BAL SAWIRO

 




BAL SAWIRO! 

Waxa aad adiga oo faraxsan u raacday badda gabdhaha saaxiibaddaa ah. Waqti qurxoon ayaad soo qaadateen, jallaato ayaad cunteen cabbaarna waxa aad ka sheekaysateen nimanka noloshiinna ku jira. Waxa ay ku waydiiyeen wiilka aad dhawaanahaan isla baxayseen halka aad isla maraysaan. Adiga oo dhoolla-caddaynaya ayaad u sheegtay in xiriirkiinnu sidii ugu wacnayd u socdo, muddo 6 bilood ahna aadan shukaansan cid aan isaga ahayn. Saaxiibtaa Khadra oo ah nooca ragga aaminitaankooda shakiga ka qaba ayaa kugula kaftantay, “Maxay ahayd maah-maahdii, ukuntaada hal sallad ha ku wada ridin. Naa naag qurux badan baa tahee illaa meher kugu dhaco hal nin ha isku koobin.” Adiga oo niyadda iska leh haddii ay Bile arki lahayd niyadeedu way isbaddali lahayd ayaad dhoolla-caddayn ku dhaaftay warkeeda. 


Music qaaci ah, oo huteel xeebta saaran ka daaran ayaad cabbaar wada dhagaysateen kadibna in aad berri shaqo leedihiin ayaad is xasuusiseen meeshiina waad ka soo dareerteen. Bajaaj wiil aad u da’ yari wado ayaad soo raacdeen. Taleefankiinna ayaad Bluetooth ka ku xariirsateen kadibna sheeko ayaad iska gasheen. Adiga oo hadalkii Khadro weli maskaxdaada ku soo laa-laabanayo ayay saaxiibtaa Salma garabka kaa taabatay. Dhegta ayay afkeeda u soo dhawaysay kadibna gaari agtiinna taagan, oo jaamka idin kula jira ayay inta ku tustay cod hoose ku gu tiri “Gaarigaasi soo kii Bile maaha?” Hal mar ayaa waxa aad noqotay sidii qof barkad biyo ah la gu dhex tuuray, waxa aad dib u xasuusatay in uu cabbaar kahor intii aadan badda soo aadin uu ku yiri “Awoowgay oo xanuunsan baan isbitaal ku hayaa, cawa ma soo bixi karo.” Waa caadi, oo waxaa la ga yaabaa in uu hadda isbitaalka ka yimid ayaad iskugu laab qaboojisay. Idinka oo Khadra ka qarinaya waxa aad aragteen ayaad iska sii socoteen. Jidkii baa furmay kadibna gawaaridii iyo bajaajyadiiba si xowli ah ayay u dhaqaaqayaan. 


Wadnahaagu aad buu u garaacmayaa, waxa aad dareemaysaa in wax khaldani dhici rabaan. Idinka oo ka dambeeya gaarigiisa, ayaa halmar waxaa si deg-deg ah daaqadda u dajiyay qofkii kursiga hore saarnaa. Taleefan gacmo cillaaman, jijimo qurux badanna ku jiraan hayaan ayaa laamiga duubaya. Waxa aad rumaysan waayaysaa waxa indhahaagu arkeen. Salma ayaa halmar ku qaylisay. “Alla ba’ayeey naag buu wataa!” Khadra oo markii horaba aan la socon kuna mashquulsan hees ay la qaadaysay ayaa soo baraarugtay. “Naa maxaa naagta wata?” Ayay tiri. Adiga oo hadalku kugu dhagan yahay, ayaa waxa ay Salma u sharxaysaa Khadra waxa ay aragtay. 


Naa Samira maxaa ku helay ayay isku mar ku waydiiyeen, waxba! waxba ayaad hoos u tiri. Khadra ayaa go’aan ayada u khaas ah gaartay. Bajaajlihii ayay ku tiri “Gaarigaan na daba gali.” “Meeshaa igula soo heshiiseenna?” Ayuu si qaylo ah u yiri.  “War faqrigaa tahay cune meesha ay tagaan na gee annagaa lacagta ku siinaynee.” Ayay khadri ugu jawaab celisay. 


Waxa aad sidii film u daawanaysaa noloshaada. Waxa aad rumaysan la’dahay in ninkii aad jeclaatay, kaa dhaadhiciyay in uu daacad kuu yahay, guurkiinuna dhawaan yahay uu naag kale wato. Cod nuxuus ah, oo shakiga qalbigaaga ka daarani ka awood badan yahay ayaa waxa uu ku leeyahay, ‘Laga yaabaa in ay walaashiis tahay.’ Waxa aad dib u goconaysaa in uusan walaalo lahayn, oo wiilal oo keli ah la dhasheen. 


Khadra waxa ay ku faraxsan tahay in shakigeedii run yahay, nimankuna aysan u qalmin in la aamino. Halka aad adigu naawilayso in waxani beenoobaan ayadu waxa ay naawilaysaa in ay dhab noqoto, oo ay ku kor gayso isaga oo khiyaamada ku dhex jira. 


Bajaajtiinnii sidii ay usoo daba cararaysay ayaa waxa ay soo hor istaagtay, makhaayad aad si ba’an u jeclayd, isagu uu ku baray cuntadeedana aad la cajabtay. Idinka oo u eg jiir bisado ka dhuumanaya ayaa waxa aad sheedda ka daawanaysaan isaga oo gaariga ka soo dagaya, oo inta soo wareega daaqadda ka furaya. Markale ayaa qalbigaaga gambaleel u dhacayaa. Waxa aad xasuusanaysaa habeenkii koowaad ee aad la yaabtay gentlemen nimadiisa ma waxaa jira weli wiilal gabdhaha daaqadaha ka fura! Adiga oo aan weli indhaha ka qaadin ayaa waxaa gaariga ka soo dagaysa gabadh si walba oo aad isugu qancisid in aad ka qurux badan tahay aqbalaadeedu kugu adkaanayso. Cambuur madow oo birqaya iyo khamaar u eg ayaa ay qabtaa. Tillaabada si wacan ayay u dhigaysaa, kabaha dhawrka taako ah ee ay ku soconaysana waxa ay jirkeeda ku siyaadinayaan qurux dheeri ah. 


