180km/hr
Gaariga oo taagan, daaqadda oo furan ayaan ka soo baxay albaabka gurigayga. Waa saq dhexe xilli qof walbaa seexday. Barafuunkiisa ayaa markiiba i saaqay. Waan u dhoola-caddeeyay kadib ayaan iri "Nolosheenna waxa ugu qurxooni waa wareegga aan xilligaan u baxno." Suunka ayaan xirtay kadibna gaariga ayuu dhaqaajiyay.
Heestii koowaad ayuu daaray. Oh Wonder - Livewire. "Your love will take me higher and higher" marka uu fannaanku qaadayay ayuu isoo eegay. Laamiga ayaan soo gaarnay kadib ayuu xawaarihii gaariga siyaadiyay. Magaaladu waa Garowe, waddooyinku waa dhisan yihiin waana cidlo.
Bixidaani waxa ay uga duwan tahay kuwii ka horreeyay in ay tahay teennii u dambaysay. Berri subixii ayaan baxayaa, in aan dib isu aragnana waa masalo ku xiran hadba sida laandhuugu u dhaco.
Laamiga oo cidlo ah, wadada oo mugdi noqotay madama aan xoogaa ka soo fogaannay magaalada, gaariga oo ku soconaya 180km/hr wadnahayga oo xoog u garaacmaya, kiisa oo aanan qiyaasi karin ilbiriqsiyo hubanti la'aan ah.
"How deep is your Love?" ayaa soo gashay sameecadda. Sidee? Jacaylkaygu intee in le'eg ayuu qoto dheer yahay ayaan is waydiiyay. Waan is guursanaynaa. Nolol cusub baan bilaabanaynaa i aamin wax walbaa waa fiicnaanayaan ayuu i lahaa bishii aan meesha joogay. Su'aasha heestu waxa ay noqotay waran igu taagmay oo kale.
Annaga oo marxaladdii ku sugan ayaa waxa uu muraayad haadda ka arkay labo gaari oo ayaguna ku soconaya xawaare u dhigma keenna. Cabsi baa i gashay aniga. Amay tuugo ama ciyaallo fowdo ah noqdaan ayaan is waydiiyay. İnta uu isoo eegay ayuu i yiri "Weligaa miyaan ku niyad jabiyay?" Su'aal soo booddo ah ayay ahayd balse Maya ayaan ku jawaabay. "Haddana waxba ha ka baqin nabad baad gurigaaga kula noqonaysaa." Aniga oo og in ay ahayd in aan baqo ayaan hadalkiisa rumaystay.
Ma jiro wax ninka uga qurux badan kalsoonida. Darawalnimadiisa kalsooni badan baan ku qabay, oo noloshayda qof kale kama yeelin in uu xawaare intaas le'eg gaari ku wado aniga oo la socda.
Aniga oo ujeeda ayuu 200km/hr ka dhigay Maskaxdaydu waqtiga ayay ku safartay. Mar waxa aan arkayay annaga oo dhimannay. Oo haddii aad daqiiqaddaan dhimataan ma wax ka qurxoon ayaa jiri lahaa ayaan is oranayay. Marna waxa aan sawiranayay annagoo faraxnay, ka gudubnay caqabadaha na haysta nolosha ugu nool si farxad ah.
Daaqaduhu waa degsan yihiin, dabayshu xawaarahana aan ku soconayno mid u dhigma ayay na gu dharbaaxaysaa, heestu samada ayay ku dallacan tahay, sida jidku mugdi u yahay si u dhiganta ayay nolosheenuna mugdi u tahay. Ma waxaa jira wax qofka dhalinyarada ah uga mugdi badan in uusan aqoon halka uu joogayo daqiiqaddaan daqiiqadda xigta.
Hal mar ayaan aniga oo heesta ku maqnaa soo jeensaday, waxa aan eegay dhankiisa mise wajigiisa waxaa ka muıqda isbeddel, wuu dhididayaa baqdin aanan waligay arkinna waa ay ku gadaaman tahay indhihiisa.
Waqti uma helin aan ku ogaado waxa jira, daqiiqaddii xigtay waxa uu gaarigi isaga oo islaba rogaya ka baxay laamiga. Waxa ay u dhigantay sida la dareemo marka aad saaran tahay wiifowga cirka mara ee hadba dhan isku gediya. Waad dhimateen, khalaas noloshiinnii halkaas ayay ku soo idlaatay. Riyooyinkiinii ayaga oo aan bilaaban ayay gabagaboobeen. Ugu danbayn idinka oo wada jira ayaad dhimateen. Soo kama xanuun badnaateen idinka oo adduunka ku kala taga.
Hurdadii ayaan ka soo boodday, taleefankayga oo dhacaya ayaan soo baraarugay. Waan lebisnaa oo waxa aan u diyaarsanaa bixid, intii aan isaga sugayay ayaan meesha ku gam'ay.
"Diyaar ma tahay dibadda ayaan taaganahaye?" Ayuu codkiisii waynaa igu yiri. “Haa hadda ayaan soo baxayaa” ayaan ugu jawaabay aniga oo og in ay macquul tahay in riyadaydu rumowdo.
Haddana ka ma xumayn hadday run noqoto.
Waa sheko faned cajiib ah intaan akhrinayay marba maskaxdaydu waxa ay suuraysanaysy dhacdada bedili doonta farxadan lkn riyo ayeyba noqoty m.a you have to be a writer belive me
ReplyDelete