JANNO
Waan ku arkay oo ku caashaqay. Waa wax la gu qoslo in wax noocaas ah qof loola tago ayuu niyadda iska yiri. Ee maxaad samaysaa waa sidaas sida aad dareemayside? Miyaysan ku gu filnayn in aad bilooyin sheedda ka daawanaysay taasi sifo uguma filna miyaa jacaylkaaga saafiga ah? Oo yaa og in aad daawanaysay daawashadaasi miyaysan sababayn in la guu maleeyo mid wax si ka yihiin oo dadku la jaalkiisa ka durkaan?. Su'aalo aan dhammaanayn ayaa maskaxdiisa hadba dhinac u jiiraya, qalbigiisana jacayl intaas xaddi le'eg ayaa dhex heehaabaya.
Waa kan isaga oo galab galbaha kamid ah fadhiya daaqadiisa oo sugaya soo maritaankeedii joogtada ahaa. Waxa ay indhihiisu ku dhaceen daqiiqad habaaran bushimaheedii qosolka u samaysnaa oo si xad dhaaf ah u dhoolla-caddaynaya. Alla anaa jabay! Ma cid aan aniga ahayn ayaa sidaas uga qoslin karta. Oo maxay uga qoslin wayday soo adiga dhiirran waayay.
Marka aad waji ka waji isaga soo hor baxdaan si marxabayn ah ayay kuugu muusootaa mararka qaarna waaba ay ku salaantaa balse adigu sidii qof la maray ayaad durduro ku dhaaftaa. Ayuu isku canaanayaa. Ma laga yaabaa in ay kuu haysato qof aan danba ka lahayn. Waxa ay u badan tahay in ay dhawr jeer is waydiisay muxuu yahay ninkaan wax yar uusan joogitaankaagu saamayn ku yeelan. Soo tan nimanka ku arka oo dhami aysan ku dhaafin ayaga oo aan ku salaamin, ama aan waji qurxan ku tusin.
Hadda nin isaga asaagiis ah ayaa ka qoslinaya haddii uu isagu is hagraday. Qarracanka iyo qalbi jabku marna dawo uma aha, qalbigiisa sida muraayadda horteeda ugu daadanaya. Ma ku carartaa oo ma tiraahdaa Jannooy anaa kuu jeel qaba, oo la'aantaa noloshu gabaabsi igu tahay ayuu iskula faqay. Oo taasi maxay macno ah oo u leedahay gabadh sideeda oo kale u qurux badan. Gabar haysata danaynta nimanka kuwa wax iskuma falayaasha ah iyo kuwa masuuliyiinta ahba, gabar ina rag oo dhan uu u joogsanayo jamaalkeeda.
Maya sidaani macquul maaha! Waa in aad adigu ayaga ka duwanaataa waa in aad la timaaddaa wax nabdigeeda raad ku yeesha oo sababa in ay muddooyin badan ku xasuusnaato. U tag oo dheg iyo dhaban dharbaaxo fuji ayaa ku soo dhacday. Oo haddii ninka dheer, xoogga wayn oo aad moodid in uu dagaal u tababartay uu adiga taad taagtid ku jabiyo maxaad fali ayuu markale isugu caqli celiyay inta uu lafihiisa yaryar ee caatada la liita dib u jalleecay.
Waxa uu sawirtay ayada oo isaga u dhoolla-caddaynaysa isagoo isagu ku jira booska ninkaas waqtigiisa inta u badnayd gym ka galiyay. Alla armay ku caajistaa, armuusan sidaada oo kale u noqon. Oo adigu sideed u noqon lahayd? Buugaag baan u akhrin lahaa, habeen iyo maalin suugaan ayaynu ku wada sheekaysan lahayn, maalin walba oo dhalata dhammaatana waxa aan bari lahaa hees cusub. Miyuu dhammaanayaa keydka heesahaygu haddii aan inta nolosheenna ka dhimman oo dhan wada joogno.
Samriyow dadku adiga oo kale ma wada aha, ayaa cod uusan aqoon halka uu ka yimid ka ga naxsaday. Waxaa la ga yaabaa in aysan janno waxaas aad taxday oo dhan aysan macno u samaynayn. In ay rabto wiil la haysta moodada, maxaa ka cusub instagram ka. Maxaa la ga sheegay snap ka ayay jeclaysan kartaa kuwa sidaada oo kale waqtigooda fanka galiyay waxaa la ga yaabaa in ay kuwa wareersan u aragto.
Maya waa beentaa. Janno noocaas ma noqon karto, anaa dheegtay, oo dhawrayay muddo, waxa aan dhibic dhibic ula socday dhaq-dhaqaaqeeda oo dhan. Waxa ay jeceshhay muusigga, waxa ay dhex jaastaa qolkeeda, waxa ay habeenkii oo dhan ku dhafartaa akhriska classics ka. Waa ogahay oo waan hubaa way ku caajisi doontaa feera waynahaas ayuu si is difaacid ah ugu jawaabay.
Markii u dambaysay ayaa dhegihiisa waxaa u shanqaray codkeedii wax u eg, oo sidii music la tumayo u qoslaya. Indhahaa illini gobo' tiri. Si quus ah ayuu u yiri, "Janno caawa nin baa la jooga, nin ay u dhoolla-caddaynaysay ayaa agteeda fadhiya, adigu iska iimaanso in aad indhaha oo kaliya ka daawatid adaa is hagradaye." Tolow maxay falayaan ayuu markii u dambaysay is waydiiyay. Oo maxaa kaaga jira waxa ay falayaan nin iyo naag ayagu is gaclooday?
Comments
Post a Comment