MURUGO QURUX BADAN: DABADEED WAY IS GUURSADEEN


Wax walbaa waxa ay ku bilowdeen murugo, waxa ayna ku dhammaadeen murugo, sidii in aysan waxba isbaddalin oo kale. Waxa ay u ekayd sidii in aysan meeshoodii ka dhaqaaqin, haddana waxa ay ku noolaadeen nolosha noocyadeeda kala duwan. 


Subax qurux badan ayay Libin oo hooyadeed la jeclaatay magac guul ka turjumaya, balse nolosheedu noqotay taas cagsigeeda, waxa ay usoo dhaqaaqday dhanka xeebta si’ay u dareento nafisaad. Habeenkii ka horreeyay subaxaas oo dhan waxa ay ku qaadatay, oohin iyo murugo sababtoo ah jacaylkeedii, ninkii ay ragga ka dooratay ayaa u sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu sii wado xiriirkeeda. 


Waxa ay fariisatay xeebta, biyaha badda oo mawjaduhu soo riixayaan ayaa ku soo daadanayay cagaheeda, ayaduse waxa ay u ekayd qof aan dareemayn. Maskaxdeedu waxa ay ku dhex dhuntay badwaynta, oo waxa ay is waydiinaysay sida ay macquul u tahay in qof aad jeclaatay sidaas fudud ku gu cidleeyo. Dhanka kale Ladane oo isaguna murugoonaya, oo raba in uu is illowsiiyo xanuunka shaqadii uu jeclaa oo la ga soo cayriyay habeen hore ayaa waxa uu fadhiyaaa dhinaca ay Libin fadhido maahee dhankiisa kale. 


Waxa uu dareemay joogitaankeeda iyo sida ay ugu dhex luntay jawiga badda. Agteeda ayuu soo istaagay isaga oo u khushuucay quruxdeeda, illaawayna xanuunkii uu uga soo kacay sariirtiisa xilligaan aroorta ah. 


Ayaduna cabbaar kadib ayay dareentay carafta cadarka qofka dhinaceeda taagan. Indhahooda ayaa isku dhacay markii koowaad, is eegay sidii in aysan dib danbe u kala jeesan doonin mid walbaa waxa uu illaaway wixii meesha keenay. 


Waxa ay is eegayeen qaddar daqiiqado ah, waxa ay daawatay ayada oo nolol la qaybsanaysa, ayada oo illowday kii ka tagay ee gabadha kale ka raacay. Isaguna waxa uu meesha ka saaray wax walba oo adkayn kara midowga riyooyinkooda. Wajigeeda dhalaalaya ee cadceedda waaberigu ku dhacday ayuu ka dhex arkay mustaqbal ifaya, mustaqbal la gu illaawi karo adayga nolosha bannaanka haddii guriga ay kuu joogto gabadh ayada oo kale ah. 


Daqiiqadaas kadib way midoobeen. Isbarasho, jacayl iyo wax walba ayaa dhex maray. Anigu adiga la’aantaa ma noolaan karo, iyo waxa kaliya oo aan rabaa waa in aan adiga ku helo ayay iskugu niyad dhiseeen maalmo badan oo haddii la isu geeyo sannado la gu qeexi karo. 


Waxaa la gaaray maalintii waynayd. Waa arooskoodii, jacayl la gu midoobi doono ayay yagleelayaan ayaa qof walba oo labadooda isku yaqaannay niyadda iska lahaa. Xaqiiqadu taas way ka duwanayd. Wixii aad intaas sugaysay caawa ayay rumoobayaan maxaad u farxi la’dahay ayuu mid walbaa gaarkiisa isu waydiiyay. Amay wanaagsanayd in aad xiriirka dheeraaday marhore soo gaabisaan ayay is waydiiyeen. Kadibna ayaga oo labadooduba cabsi dareemaya, ayaga oo dareemaya in ay god mugdi ah ku aasayaan jacaylkii xamaasadda badnaa ayaa meherkii dhacay. Dabadeed way is guursadeen.

Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara