teennii u dambaysay. Berri subixii ayaan baxayaa, in aan dib isu aragnana waa masalo ku xiran hadba sida laandhuugu u dhaco.  Laamiga oo cidlo ah, wadada oo mugdi noqotay madama aan xoogaa ka soo fogaannay magaalada, gaariga oo ku soconaya 180km/hr wadnahayga oo xoog u garaacmaya, kiisa oo aanan qiyaasi karin i...

JANNO

Waan ku arkay oo ku caashaqay. Waa wax la gu qoslo in wax noocaas ah qof loola tago ayuu niyadda iska yiri. Ee maxaad samaysaa waa sidaas sida aad dareemayside? Miyaysan ku gu filnayn in aad bilooyin sheedda ka daawanaysay taasi sifo uguma filna miyaa jacaylkaaga saafiga ah? Oo yaa og in aad daawanaysay daawashadaasi miyaysan sababayn in la guu maleeyo mid wax si ka yihiin oo dadku la jaalkiisa ka durkaan?. Su'aalo aan dhammaanayn ayaa maskaxdiisa hadba dhinac u jiiraya, qalbigiisana jacayl intaas xaddi le'eg ayaa dhex heehaabaya.  Waa kan isaga oo galab galbaha kamid ah fadhiya daaqadiisa oo sugaya soo maritaankeedii joogtada ahaa. Waxa ay indhihiisu ku dhaceen daqiiqad habaaran bushimaheedii qosolka u samaysnaa oo si xad dhaaf ah u dhoolla-caddaynaya. Alla anaa jabay! Ma cid aan aniga ahayn ayaa sidaas uga qoslin karta. Oo maxay uga qoslin wayday soo adiga dhiirran waayay.  Marka aad waji ka waji isaga soo hor baxdaan si marxabayn ah ayay kuugu muusootaa mararka qaarna waaba...

YAA U BAAHAN JACAYL MARKA UU LACAG HAYSTO?

Foolxumaa jacaylku marka labada qof isku dhacaan. Haddana qurux badanaa marka xiisaha, carafta iyo saxansaxada rabitaanku dul wareegayso labo dareemaya in ay ayagu yihiin kuwa dunidaan u yimid in uu midkood ba kan kale hantiyo.   taleefankiisa ayay farriin gaaban balse macno wayn ku fadhida, farriin gacanta ay ka timid aan u lahayn macne ka sarreeya dareensii in aad heshay qof ka mudan isaga, balse qalbiga ay ku dhici doonto labo qeyb u kala dhanbali doonta, Farriin wiil jacaylka aaminsan weli, dareen xad dhaaf ah u haya tii koowaad ee uu indhaha ku furtay ka dhigi doonta in uu noqdo shabeel naagood dumarka sida shaarka iska ga beddala. Wiil qalbi nadiif ah leh ayay u rogi doontaa farriintaan yari mujrim aan wax aaminaad ah u hayn dunida waxa caqiidooyin yaalla. "Yaa u baahan jacayl marka uu lacag haysto?!." İn uu khalad akhriyay ayuu dhawr jeer ku shakiyay waase uu xaqiijiyay in su'aashu sidaas u dhigan tahay. Fajaciso kuma ay noqon oo Maryamo waa uu ka faliyay hadalkaas...