Adiga iyo saaxiibadaa oo diracyo baati ah qaba, lugahana ku leh ciiddii xeebta ayaa is eegaya hal mar. Kulligiin waxa aad isku raacdeen in ay qurux badan tahay. Khadra oo masayr u dhalatay ayaa inta gacmaha dhabanka kaa saarta waxa ay kugu oranaysaa “Marna kuma gaadho, adiguba sidaas oo kale u labbiso, dadkoo dhan baa yaabi lahaa.” Hal mar ayaad adiga iyo Salma ku qoslaysaan hadalkeeda kadibna idinka oo isku maqan ayaa bajaajlihii hadal idin kaga naxsanayaa. “Ani shaqo ma lihi miyaa? Ma idinkaan ninka iyo naagta is wata idinla daawanayaa?”. Idinka oo aan garanayn wax aad samaysaan ayaad bajaajtii ka dagaysaan. Makhaayaddii ayaad galaysaan, waxa aad fariisanaysaan kursi gadaale oo uusan idiin jeedin. Wax aan macno lahayn ayaad dalbanaysaan si’aad meesha usii fadhidaan. 


Waqtigaa idinku dheeraanaya. Salma oo ah nooca aan waxaas kala jeclayn ayaa idinku baraarujinaysa in waxani macno darro yihiin. Maxaan samaynnaa? Ayaad is waydiinaysaan, kadibna waxa aad isku raacaysaan in aysan go’aan saxan ahayn in aad idinka soo aan u arradan ka soo hor baxdaan. Idinka oo bixi raba ayaa waxa aad arkaysaan labadoodii oo ku mashquulsan waxa ay dalban lahaayeen, isaguna uu u sharxayo noocyada pasta da ugu fiican ee ay hayaan. Cod xoogaa sare ayaa waxa ay ku oranaysaa. ‘Na ga soo kaxee meeshaan, jawigeeda kamaba heline.’ Isaga oo xoogaa niyad jab ahi ka muuqdo ayay baxayaan idinkuna waad ka daba baxaysaan. Bajaaj kale ayaad qabsanaysaan. Midkiinna ma oga waxa uu u daba joogo, lakin waxa aad hubtaa in aad rabtid in aad ogaatid halka ay ugu dambayn tagaan. Dhawr jiiro oo aad taqaannid ayay marayaan. Kadibna guri aad si wacan u garanayso ayay hor istaagayaan. Adiga oo wadnahaagu saa’id u garaacmayo ayaa halmar waxa aad la soo boodaysaa “Waa apartment kiisa halkaani!” Khadra iyo Salma ayaa halmar ku wada waydiinaya. “Oo gurigiisana ma u soo raacday?” “Waxaasi muhiim maaha ee maxaan samaynnaa?” Ayaad isku dhaafinaysaa su’aasha muhiimka ah ee la gu waydiiyay. 


Khadra ayaa halmar inta bajaajta ka dagata, waxa ay u dhaqaaqaysaa dhanka gaariga oo sugaya in albaabka waardiyuhu furo. Daaqaddiisa ayuu dajinayaa, isaga oo yaabban ayuu waydiinayaa waxa ay rabto. Adigu ma maqlaysid codadka la gu hadlayo, waxa aadse dareemaysaa in khal-khal badani jiro. Khadra oo taagan ayaa daaqadda kale waxaa ka soo daganaysa gabadhii. Waxa ay ku dhagaysaa Khadra, ayada oo cod dheer ku qaylinaysa. “Naa maxaa  ku daba dhigay, haddii uu ku yiri kuma aqaanni?” Adiga iyo Salma oo ordaya ayaa bajaajtii ka soo dagaya, waxa aad u imaanaysaan si’aad Khadra u caawisaan. Indhahaaga iyo indhaha Bile ayaa isku dhacaya, hadalka ayaa ku dhagaya, waxa uu bilaabayaa in uu wax uu ku hadlo aqoon waayo. Kalsoonidii uu daqiiqado kahor isku difaacayay ayaa dhulka galaysa. Kadibna khadra ayaa gabadhii ku oranaysa “Ninkaaga waydii in uu gabadhaan yaqaan iyo in kale?” Ninka marka aad maqashid ayaa wadnuhu labo kuu kala fuqayaa. Naagtii oo xoogaa xasishay dareentayna in ninkeedu uusan dambi la’aan ahayn ayaa isaga ku jeesanaysa. Ayaga oo is murmaya ayaad idinkuna ka soo dhaqaaqaysaan. 


Waxa aad dib u xasuusanaysaa sida gurigu u barafuunno badnaa iyo sida uu guri gabadhi degan tahay ugu ekaa iyo sidii uu adiga kaaga dhaadhiciyay in uu isagu yahay qof is daryeelka jecel. 


Adiga iyo saaxiibaddaa waxa aad dib u soo raacaysaan bajaajtiinnii, idinka oo naawilaya in aydaan aragteen gaarigiisa.



Comments

  1. Hadda ayaanba mooday dhicitaankeeda.

    ReplyDelete
  2. Sheekooyin badan oo lamida ayaa nagu dhacay makula wadaagi karaaa

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara