Isbad-baddalka Dareennada


 Isbad-baddalka Dareennada


Qof baad jeclaatay, oo aad u boholyowday. Xiriirkiinnii buu si’aan macno lahayn u jaray. Codkiisii baad baadi goobtay, meel walba oo aad ka heli kartay ayaad haleeshay waadse ku guuldarraysatay, adigoo hurda waayay aawadiis, waqti badanna kaaga baxay sidii aad maskaxdaada uga sifayn lahayd ayaad muddo noolayd. 

Waxaa ku soo hormaray daqiiqado iyo maalmo aad wax walba isaga ka dhex arkaysay, marxalad walba oo aad ku jirtid waxa aad is oranaysay tolow muxuu ka dhihi lahaa? Miyaysan wacnaateen in aan hadda wada joogno. Si dabiici ah ayuu qofkii laabtaada uga baxay, waxa aad is aragtay adiga oo aan wax dareen ah u qabin. Qofkii haddii aad magaciisa ku aragto shaashadda taleefankaaga wadnuhu ku garaacmi jiray ayaa habeen adiga oo iska faraxsan ku soo wacay. 

Waad laba boglaysay, miyaan ka qabtaa mise waan iska daayaa ayaad iskula faqday, intii aad is waraysiga isugu maqnayd ayuu call kii go’ay. Waxa aad damacday in aad WhatsApp ka dib ugu noqoto, si automatic ah ayuu call kii qofkii ugu noqday. Adiga oo aan kala jeclayn baad inta fadhiga fariisatay la sheekaysatay. Waxa aad is tiri ma waydiisaa, sababta uu sidaas u yeelay, ee uu macasalaamo la’aan u dhuuntay, haddana waxa aad xasuusatay in aadanba u baahnayn in aad jawaabta ogaatid, oo hadda aad faraxsan tahay, aadna xiriir qurxoon kula jirtid qof isagii dhan walba oo la eego ka wacan, mid mansab, mid dhaqaale, mid jacayl iyo dareeneed ba. Kaligaa baa isla qoslay, waxa aad kala garan wayday in ay riyo tahay iyo in kale. 

Qofkii aan shalay u waalnaa jacaylkiisa hadda agtayda waxba kama aha. 

Adigoo dareemaya in bini’aadamku cajiib yahay, isbaddalka dareennaduna ay aad u layaab badan yihiin, qof maanta macno kuu lahaa berri uu macno beelayo ayaad sariirtaada iska seexatay, kadibna hurdo dheer oo raaxo leh gashay.

Comments

Popular posts from this blog

QORRAX MADOOBAAD

Awoodda filimada: iyo Sida ay u qaabeeyaan Bulshada.

Talooyin ku anfici kara